Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ra’isul Wasaare Gaas oo Goordhow ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa

Munaasabad Balaaran oo saakay ka dhacday Hotelka City Plaza ee Magaaladda Muqdisho ayuu Goordhow Ra’isul Wasaare Gaas kaga dhawaaqay in uu yahay musharax utaagan Xilka madaxtinimo ee dalka.

Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG ayaa ka sheegay munaabadda oo ay kasoo qeyb galeen dad aad ubadan in uu yahay musharax.

‘Waxaan halkan ka cadaynayaa in dalka uu ubaahan yahay in wax badan loo qabto, maanta waxaan ku dhawaqayaa in aan ahay musharax utaagan xilka madaxtinimo”ayuu sheegay Dr Gaas oo sheegay in uu ahaa qofkii bad baadiyay qaranka.

‘Waxaan imaaday xili dalka uu xaalad adag ku jiro waxaan ka adkaanay kooxihii argagaxisda ahaa waxaan dhisnay siyaasadii arimaha dibada, waxaan tayaynay ciidamadii dalka”ayuu sheegay Dr Gaas.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in Xukumadii ay ka mirdo dhalisay dhamaad dadaaladii ay samaysay gaar ahaan ansixinta dastuurka iyo ka gudbida marxalada KMG.

Waxaa uu noqonayaa Musharaxii labaad ee shaaciya in uu yahay musharaxnimadiisa madaxda sare ee dowlada waxaana horey usheegay in uu musharax yahay Madaxweynaha xiligan Sh Shariif Sh Axmed.

Faah Faahin+Sawiro iyo Cod dib kala soco Insha Allah Warqaad.com

34 Responses to Ra’isul Wasaare Gaas oo Goordhow ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa

  1. Yaxye maxed xasan says:

    Aniga oo ah mawaadin somaliyed jogana jubada hose waxan sodhoweynayaa dr gaas

  2. Aden power juu says:

    Aden
    dadaab-ifo
    waxy ila tahay isa soo sharaxa c.weli wax macnaa oo ay samaynayso majirto….waayo wax taageera kama haysto khaatumo iyo beelah darood oo dhan…guusha sheikh shariif ayaa leh reisal wasaarahan khaatumo ayaa leh…

  3. Cali says:

    Walayab arinka gas

  4. Salah says:

    Abahi dalka dr.gaas abahihi badbaadada qaranka iyo umada somaliyed guul guul waxad udhalisay dowlad umada somaliyed.

  5. Dalmar says:

    Gaas marabno sharif iyo kuligood kuwa hada joogo marbno wxan rabnaaaa farmaaaaaaaaaajo madaxwaynaha dhabtaha guul farmaaaaaaaaajo

  6. Saacid says:

    Kkk wa wax lagu qoslo ardaya dabaalkan dalka waxa badbaadin karo allaha awooda leh tan kale madaxweyna waxa noqon kara wadani adi waxa tahay nin qabiil geesiga drc/raxman baadiyow hala door hala doorto DR BAADIYOW MADAXWEYNE DHEH

  7. abdulkadir farah says:

    Asc hadaan ka hadlo is soo sharixida gaaas fashil unbeey ku danbeyn doontaa waayo shacabka kama heysto kalsooni waa qabiilista asgow raiisul wasaaara ah ayuu rabay in hantidii qaran somaliyeed lawada siiyo puntland blse sheekh shariif ayaa ka biyo diiday marka waxaan leenahay iska tanaasul ka dooran meyno waxaa tahay nin ay qabyaaladu ku weyntahay marka codkeena waxaan mar 2aad ugi deeqeynaa mudane sheekh shariif sheekh axmed guuuuuuuul guuuuuuuul guuuuuuul

  8. Soma says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sidii waxaad u hadashay Muuse Suudi kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk yaab!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  9. Ina Qotoje says:

    Gaaaas kulahaa!…maxaa feynuus maa lashidi rapaa…puntland wax hakuu qabato…sheikh shariif ur welcome..

  10. Abdi ugas says:

    Anigu waxan dhihi la haa shariif iyo gas wa 2 kha in o dalka,dadka iyo diitaba khayanay mana mudna in ladorto bal waxay mudanyihin in lamax kamadayo islamarkasna abalkoda fur logu shubo, arinkasna wan sugaynaa in shaa allah maray ahataba iyo ninkii nolba.dhanka kale waxan ushegayaa barlamanka lalayahay waa lasoxulayaa kolay xormatihidine o mahiga ayaad awolaad utihine ninkurabo voteka ugushuba, kharashkana kaqaata ,inta laga helayo barlaman fiyoy o somali ah, mahiga xor ka ah, masiirka somaliyana xor u ah.

  11. Dheglaawe says:

    Asc,mudane gaas aad baan kuugu taageersanahay musharaxnimadaada,inshaAlah waxaad tahay laga bilaabo20ka August Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Somalia,insha Alah waa inoo maalintaa iyo caleema saarkaaga.

  12. Howdgal24h says:

    Nimanka hawiye cil labakhtiya anu doran meyno mardambe ninka korka madow! iska ilawa riyada benta ah ee nasoraca oo nadaba socda ileyn riyaha aya dabasocda idaha ee

  13. wiil absame sey says:

    asc dr gaas Waxba meesha kuma hayo Eee madax wayne daacad ah waa mudane farmaaje midd kale tusaale yar mudane farmaaje waa ninkii gaas meesha keenay wuuna khiyaamay Marka dr gas Waxba meesha kuma hayo madax wayne daacad ah waa mudane farmaaje wbilaahi towfiiq

  14. wiil absame sey says:

    gaas Waaa nin ay Wali ku danbayso qabil Sidda Labada sharfi Marka madax wayne caadil ah waa mudane farmaaje ee soo maliyay farmaaje waa in la tageeraa Waana wadani Dhab ah xaqiiqdii

  15. wiil absame says:

    madax wayne daacad ah oo ay ku jirto dhiig somali waa mudane farmaaje waa in codka la siyaa mudane farmaaje wabilaahi towfiiq

  16. Cali maxamad says:

    Kkkkkkkkkk waqosol gaas marabno duqu waqabileeste wax u lashaqeeyaa amarka faroole marka qarankii wax u uraaray garoowe waxaan rabnaa shiiq shariif mawaadin wax u tagay garoowe & galkacyo & cadaado & balcad & celasha & afgooye & baladweene wamawaadin doorta

  17. nabadoon soomaali ah says:

    Nin qabyaaladu madax martay weeye mr gaas mana dooranayno . Waxaa xiligan kala guurka ah loo baahan yahay nin soomaaliya samato bixin karo oo dadka soomaaliyeed ay u siman yihiin. Gaas iyo yusuf garadba iska ilaaliya way bukaan qabyaalad baana ka buuxda iyagoo ah rag mucatlimiin ah. laakiin ha loo duceeyo in uu ilaahay inoo hagaajiyo waqtigan adag waxaa inaga saari kara nin daacad ah oo dadku u siman yihiin.

  18. Dr Asad says:

    Qabil ayaad tageree ani waxan tagearasanahay faramojo kubada waxa slaxay faramajo haratimarakey haysaten jagada madaxatoyo araboaraka iyo dakada ayaa deganayen maraka ani waxan dhahillaha waxa wax qabatay faramaji ayaa mud natale sharf biijole doni mayno faramajo guul wan kuuxisnee imaw

  19. Ali wadani says:

    ARDAYA dABALKAN WA DAMER CIYEYEY QABILISTA UJoga xamar ujoga putland weye codka Yan lagu qasarin qabiliste muxu ka Ogyahay Qaran bad badidis waa ORFANA MESHA FARMAJA KENAY JIDKA.HORMARKA WAXA BILAWAY FARMAJO DADWENOW FARMAJO UCODEYA HADI LAWAYO SHARIF HALISOYO SAKIN IYO Damerka Gaas kailaliya wadanka

  20. Abdirahman says:

    Asc waxaan rabna farmajo wayo gaas wax isbadal ah o u sameyay malaha lkn farmajo dadaal badan ayu u sameyay dalka gaas gaalada sida lola shiro umbu garan waxan o galana asaga aya nagu so hogamiyay marabno qof an farmajo ahen ,……..FARMAJO IS THE PRESIDENT OF SOMALIA,…INSHA ALLAH,..FARMAJOOOO.

  21. daahir says:

    warya musemad garta wax ya how musqulka gas maxow parta wa qabileyste guushu wa shari hadi lawayo donimeyno sharif wa niki kaqadaydhulka caian kiquruxda badna e somaaliya daya yasinimada aabihidalka shariifguuuuwaxanku rajeyha codadka 100%boqol lawa wax kumucarado guuuuuuu

  22. Ramaan kariin says:

    Asc sidee loodorta ninka dhacay hantida dadwaynaha ee cadadedu dhantahay boqolaalka malyan ee doolar kasoo ah shariifka hunguri wax kaweynlagaliyo wuudilaacaa waad katacatay ee iskaga tag dadku waxay doranayan madaxweyne farmaajo guul waxaana joogaa GOBALKA JUBBADA HOSE GAR AHAN AFMADOW

  23. Wadani ha ahaado says:

    Kkkk ya dooranaayno gaas holo miya ninka dooranayo kkkk waxa madaxweyne udoraneynaa mustaqbalka shiiq shariif ama farmajo guul labadas ninki ku guulesto lkin kkkkk gas cidna kumarabte ka carar meesha owalba shiiq shiif kugo qaldamey markala inii lagogo qaldamo macqul mahan kkkk

  24. Raaxeye says:

    Wan idin salamay dhaman tin tankale qabilaysigu wa midka na dhigay meshan guushu runtii waa farmajo waa markii an xaqiqada ka hadalno guusha yaale guusha yaale farmajoo farmajooo waa dhab dhalanteed mahan

  25. CUMAR says:

    fatmaajo ayaan kuhaysanaa ee haa ladorto

  26. C/wali shekh dubad says:

    Ok anu wan sodhawaynaya gas wayo isku magc ayan nahay intasan ku tagera c/wali

  27. Khadar ck says:

    Marka hore salaanta islamka Asc, marka xiga qofwalba oo muwaadin ah oo awoooda wuxuu xaq uleeyahay inuu isoo sharaxo, lakiin isi soo sharaxdee yaa ku dooran. Maxaad bulsha iyo shacabka ka kasbatay? maxaaa wax qabad ah ayaa tartay? matahay nin fikir saliim ah wata oo somaali mideen kara? Mise waxaa tahay qabyaaliste isnacay dantaada ayaa tan qaranka ka hormarisaa?.
    Hadaba qof walba wuxuu yahay waa la ogyahay. Anaga shacabka ah waxaan u bahanay waan ognahay.dalku marxaladuu kujiro waa og nahay. Waxaan u baahanay muwaadin qaran u adeega. Faldan hadaadan sharuu dahan kor kuxusay aadan buuxinkarin iskagatag meesha.

  28. katusa says:

    shariif axmed haguulesto

  29. Maxamed says:

    Sharifna marabno gassna marabno waqtigoda wuu dhacay hada waxa miiska saran dr badiyow iyo farmajo

  30. Osman mohamed says:

    Abdi wali gaas iyo sheikh shafiif waa la,bo murtad ah insha allahu madax ayaa kurka o saranayaa bi,idni allahi kariim

  31. Anas says:

    Asc madax weyn wa farmajo hadi la wayo sharif gas safir u fadhay puntland

  32. warmooge says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkk waa taaariikh daryeel qaranimo lawaa dhibaatada qotoda dheer waxay dulucdeedu tahay dan guud madoonayoo ninba tiisaa udaran wax un daaankaaga gali ujeedadu kama duwana maantiyo shalay iyo daraad midnaba nabadi soo madagin dulqaad iyo samir lawaa darxumo hoybay utahay danbiile marbaa laqaban waa iga dar daarane haa laogado

  33. Mohamed says:

    Layaab malahan in cid kastaa isoo sharaxdaaa . Mida abdiwalina waa dhiiri galin kasoo fushay dhanka farooole taas oo ka tarjumayso selfish nimadooda

  34. ayan yarey says:

    ramadanu kariim waxa rabna ruxa nabata jacel madoneno ruxa qabyalada yaqano madoneno gas iyo waxala mida

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII