Sida ay maanta qoreen War-geysyadda Caalamka qaar-kood gaar ahaan Jariidadda Al-Rayyah {الراية] ee Xarun-teedu tahay magaalada Doha ee dalka Qatar ayay boga hore waxa ay ku soo qoreen oo ay Cinwaan uga dhigeen “wiil sagaal sano jir ah oo kun Dollar ugu deeqay magaaladii uu ku dhashay oo Dhaqaalo xumo la ciir-ciireysa”
Wiilkan yar oo sagaal sano jirka ah ayaa waxa uu deeq dhan kun Dollar ugu deeqay magaalada uu ku Dhashay ee Dave ee gobolka Detroit ee dhac waqooyiga dalka Mareykanka sida la sheegay xilli uu Dhaqaalaha gobolka Detroit uu hoos u dhac-weyn ku yimid
Wiilkan yar ee dhaqaalahaa intaa la eg bixiyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Joshua Smith isla-markaana Kunka Dollar ee uu bixiyay uu ka aruuriyay Lacagta ay Waalidkiisa siin jireen xilliyada fasaxa uu yahay Iskuulada iyo waqtiyadda kale
Joshua Smith ayaa u ban-dhigay fikirkiisa Lacag yaboohida ah aabaha dhalay oo markii dambe la gartay Wiilkiisa isla-markaana Qoyska ay bilaabeen in Lacagtaasi ugu deeqaan magaaladooda oo wiilkooda ku Fikiraayo in ay soo jiidato taageero dhaqaale oo Caalami ah
Wiilkan yar ayaa u sheegay qaar ka mid ah war-baahinta isgoo leh”waxaan maqlay inaan dhibaato Dhaqaale ku jirno waxaana aan doonayay fikirkeyguna uu ahaa inaan wax caawiyo waxaana fikirkeyga Ula tagay aabahay markii horana hadaf-keygu waxa uu ahaa inaan Lacagta gaarsiiyo 600 illaa 700 boqol Dollar laakiin Hooyadey ayaa soo jeedisay in aan gaarsiiyo 1000 kun Dollar”
Hayeeshee wiilkan yar ee lagu magacaabo Joshua Smith ayaa ah wiil aad u da’yar isla-markaana kaga Qeyb-qaatay horumarinta magaalada Dave ee gobolka Detroit ee dhaca waqooyiga dalka Mareykanka Ayaa ah dhaqaale aad u yar marka loo fiiriyo marka maalgilin lagu sameynayo magaalo dhaqaala-heeda Hoos u dhacay balse aqliga iyo maskaxda wiilkan yari ku xeran ayaa ah maskax aad u nadiif ah mudanna In lagu daydo
Abdi Nasir Ahmed Aden
nasirdc@hotmail.com
Doha-Qatar