Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qaraxyo Khasaaro kala duwan gaystay oo ka dhacay Magaaladda Baydhabo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Qaraxii Koobaad ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha Magaaladda iyadoona qaraxaas uu ku dhintay askari katirsan ciidamada dowlada.

Askariga geeriyooday ayaa lasoo sheegayaa in qaraxa lala beegsaday, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray sedex kale.

Dhanka kale qarax xalay isla magaaladda ka dhacay ayaa waxaa uu sababay dhimashada qof shacab ah.

Hal qof ayaa dhintay labo kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib qarax weyn oo ka dhacay xaafadda Horseed ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Rag Hubaysan ayaa lasoo sheegayaa in ay Bamb gacmeed ku tuureen guriga haweenayda geeriyootay, lamana oga sababta falkaas ka danbaysay.

Kooxihii weerarka gaystay ayaa goobta isaga cararay waxaana howlgalo kawada magaaladda Ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Itoobiya.

Dilalka iyo qaraxyada ayaa ku badan magaaaldda Baydhabo oo inta badan ay ku hardamaan Shabaab iyo ciidamada iskaashanaya.

Warqaad.com-Baydhabo

7 Responses to Qaraxyo Khasaaro kala duwan gaystay oo ka dhacay Magaaladda Baydhabo

  1. Fiican says:

    Alla warqaad baydhabo anagaa joogno dhibkaasna mamaqlin xaley keliyaa bam yeerayey dhib kadhasheyna lama sheegin saakeyna waxba madhicin

  2. Adoon says:

    Warqad beenta hala jojiyo warka ad shegeysin iska hubiya

  3. Um Yasir says:

    انا لله وانا اليه راجعون

    Waa wax laga naxo qof gurigeeda iska joogta oo bam lagu tuuro oo lagu dilo. waxaan arkaa in Soomaaliya maanta jidkii saxda ahaa ay ka weecdeen.

    Maxey geesteen dadka maskiinta ah ee guryahooda ayagoo iska jooga aan ku naban heleyn?

    Ma is weydiinaa ficilada aan ku dhaqano inuu ilaahey raali ka yahay iyo in kale?

    Rabiyoow Soomaaliya nabada ku soo celi…

  4. Cadi shariif says:

    Warqaad ben laidin kuma ogeyne ben ayad bilawden miya illah cabsada

  5. Huska4 says:

    Yaawaye wariyahayaha war qaad ben may bilaabe alahuma najina

  6. ali hasan says:

    saaxibayl waa marqaati ma donto warqad wax an la hubin ma shegto bay dabo tuulo ma.ahan wa magalo wayn telfan aya buxa qof walbo wu sita mida kale 5 o somali 4 asxab way ku ledahay haka dhigin london mugadishu ayu ka dhcya iyo dilka raga gawaarida gaashaaman lagu ilaaliyo walaalayaalow dadka masakinta qurbaha jogo t vga ayd dhal dhaldhalal iyo ben ugu shegtan cidaacda kali e runta shegto aflagaada ka daaya wa cidaacada kalya e dhax dhexd ka ah siyasadaha somalia ku dhawad 20 meyo o dhacdo ah o ay ruota ka shegto waliba waa cidacada kaliya ka hadasha qxotiga ku nol dadaab knya dhibkb ku dhaca ama dhibaatada lo gaysta shan daqiqo ka dib waad ka heleysa somali waxi ka dhaca abti adunka wa la hormry war ben iyo run ma qrsomo gurgayga ano jifo ayan maqlaa waxi ka dhaca 5 qaarad adunka cidacad la.an abti nimbuz aya yimid

  7. ali hasan says:

    mida kale maalinti shirka ka socdo iskul bolis ansixinta dasturka malinti 3aad wu baqday cidaacadaha way dhahen cilad farsamo awgeda ayu u baqday wali wasirka tirsan dkg aya afkisa ku yiri wa ben qarax wayn aya ka dhacy cabsi awgeed ayaa loxiray warqadna .10 daqiqo ka dib run ayey ka sheegtay war qaad waligina runta iska sheega waara waligina runta sheegs waa xaqa u leyahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII