Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO: 70% Xildhibaanadda Cusub oo diyaar ah iyo Beelaha Harsan oo wali…

Xili wali hardanka dhanka Siyaasada ay ka soconayso Magaaladda Muqdisho aya ahada warar la helayo waxaa ay sheegayaan inta badan lahayo Liiska Xildhibaanada Cusub ee Barlamaanka dowlada soo socota.

Gudiga Farsamada soo Xulista Barlamaanka Cusub ayaa shaaca ka qaaday ilaa iyo iminka Xubnahaha Cusub ee Barlamaanka.

Riix Halkan si aad udhagaysato Faah Faahinta soo xulashada Xildhibaanadda

Waxaa ay sheegeen in 70 Boqolkiiba lasoo gudbiyay Liiska Cusub ee Xildhibaanada iyadoo beelo yar ay dhiman yihiin.

Guddoomiyaha guddiga farsamda ee soo xulitaanka xubnaha cusub ee baarlamaanka C/laahi Cismaan Xiireey ayaa sheegay in hada ay baaritaano ku wadaan Xildhibaanada magacyadooda loo soo gudbiyay.

“liiska waa naloo soo gudbiyay 70 Boqolkiiba kaliya waxaan hada eegaynaa in dadka lasoo buuxiyay ay sharuudaha kasoo baxeen’ayuu sheegay C/lahi Cismaan Xiirey.

Sharuudaha laga doonayo qofka xubin barlamaan noqonaya ayaa waaxaa ku jira in Iskuul Sare ugu yaraan uu kasoo baxay in 30 sano uu ka weyn yahay 60 sano-na uu ka yaryahay.

Sidoo kale waxaa waajib ah in uu wax badan ka yaqaan Shareecad islaamka, iyo in uu yahay qof fiyow jir ahaan iyo maskax ahaanba.

“Beelaha yar ee dhiman waa ay soo gudbinayaan’ayuu hadalkiisa ku daray La guddoomiyaha guddiga farsamda ee soo xulitaanka xubnaha cusub ee baarlamaanka C/laahi Cismaan Xiireey.

Warqaad.com Kala soco Warar kale

6 Responses to DHAGAYSO: 70% Xildhibaanadda Cusub oo diyaar ah iyo Beelaha Harsan oo wali…

  1. Aweys says:

    Adeer muxu ka haleyay mase saxaafada xurta ah ayaad diidantahay?

  2. yusuf.yare says:

    dal ninkii badisi kenya ka iibsaday hadan musharxa u tagan wale waxan ka sugana wa dhalnteed balse naxaris ilahey lagama khuusto

  3. Said says:

    Wa yabe maxey dhalin yarada u hagar daminayan so aqli maleh 26. 20. 25 .29 .28 .27.23 intano da wadanka waxba kama noqon karan kwrn qoriga kaliya ayey ridayan wajigina alagub iney ku shaqaysan bey raban kaliya

  4. Ali gedi says:

    Shiekh sharif hanoolado ama noolaw

  5. QOWDHAN says:

    HABAR GIDIR IYO MAREEXAAN WALI MA EYSAN GUDBIN XILDHIBAANADOODA

  6. xanafi johanspek says:

    adan ugu faraxsanahay hasoo gudbiyan beelaha dhiman gaar ahan beesha aan kasoo jeeda xawadle WAxan kula talin lahay ineysan soo gudbin wax hawen ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII