Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Masuul katirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo Suuqa Bakaaraha lagu toogyay

Rag Hubaysan ayaa toogasho ugu gaystay gudaha Suuqa Bakaaraha mid kamid ah Saraakiisha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Alla ha unaxariistee Maxamed Raage ayaa saakay rag hubaysna ay toogasho ku dileen xili goobtiisa shaqo uu kusii jeeday.

“Shaqadiisa ayuu ku jiray, waxaa uu marayay meel udhow Salam Somali Bank, waxaana dilay rag hubaysan’ayuu sheegay goob jooge Bakaaraha kusugnaa.

Waxaa jira warar sheegayay in xiliguu Marxuumkan la dilayay uu waday lacag uu meel gaynayay lamana oga hadii lacagtaas  aawadeed loo dilay.

Ciidamada dowlada KMG ayaa halka dilka uu ka dhacay gaaray, waxaana ay ilaa iyo haatan wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxdii dilka gaysatay.

Faah Faahin kale dib kala soco Insha Allah Warqaad.com

11 Responses to Masuul katirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo Suuqa Bakaaraha lagu toogyay

  1. Faysal sheno says:

    Alaha ha unaxristo marxunka lkn waxa su aal ah xajada ganacsatada mayey mareysa markan maso dhaftay siyasad?

  2. warsame says:

    alaha u naxasisto marxuumkas ehaladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alaha ka siiyey mida kale waxan waydinayaa gudoomiyaha gobolka ban iyo wasaarada gudaha iyo amniga malin walbo dad raiyid ama shaqaalaha war fafinta ama ha noqdano kuwa nabad suguda mar warbaahinta waxan ka maqla gobtas waxa garay cidamada amaanka waxay ka wadn baaritaano la xirira dilkas wali ma arag ayado la leyahay maxakamada manta waxa la saraya qof hebel marka mesha waxa ka jiro filimadi tuugada saraaksha cidanka hadaba wasirka gudaha iyo duqa maqalada umudan mas uulka ka tihin wax ka qabta anaga qrbo wan nacnay waa la idin waydin aakhiro mana dherawax ka yar 5 daqiqo ayey ku jirta

  3. Xudeyfa says:

    Maxaad u leedihiin rag hubeysan baa diley maad dhaxdaan ciidamada dowlada ayaa diley anakaa u jeedney marka la dilayey meel bulsho ah ayaa lagu dileye waxba u qarinina mise murtadiin baad isla tihiin.

  4. Asc dhamaan shaqaalaha shirkada waa idin salaamaya waan ka xumahay in ladilo qof shaqaale oo noolal maalimeed dugsinsya ma banaano qof muslin ah in ladilo in lilaahi wa inaa ileehi raajicuun says:

    Dhamaan shaqaalaha shirkada is gaar siin waad salaamantihin salaan kadib walka dhintey allaha unaxriisto inaa lillaahi wa inaa ileehi raajicuun

  5. Cabdiqadir maxamed cumar says:

    Marxum kaas allaha unaxaristo eheladi ow ka geriyodayna samir iyo imaan allaha ka siiyo amin amin asagana gacan kagar darana dishe illahay jinada ha ugu bishareyo lkn waxa layableh kuwan amniga shega malin kasta war waxad sugtan malaha e dolar ayaad ku sugeysan mesha caaana waya hurumud maxa usameysa waysen bank mel kasta ku yal oo amnigisu sugan yahy wata lacagaha jebka lagu wade war kuwan amni aysugan haka suginina ayuka tuga

  6. cadaawe says:

    yaakale tuugo lacagraadiasa oo aan aheyn dawlada maa joogta inta dilaan eydhahaan dad aan la aqoon aadilay waan leydiin qorin waana leydinka jarin

  7. Aluuf says:

    Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicun allaha ha’unaxariiso marxuum MAXAMED XASSAN CABDULE( DOOL RAAGE)

  8. Farxaan says:

    Allaha u naxariisto raxmadiisa waasaca ah

  9. asc ramadaan kariim says:

    warsame says:anigooah mahad baazi

    alaha u naxasisto marxuumkas ehaladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alaha ka siiyey mida kale waxan waydinayaa gudoomiyaha gobolka ban iyo wasaarada gudaha iyo amniga malin walbo dad raiyid ama shaqaalaha war fafinta ama ha noqdano kuwa nabad suguda mar warbaahinta waxan ka maqla gobtas waxa garay cidamada amaanka waxay ka wadn baaritaano la xirira dilkas wali ma arag ayado la leyahay maxakamada manta waxa la saraya qof hebel marka mesha waxa ka jiro filimadi tuugada saraaksha cidanka hadaba wasirka gudaha iyo duqa maqalada umudan mas uulka ka tihin wax ka qabta anaga qrbo wan nacnay waa la idin waydin aakhiro mana dherawax ka yar 5 daqiqo ayey ku jirta

  10. tacsi tiranya leh says:

    INAA LILAHI WA INAA ILEYHI RAJICUUN….GEERIDA WA XAQ waxaan halkan uga tacsiyenayaa eedadey macaan abshiro cali bare iyo caruurteda iyo eheladii u ka tagay samir iyo iimaan ilaah in u ka siiyo marxuumka janatul firdowsa in u allah ka waraabiyo

  11. cli afgoi says:

    wadankan nabad ayuu ahaa slada waxn aadi jirnay dukaamadeena o fur furan mantana wadada aya lagu bxsan la yahay cabdi wali iyo tuugada koofayadaha dhuuban o magacyadaha wanaagsan la bxy in shaa.alah qayaamaha ka jawaaba su aasha ah cdowga ilaahey ku so fasaxden umada maskinta ramadanki hore tahjudka wa la aadi jiray manta maya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII