Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Odayaal iyo Waxgarad Soomaaliyeed Oo ku Baaqay inaan la Carqaladeyn Amaanka Muqdisho

Kulankaan oo ahaa mid ey isugu yimaadeen qaar kamid ah Odoyaasha iyo Waxgaradka kudhaqan Magaalada  Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ey kamid yihiin in aan la carqaladeen amaanka Muqdisho iyo musuq  maasuq lasheegay in uu kajiro qaabka loo sooxulaayo Xilibaanada cusub ee Baarlamaanka ee uu yeelanaayo Dalka Soomaaliya.

Gaban gabada kulanka ayaaa waxa ey Odayaaasha kasoo saaareen Warsaxaafadeed ku aadan wax yaabihii ey isla meel dhigeen oo faah faahsan .

Maxamed Xasan Xaad oo kamid ahaa Odayaashii kaqeeb qaatay kulankaani oo Warsaxaafadeedka u aqriyay waarbaahinta ayaa waxa uu walaac kamuujiyay Musharixiinta badan ee haatan kusoo qul qulaya Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in mid walba uu wato Maleeshiyo isaga u gaar ah ayaa waxa uu kadigay in eysan dhibaato ku imaanin xasiloonida Muqdisho .

Waxaana ey ugu baaqeeneen Odoyaasha Dowlada Soomaaliya iyo Musharixiinta haatan utaagan xilka madaxtinimda Dalka in ay is kaashi kasameeyaan amaaankaa Muqdisho.

Mudooyinkii  ugu danbeeyay ayaa waxaa soobadanayay kulamo ey isugu imaanayeen Odoyaasha iyo Waxgaradka Muqdisho kasoo ey kaga digayaan in odayaasha eysan  xor u aheen sooxulista xubnaha cusub ee Baarlamaanka waxeyna Odayaasha kadigeen in lagu eedeeyo musuq maasuq iyo wax is daba marin .

Gaban gabada kulankaani  ayaa war saxaafadeedka waxa ey Odayaasha ugu baaqeen Odayaaasha haaatan ku hoolan sooxulista Baaarlamaanka cusub ee uu yeelanaayo Dalka Soomaaliya in ey u sooxulaan xubno matali kara bulshada soomaaliyeed.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII