Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Musharaxa EBERLAND oo ka qaybgalay shirkii Lixda iyo qodobadda la isku raacay +Sawir

1-Horta waxaa aad nalookugu amaanay dastuurkii UNDP ee aan ansixinay iyo KUMEEL GAARKA aan ka baxnay si aan dalka u gaarsiinno KU DANGAAR rasmi ah.

2-Waxaa la is ku raacay in la idoorto xitaa hadii aan la i dooran maadaama aan dalka wax badan ka QABSADAY.!

3-In shahaadadii DUGSIGA SARE ee aniga la igu xujeeynayay loo bedelo inuu qofku leeyahay KHIBRAD UU MAGACIIISA ku qori karo SUULKANA uu wax ku saxiixi karo, (Wixii kale oo LUGOOYO ah oo uu yaqaanana waa la qiimayn doonaa).

4-In wixii ku saabsan qaabka loo sameeynayo doorashada aan ka sugno MAHIGA oo haya waraaqo ay u dhiibtay HILLERY CLINTON oo 20 daqiiqo nala joogtey.

5-In la baabi’iyo labada gudoomiye baarlamaan ee kala ah: Gudoomiyaha BAARLAMANKA XILDHIBAANADA (Ileen gole shacab majiree) iyo Gudoomiyaha baarlamanka MAHIGA.

6- 7- In dabeeto ‘‘la doorto’’ (Beesha caalamku soo qorto) Gudoomiyaha baarlamanka MAHIGA ee midaysan.

7- In lixdeena saxiixe aan u madax banaanaano soo xulista xubnaha baarlambanka oo uu ninba qaybtiisa soo qoranayo ahna dad khibrad leh oo wax cuni kara, reerohooda biilan kara, guryo cusub dhisan kara, magacoodana QORI kara.

8- (Ciil badanaa) Waxaa iga xumaatay khiyaano aan ku doonayay in doorashada MADAXWEYNAHA lasoo hormariyo inta aan la dhisin baarlamanka si aan iskugu sharoxo oo hadii aan waayo aan hadana tan BAARLAMANKA iskaga iimaansado lkn siyaasad xumadeeyda kama fikirin iyadoo uusan baarlamaanba jirin yaa dooranaya madaxweynaha?.

9-In aan isku khilaafi karno danaha SOOMAALIYEED lkn aan la isku khilaafi karin danaha KALUUMAYSIGA beesha caalamka oo xaq u leh inay na duqeeyaan markii ay doonaan..!!

10- In la hormariyo oo la dedejiyo hanaanka loo marayo sida look ala xulanayo xubnaha baarlamanka cusub oo hadba ku xiraan doonta lacagta uu haysto inta ay la la egtahay iyo midda uu cuni doono iyadoo la qiimeeynayo dadka daymaha badan looga leeyahay hoteelada ay degan yihiin ama markii horaba AUTO kusoo aruuriyay lacagta ay haystaan.

Mahadsanidiin:

Khilaaf, Dib u socod, Danaysi, Maxaa iga galay, Xisaabtan la’aan, Qaataye qaado, Qaybaalad, Sinaan la’aan, iyo Ninkii doonaa ha qaato anba qaataye.!!

HALKU DHEGEENNII CAAN AHAA: Dal waliba dadkiisaa DUMIYA…!!

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage.
Boosto-Koronto:-maxaaji@hotmail.com

21 Responses to Musharaxa EBERLAND oo ka qaybgalay shirkii Lixda iyo qodobadda la isku raacay +Sawir

  1. Maxamud says:

    Kakaka mahad sanidin sida aad runta oga hadasheen ku dadaala wadaninimada aad wax nagu tusteen

  2. c/qaadir says:

    runt waa xaqiiqda ka jirta wadankeena lkn yaa wax ka badali kara

  3. Baash says:

    Waa mid run ahaanti jirta.waa mid dhab ah,warqaad waa websiteka kaliya e bookmarkga igu jiro waxan ogahay hanaankina wararka guul wararka doorashada waan idinka filaya

  4. Daacad says:

    waa markii ugu horeysay ee web ka akhriyo xaqiiqda dalka uu marayo iyo dastuur ku sheega…….yaaa inoo maqan hadaanba anagii is cuneysno

  5. Cabdulkadir Wadani. says:

    Kkkkk waa xigmo aad iyo aad u sareeysa run ahaantiina maahmaah ayaa oranaysa, carab dalab leh indheer garadku arki “og, lugo dalab leh dadku wada arki “og, waan ku qanacsanahay sidaan wax loosoo diyaariyey, garo ama ha garanine, qof walbow adiga iyo ayaankaa,? Talo nin leh baa u galgasha ragna waa ka ergeeyaa, beesha caalamku way u galgalatay danaha somalia doqomadii aan u dooranay horumarkeena sidaas ayey faleen inay ka ergeeyaan cadawgeeni

  6. Faray says:

    Caalamka hadba si ayaa loo cabbiraa markan waa qaabka ugu soo jiidasho badan. Waa cajiib.

  7. Daacad says:

    Hhhhhhhhh sey tahay ayaad kusheegteen balse cid wax nooqabankarto ayaan jirin insha allah naxriista ilaahay kuma quusandoono umad waliba aayaheeda inay garato ayadaa leh allaa wayn ninkii aaminaa awoodleh by daacad

  8. Mohamed-amin roble omar says:

    Alow magan, ninkasto somalia wa yaqane, mida kale run mayaga ubahan dadkan, dadal qorow

  9. maxamedcalim says:

    amiin caamir waa nin runta taabta dadka waqtigan runta jecel amma cadaalada jecel waaba la dilayaa ee amiinoow intaad runta sheeg isleedahay amaa lagu raamsadaa kkkkkkkkkkkkkk

  10. kakac says:

    everything thats on there is true hadaadan cuni kariin wa lagu unayaya inshalah madaxweyno fican a heleena oo wax so bartey.

  11. ayuub says:

    sacweeeeeye warqaad waad asiibteen kuwo ksle syaan idinkasugaynaa

  12. tfrdytguh says:

    inshalah madahweyno facan oo educated ah aa heleyna oo dintana ku facan oo umada cawinaya specially ilmaha nagaha iyo wayelka. i wish the money somalia gets doesnt gets stolen by the president.

  13. abutasleem says:

    waa arin dhab ah oo aan la murugooday. Walee nin lagu seexday oo hurdo dheer dhag yiri Somali ayaa lagu arkay ee walaalayaal aan wada tashano. Faraj Allah ayaan ka sugeynaa.

  14. mujaahid says:

    waa sax waana xaqiiqda soomali ka jirta. Odiyaashaan iyo qabiil alla ha nadhaafiyo.

  15. Mowliid+ says:

    Wadani aad ayaad wax ufahamtay lkn baash bookmark kulahaa war soo dhowlad gareyso operamini ee toos ugal webka

  16. Nimca qaali says:

    Runtu ma dhaafsiisna qoraal lagu soo daabaco Webka.
    1. Maxaa loo la’yahay dad u kaca Dalka, Dadka iyo Diinta kana difaaca hagardaamada lagu wado?
    2. Yaa laga sugayaa difaaca waddanka?
    3. Xumaan haddii la arko waa laga hortagaa ee maxaa loo taageeraa raggan fidna wadayaasha ah?

  17. Janaqow says:

    Dhabta marka laga hadalo wadaniyiinta somalia waa al-shabaab wadankana nabad iyo amaan ayey kusodabaalen cadawga iyo besha gaaladna way kadifaaceen .marka somaliyey beenta iyo borobogandada gaalada inan iskadayno nabadaasi aanu qaadano……? mahadsanidiin dhamaan wadaniyiinta somaliyed

  18. Siciid macruuf says:

    Waad mahadsn tihiin bahda warqaad waxadna kahadasheen xaqiiqada jirta aniga horey udareen sanaa arintan Weeshan sharif xasan ladhaho hala iska eryo waa ninkii rajada umada baabi,iyey waa ninkii wax badan uga tanaasulay in Farmaajo xilka laga qaado hadii laga qaadi waayana uu khilaaf udhaxeeyey asaga iyo madaxweynaha uu siisocon doono ninkaa waa dantii udood waa daneyste waa calooshiis laciyaare heerkan waxaa gaarsiiyey Sh.sharif oo ninkan kadhigay codkiisa mid Kasareeyo codka shacabka ogow sharif xasanow in,aad saaran tahay Doon liiceyso waxaana kuugu duceeyey Jab iyo Hoog aakhirkaagana waxaad kudambeyn doontaa xabsi bi,idnillaahi

  19. Moha yaay says:

    Masha allah wad mahadsantihin lakinse ya doorani rabaa wa suasha meesha taala? Aan ka tashano calooshiid u shaqeyste

  20. Xog-ogaal says:

    Waa mahad sanyahay madax waynaha m. g. Eber land c/risaaq tooreeye xaqiiqda uu qoray Horaa waxaa loo yiri: “Cadaw ku cayrsay oo tuugo kuu ciidamisay (si ay kuu dhacaan).”
    Cadawga Somaliya waa Al-shabab
    Tuugada noo ciidamasay ama naboobtayna waa
    Reer galbeed iyo gaalo madaw kale.

  21. HALYEYGA SOMALIGA says:

    Afkada caana lagu qby

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII