(Mogadishu, Somalia, Aug, 07, 2012)Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan casho ah la qaatay saraakiisha ciidamada XDS iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo qeyb ka ahaa xuska 6-da Agoosto oo ah maalintii ay Muqdisho xorowday.
Kulanka waxaa ka qeyb galay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud, Taliyaha ciidamada XDS Generaal C/qaadir Sh Cali Diini, Taliyaha Booliska Shariif Sheekhuna Maye iyo saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
R/saare ku xigeen ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise ayaa kulankaan ka sheegay in guusha Muqdisho lagu xoreeyay uu daatay dhiig badan oo aysan iska imaan, Wasiirka arrimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud ayaa isaguna ku dheeraaday sidii ay ciidamada ammaanku u adkeeyeen ammaanka magaalada Muqdisho sanadkii la soo dhaafay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa maalinta Muqdisho laga saaray Shabaab ku tilmaamay mid taariikh u ah shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rajeeyay in sanadka dambe dalka oo wada xor ah ay dhacdo munaasadda xuska maalintaan.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa yiri “In Muqdisho ay xorowdo oo ay xor noqoto waxey gacan ka geysatay guulaha ay dowladdu gaartay, waayo haddii aysan ammaan ahaan laheyn shirarka hadda aan ku hirgelinay Road-Mapka Muqdisho laguma qabteen, tallaabadii lagu xoreeyey Muqdisho-na waxey gacan weyn ka geysatay hormarka dowladnimo”
Saraakiisha AMISOM ayuu madaxweynuhu uga mahad celiyay kaalinta ay ka qaateen la dagaallanka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda, isagoo tilmaamay in AMISOM ay dad badan ku waayeen howl gallada lagu xoreeyay Muqdisho iyo meelo kale.
“Farxadda aan hadda heysano waa mi dmuhiim ay tahay in la muujiyo, waxaana rabaa inaan si kal iyo lab ah ugu mahad celiyo Ciidammada AMISOM oo runtii dhiig badan u bixiyey si ay inoo taageeraan, waayo waxaa halkaan ay ku waayeen rag badan oo muhiim u ahaa saraakiilna ay ku jireen, oo aan ka xusi karo taliyihii Ciidammada Burundi iyo saraakiil badan, guushaanna kuma imaan fadhi iyo sheeko”
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dadaalka lagu bixiyay in AMISOM iyo ciidamada Dowladdu ay isla howl galaan, isla markaana dadka shacabka ahi ay dareemaan kaalinta ay AMISOM ku leeyihiin la dagaallanka kuwo ka soo horjeeda dowladnimada Soomaaliya.
“Markii ugu horeysay ee aan qabtay xilka Madaxtinimo waxaan juhdi iyo dadaal badan ku bixinay sidii loo abuuri lahaa wada shaqeyn dhab ah oo dhex marta ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda, waqti dheer kadibna, Alle mahaddii waan ku guuleysanay wadashaqeyntaas iyo isfaham buuxa, iskadaa Ciidammada dhexdooda ee AMISOM maanta shacabka ayey is fahmeen, taasina waa guul”.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa saraakiisha ciidamada AMISOM kula dardaarmay in ay ammaanka adkeeyaan xilligaan oo dalku galayo doorasho, isla markaana aysan dhicin in maleeshiyaadka Shabaab ay ka faa’iideystaan mashquulka siyaasadeed ee dalku galay oo ay dhibaato u geystaan shacabka.
Khudbaddiisa ayuu madaxweynuhu ku soo gabagabeeyay waxa ay ay higasayaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed Musqabalka dhow, “Waxaan rabnaa Afarta sano ee soo socota Soomaaliya iney noqoto meel nabad gelyo buuxda ay ka jirto, Waxaan rabnaa Ciidammada qalabka sida iney dhismaan, waxaan rabnaa iney dhismaan hay’adihii dowliga, waxaan rabnaa umadda Soomaaliyeed inan iloowsiino dhibaatadii 20ka sano, waxaan rabnaa inaan Afrika iyo aduunyada ka dhex muuqano, waxaana rajeynayaa in hankaas Alle nagu guuleeyo oo dariiqeedii ayaan ku soconaa”.
Tuug ogaasta 20 keeda dadku wa inaysan ku arkin qabiillistayoow ma abgaal kaliyaa muqdisho dagan katag meesha tuug tuug dhalay
War shabab maka sarin magalada iyaka aya magalada iyaka baxay waxayna uku baxayn howgal muqdisho dib ayay uku soo laban doonaan انشاء الله dowlad isku shekan way jabayan iyo xolofada amisom,kenya,ithobia,serilieno,maraykanka
Sharif tx
asc walallayaal waa inlatageeraa dawlada hada jirta iyo tansosocotaba aad ayay qiimo inookulledahay dawladnimo waayo waxaan arkay wax ay dawladi tahay waayo waxaan jogaa wadan shisheeye waxaa kajira waxbarsha amaan ganacsi anything oo ay dadku ubaahan yihiin walalayaal waxaan idin leeyahay war aan kashaqayno dadka dalka iyo diinta iyo saan ugaarilahayn dawladnimo khaasatan waxaan ladardaar mayaa dhalinyarada aqoonyahanada siyaasiyinta waxaan mahad ucelinayaa madaxwaynaha qaranka wax qabadkisii waxaan leeyahay madaxweyna qabiil kugutaarimaayo waxaan kugu taageeernay wax qabadkaaya iyo hanaanka dawladnimo kuwa soosocda waxaan leeyahay war maanta meel waxlaga bilaabo ayaan joognaa yaan gadaal loonoqon asc
kakakakakakkakakakakakakakakakakakakakakakakakkakkakakakakakakak walayal nala wareriye anaka ee hadanahay shacabka somaliyed ee bal an aragno meshay wax kudanbeyan
Islamka waqti kumasocda lakin galada &murtadinta waqti ayaku socda 5 sana & waxlamid ah aya loqabta walahi islamka wuguleysan sharifna wu baqtin sidu ubaqtiyay c/lahi yusuf marka muslimta ha sabren nasriga ale wudhawyahay
mogadisho somali aya iska leh iska daa aflagadada waa ramadan nin dartiisa ayaa qabiil dhan wax ka shege teeda kale abgaal nin wax kama qaato xoogiisa ayuu cuna adiga hadaa madaxnimo rabto orad ka nago dalka madax ka bacdi darji qabiilkada waayo qaanja aya kadarema sorry bro be happy iska daa cuqdada waayo shariif wa walaalka ma waxa rabta in nin ajnabi ku naqdo madax
kkkkkkkkkkkkkkk naya libaaneeyso abgaal maku kufsadeey dofaryoww dhurwaga uu eeg
bashiir islaamka haku wasaan eyahoow ku qaraabto diinta
Waxan donayaa halkan inan ka cabareyo kan shariif aflagadaynya wayo waa madax weynaha dalka waxad xaq uledahy inad tagerto qabyalda iska wey nadishay bro in sha allah hadii aad jago radis tahayna dorshada kaqayb gal sharifna hadalkiisa reeb plz
Asc ilaha banidin kudharshe nin galba ba walalken ah maya walah qabyalada iskadaya wad dhimindoontina nin murtada walalena m.aha hadi hoyadena ay dhasho waxas iskada quranka ee najasadaha dintat difaca
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
boqlbaa mar wadatirianaa mudan hogaakiyo anigaa kasiimudan markii hore ninkii kacay majliskii wuxuu yiri anaa mudan hogaankoo mudaan silac usoo maray midkalaa wuxuu yiri anigaa kamudanoo nafiyo maalba usoomaray midkalaa wuxuu yiri mudaaan ciil uqabayoo markii hore anaa rabay midkalaa wuxuu yiri mahuraanka shacabkoow!!!! maska dila anaa iri midkalaa yiri midiyahay anaa tumay ismaan dhaafkii sii koror madaxwayninimadii midba midka kale kamamnuuc inuu helo taladu waxay tahay yaa inoo talin !!!!! mafarooliyo gaas iyo faruuryo biijo iyo sharif sakin miyaan dadka udaynaa masa waan utashanaa
Waan utashanaynaa tuugta