Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Hiiliyaasha aan loo hiilinin!!,(Suxufiga oo hadlaya)

Mihnada Saxaafadda waa Howl Jihaad u dhiganta, waayo Waagii baryaba waxaan la kulanaa qatar, waxaan ka warhayna oo kaliya goorta aan guriga,iyo xafiiska shaqo aan ka baxayno  ee ma ogin  inaan Nabad Guriga ugu laabanayno iyo in kale. 

Suxufigo waxaa uu u hiilanyahay umadda,hormarkeeda, in uu ku xiro aduunka kale,in uu u soo gudbiyo waxa jira oo dhabta ah, laakiin su’aasha aan jawaabta u waayay ayaa wxaa ay tahay Umaddeena miyaan ka mudanahay in hortooda nalagu dilo ,nalagu handado,nalagu dhaawaco ,miyay san ahayn in markooda ay noo heeliyaan?!

Bil kasta,sanad walba iyo sacadkasta maxaa ka dhigay wariyaasha soomaaliyeed in la ugaarsado sidii duur joogta oo kale? ma garan karo wax aan ka ahayn dabar-goyn sidii inaan nahay cudur dadka ku dhacay oo laga cirib tirayo.

Saxaafadda Xorta ah ee madaxbanaan soomaaliya waxaa ay u horseedeen Hormar aan la dabooli karin,ee waxaan jibinay Record-kii ahaa Arag maqal afkana xiro,waxaan mudniin in nalgu abaal maryo ee ma’aheen in nalgu dilo,oo nalugu argagax giliyo!

Dadkeena qaar waxay u arkaan Suxufiga hadii uusan sheegin wax iyaga ka qosliya in uu yahay mid Dandooda ka soo horjeeda,waxayna bilaabayaan hanjabaado ah in markale la sii daynin warkaasi,marka ma waxaa jiri doona qof is hor istaagi kara in soomaaliya aanay ka jirin Xoriyad Saxaafadeed!

Yaa nadilaya ,maxaase na loo dilaya ,waa su’aal da’wayn oo daalisay maskaxdeyni hadii aynu nahay wariyaasha soomaaliyeed, waayo ilaa iyo haatan waan garan la’anahay sababtaas, laga soo bilaabo  1992dii ilaa iyo haatan 2012ka waxii tacadi ah oo nalo geestay ma jirin cid lo soo qabtay iskaba daaye in la soo qabte ma jirin cid dabagashay !!! Tani ma waxaan u fasiranaa in aan marti ka nahay dalkeena,dhulkeena oo aanayn jirin cid garab na siisa?

waxaa run ah in aan dadkeeni dhibaatada ku habsatay aan qayb ka nahay ,laakiin dhagaysto,iyo akhriste dareenkaagu siduu noqon lahaa ,hadii aynu ku dhahno waxaa jira qaar naga mid ah oo ubadkooda,lagu ogoontayay falkaasi naxariis daradaha ah, xaasas badan ay saygooda ku waayeen xaqdaradaas, waliba dharaad cad bulshadeena dhexdeeda gacan ka xaqdaran ay ku dishay!

Intaas waxaa ka sii yaab badan ma jirin ,Dowlad, Ama hay’adaha u dooda xuquuqda wariyaasha oo Falalkaas Argagixisada ah Baaris ku sameeyay Habayaraatee !

Qaarkeen oo ka badbaaday dilalka loo geestay saaxiibadeen ayaa shaahid ku arkay in intabadan dilaayaasha wariyaasha ay isku qaab adeegsadaan,kaasi oo ah in sedex ama la qof ay qofka wariayaha ay ku soo weeraraan isagoo aan hubaysneen,islamarkaana aanay jirin cid u soo gurmata ,hadii ugu badato dadka degaanka ayaa isbitaalada nugula orda si ay nafteena u badbaadiyaan !

silsiladan waa mid taxane soo ahayd mudo dheer ,mana ogin ilaa inta ay cadaalad daran sii jiri doonto,laakiin waxaa marag madoonta ah in kuwa na diliaya ay qasaareen akhiro iyo aduunba!

waxaan dhahnaa Meyd maxaa ugu dambeeyay, markaasaa la yiraahdaa Midkaas la sii waday 12ka agusta ee 2012ka waa maalin kale oo mugdiyadeena kamid ahaa waxaa siyaabo kala dowan maalinkaas loo dilay Alla ha u naxariiste suxfiyeen qaali nagu ahaa oo aan ilaabi doonin Yuusuf Cali Cismaan, Yuusuf Fareey ,iyo  Maxamed Cali Buneyste .

Soomaaliya ma ahan oo kaliya meel lagu dilyo wariyaasha soomaaliyeed,ee sidoo kale waxaa lagu dilay wariyaal ajanabi ah oo u yimid in ay soo bandhigaan marxaladaha dalkeena ka jiray ,qaybta kuwaad waa liiska wariyaasheena soomaaliya oo gacan ka xaqdan dishay sanado iyo taariikh kala dowan waxaan isku dayay in aan magacyadooda soo gudbiyo iyo waqtiyadii la dilay,waxaan ka cudur daaranaya hadii aan wax ka tagay .

Liiska wariyaasha soomaaliya ee la dilay:

1 Ahmed Addow Anshur, Shabelle Media Network

May 24, 2012, ayaa muqdisho lagu dilay.

2 Farhan Jeemis Abdulle, Radio Daljir, Simba Radio

May 2, 2012, waxaa lagu dilay kaalkacyo

3 Mahad Salad Adan, Shabelle Media Network

April 5, 2012, ayaa baladweyne lagu dilay

4 Ali Ahmed Abdi, Radio Galkayo, Puntlandi

March 4, 2012, waxaa lagu dilay Galkayo,

5 Abukar Hassan Mohamoud, Somaliweyn Radio

February 28, 2012,waxaa lagu dilay muqdisho

6 Hassan Osman Abdi, Shabelle Media Network

January 28, 2012, muqdisho ayaa lagu dilay  .

7 Abdisalan Sheikh Hassan, HCPTV

December 18, 2011, waxaa lagu dilay Mogadishu.

 

8 Barkhat Awale, Hurma Radio

August 24, 2010, waxaa lagu dilay magaalda muqdisho.

9 Sheikh Nur Mohamed Abkey, Radio Mogadishu

May 4, 2010, waxaa lagu dilay Mogadishu,

10 Abdulkhafar Abdulkadir, freelance

December 3, 2009, waxaa lagu dilay magalada muqdisho

11 Mohamed Amin, Radio Shabelle

December 3, 2009, waxaa lagu dilay muqdisho

12 Hassan Zubeyr, Al-Arabiya

December 3, 2009,  waxaa lagu dilay Mogadishu.

13 Mohamud Mohamed Yusuf, Radio IQK

July 4, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho

14 Mukhtar Mohamed Hirabe, Radio Shabelle

June 8, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho

15 Nur Muse Hussein, Radio IQK

May 26, 2009, waxaa lagu dilay magaalada baladweyne

16 Abdirisak Mohamed Warsame, Radio Shabelle

May 22, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay

17 Said Tahlil Ahmed, HornAfrik

February 2, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay

18 Hassan Mayow Hassan, Radio Shabelle

January 1, 2009, waxaa lagu dilay  Afgoye.

19 Nasteh Dahir Farah, BBC-somali

June 7, 2008, waxaa lagu  Kismayo.

20 Hassan Kafi Hared, Somali National News Agency

January 28, 2008, waxaa lagu dilay Kismayo.

21 Bashiir Noor Gedi, Radio Shabelle

October 19, 2007,ayaa muqdisho lagu dilay Mogadishu

22 Abdulkadir Mahad Moallim Kaskey, Radio Banadir

August 24, 2007, waxaa lagu dilay  Bardera.

23 Mahad Ahmed Elmi, Capital Voice

August 11, 2007,waxaa lagu dilay magaalada muqdisho

24 Ali Sharmarke, HornAfrik

August 11, 2007, ayaa muqdisho lagu dilay

25 Ahmed Hassan Mahad, Radio Jowhar

May 16, 2007, waxaa lagu dilay Jowhar.

26 Abshir Ali Gabre, Radio Jowhar

May 16, 2007, waxaa lagu dilay  Jowhar.

27 Mohammed Abdullahi Khalif, Voice of Peace

May 5, 2007, waxaa lagu dilay  Galkayo.

28 Duniya Muhyadin Nur, Capital Voice

June 5, 2005,waxaa lagu dilay Afgoye..

29 Abdullahi Madkeer, DMC Radio

January 24, 2003, waxaa lagu dilay  Baidoa.

30 Ahmed Kafi Awale, Radio of the Somali People

January 26, 2000, waxaa lagu dilay muqdisho.

31 Abdullahi Omar Gedi, Radio Daljir

August 31, 2010,waxaa lagu dilay Muqdisho

32 Ali Mohammed Omar, Radio Warsan

February 16, 2007, waxaa lagu dilay  Baidoa.

33 Farah Hassan Sahal, Radio Simba

August 4, 2011,waxaa lagu dilay muqdisho

34  Mahamud Ali Buneyste,freelance

Agust 11,2012, waxaa lagu dilay Muqdisho

35 Yuusuf Cali Cismaan, Yuusuf Fareey , IFMS

Agust 11,2012, waxaa lagu dilay muqdisho.

Halkan waa liis kale oo murugo xambaarsan waa wariyaal gabdho iyo wiilal isgu jira oo ajanabi ah  oo dhul aan dhulkooda ahayn lagu dilay ,meelo soomaaliya kamid ah ayaa lagu dilay!

Liiska wariyaasha Ajanibiga ah ee soomaliya lagu dilay:

1  Noramfaizul Mohd, Bernama TV

September 2, 2011, muqdisho ayaa lagu dilay

2 Jean-Claude Jumel, TF-1

June 18, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho.

3 Hosea Maina, Reuters

July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho

4 Dan Eldon, Reuters

July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho

 

5 Ilaria Alpi, RAI-3 Television

March 20, 1994, waxaa lagu dilay Muqdisho.

6 Miran Krovatin, RAI-3 Television

March 20, 1994, waxaa lagu dilay muqdisho.

7 Anthony Macharia, Reuters

July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho

8 Hansi Krauss, Associated Press

July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho

9 Marcello Palmisano, RAI

February 9, 1995, waxaa lagu dilay Muqdisho

10 Pierre Anceaux, freelance

August 31, 1994, waxaa lagu dilay Baidoa.

11 Kate Peyton, BBC

February 9, 2005, waxaa lagu dilay muqdisho

12 Martin Adler, freelance

June 23, 2006, waxaa lagu dilay  Mogadishu.

Xalka Muxu Yahay?

Maamulada kataliya Goobaha lagu ugaarsanayo Warfidiyeenada Waxaa la gudboon inay gutaan waajibaadki umadu u xilsaaratay, ayna ka dhiidhiyaan Da’yarta shacabkooda u adeegaya ee xaqdarada lagu dilayo.

iskuna dayaan inay wax uun ka qabtaan Marxalada adag ee kuhaysata wariyaasha Goobaha ay kataliyaan oo aanay noqon kuwo maqaar saar ah.

Waxaa ceeb ugu filan in Wariyaashu ay ku nabadgaliwaayaan Goobaha ay sheegtaan inay maamulaan!!

W/Q Wariye Maxamed Xaaji Xasan Abukar.

Email: Mhajji00@gmail.com.

          Maxamed555@hotmail.com

Celle:  +254 716 113 788

NB: Qoraalkan Waxaa ufasaxan Dhamaan Warbaahinta Soomaaliyeed Maqal, Qoraal iyo Muuqaalba…..

12 Responses to Hiiliyaasha aan loo hiilinin!!,(Suxufiga oo hadlaya)

  1. Hassan says:

    Fari kama qotna faanoole.
    Dad habaaran ninkiii doonayo in uu ax uu qabto asaga leen ka warsugeenaa.
    Sxb. Adiga is ilaaali.! Meesha waxaa ku nool waraabo biniaadam ma aha waxaan.

  2. hargesa says:

    allaha unaxaristo inta islamka ah ee ladilay

  3. nabadoon deeq says:

    Waa arin naxdin leh shaqsi ahaanteydana aad iyo aad ayaan ooga xumahay, laakini dambiilayaasha ha ogaadaan in wariyayaasheena aqoonta le aysan sidaa kudaba dhamaaneynin oo in marwalbaba lahelayo wariye xaqa ama runta u baahinayo umada soomaaliyeed, balse dhamaan bulshada soomaaliyeed waa in ay taageeraan howlaha saxafiyiinta soomaaliyeed ayna ka difaacaan cadowga manaxayaasha ah.

  4. wahwah says:

    waxaana qoral mcna kaa ah sxb aad baa qaaali u ah eraya qiiira leh ayaad ku hadashay

  5. wahwah says:

    waxaan jecleestay inaaan erayadan meel masrax ka aqriyo hadaan jaaanis u helo maxamad xaaaji xasan abukar sxb wa la moodaya hadba kaad run ka sheegtaaan baa cadow idin ah kiina aad runta kaga farxisan baa sxb idin ah hada dad badana saxafada nacay heer la maraaayo ayaagaa qaldan

  6. Alhamdu says:

    Wlh waa arin naxdin iyo murugo badan aniga xita waan ku fikiraye inan wariye noqdo lkn hada waa iga dhamaatay sxb 100% wad mahad santahay bye asxaabey

  7. Fiican says:

    Inaa lillaahi wa innaa illayhi raajicuun!run ahaantii walaalka muslimka ah oo xaqdarida loo dilay wale xaqiisa alle SWC ayaa u aari doona.maalin maalintaan eheen alle ha unaxriisto intii muslimiin ah oo dhintey.kuwa xaqdarada lagu diley iyo kuwa kalaba.

  8. Ciise maxamed yaxye says:

    waa la yaab in la laayo wariyaasheena soomaaliyeed waxaan dhihi la’haa gacan idinka xaq daran ayaa idin dhishey ee Ilaah haidinka abaal mariyo
    Teeda kale wariyaasha waa hormarkeena kuwa ka tarjuma ee kuwa dila waa lala xisaabtami doonaa hadii ilaah idmo thanks

  9. la'yaab badnaa says:

    marka hore waxaan u tacsiyeynayaa dhamaan qaraabada ka geeriyoodeen warayaasha la dilay sanadihii ugu danbeeyey aad ayaan uga xumahay in la dilo wariye u hadla shacabka soomaaliyeed kuwa u dila arimahooda siyaasadeed owgooda iska daaya dilka foosha xun aad ku raadinaysaan xukun aan dadka waxna uga qabanaynin lacag raadiska ah ee waad ka shilaaynaysiin maalin aan maalintaani eheyn masaakiinta aad leynaysiin thanks

  10. Mr hayatu says:

    Acs fikirkayga hadaan ka dhiibto waxaan leeyahay umadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay isku duubmaan si loo helo kuwa laaya dhalanyarada ka hadasha dhibaatada haysata sidaasi darteed waxaa laga doonaya in ay raadiyaan macaga qof iyo dilka geysta iyo kuwa soo dirsada haday suurto gal ay u noqoto si hadhow aan markaan helno dawlad aan u raadsano kuwaas laayey sharafkeena iyo walaalaheena agoona ka dhigay wiilal iyo gabdho asaayna u saaray gabdhaheena soomaaliyeed Written By Issa (HAYATU)

  11. Liban abdullahi says:

    Sc aniga waxaan qabaa ku wa isku sheegaaya dowlada inayba ka danbeeyaan falalkaan waxaan ugu maleeyay qofwalbo oo dalido waxay yiraahdaan wancanbaaraynaynaa intas bay ugaharaan marka wariyaasha waxaan leeyhay fiirmo gar ah iska fiiriya inksstoo balayo wax dil baratay ineenaa waardiyeen karin oo hoowshas waxa iska lahaa dowlad meshana dowlad mail joogto waxan ilahay ugu baryeynaa inuu dadka masaankin ta ilahay ka qabto sc

  12. Ismaciil cali says:

    Run ahanti wa wax laga murugodo dilalka logeysto saxafiyinta shacabku kumaqanacsana in dil logeysto saxafi lkn waxa jira kuwo an jirnaxayo lahen an aqon sababta ay dilka ugu gesanayan saxafiga run ahanti saxafiyin wa laf dhabarka ummada som. Waxan kula dardarmaya ku geysta dilalka inay ka wan toban saxafiyinta waxan leyahay huray u wada hagankad ku jirtan kana daxatira wixi dhib ukenayo naftina iyo sumcadina inti dhimatayna alle ha,unaxaristo ana waxan ahay saxafi madax banan intabadana waxan gacansiya saxafada saxafaduna watan bulshada darenkoda ka hadasha waxan markale idin leyahay horay usiwada howlaha ad bulshad som. U heysan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII