Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xukumadi Dr Gaas oo Xilkeedii Wareejisay, awoodana saaray sidii ay uga mid noqon lahaayeen…

Kadib kulan balaaran oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa Awoodii wareejiyay Xukumadii Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Dhamaan Awoodihii Xukumada ayaa waxaa la wareegay 18-ka Agaasime ee Xukumada haatan jirta.

Kulan balaaran oo ay ku yeesheen xarunta wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee magaalada Muqdisho  ayaa waxaa ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Xubnihii Xukumada ay ku mashquulsan yihiin raadinta xilal kala duwan iyo musharaxnimo sidaa darteed ay iyaga maalmaha yar ee waqtiga ka dhiman sii wadi doonaan howshii Xukumadda.

Agaasimayaasha qaar ayaa sheegay in waxa ugu badan ee xiligan wax laga qabanayo ay tahay dhanka amaanka gaar ahaan inta ay socdaan ololaha doorashada.

In xilkii Fulinta ay la wareegeen Agaasimayaasha Wasaaradaha dowlada ayaa kusoo aadaya xili Xukumadii oo uu ugu sareeyay Ra’isul Wasaare Gaas ay kala noqdeen kuwa Xildhibaanimo raadsada iyo kuwa Madaxweynanimo isku soo sharaxa.

Sidoo kale Xubnaha qaar ee Golaha Wasiirada ayaa u ololeynaya Madaxda haatan jirta gaar ahaan musharaxiinta doonaysa xilka madaxtinimo.

Warqaad.com
Xulka Wararka

4 Responses to Xukumadi Dr Gaas oo Xilkeedii Wareejisay, awoodana saaray sidii ay uga mid noqon lahaayeen…

  1. JAMA says:

    yaaaaaaaca yaaaaaaa?

  2. Cali farah says:

    Sharif waxa lagudbon in u xukumada kala dadiyo

  3. WALI says:

    Howlaha ayaa la dhamaystirayaa balse somaliyeey xasuusnaada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waa la magacaabay oo way dooran yihiin markii nairobi tageen intaas ayaa loo sheegay

  4. Wadani says:

    War safirki putland muqdisho u jogay ee gas ahaa farole ayaa watay ee safir kale putland kensada dheh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII