Muqdisho, August 7, 2012 —- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay Musharaxnimada Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.
Xafladda Musharaxnimo ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka soo qeybgalay Golaha Wasiiradda, Xildhibaano. Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Ganacsato, Ururada Haweenka, Saraakiil, Dhalinyaro, Suxufiyiin, Fanaaniin iyo dadweyne kale oo aad u fara badan. Waxaana goobta xafladda lagu soo bandhigay Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaran.
Waxaan Goobta ka hadlay Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed kuwaa oo sheegay in Dr Cabdiweli iyo Xukuumadiisa Badbaado Qaran ay wax badani ka badeleen Xaaladda Soomaaliya islamarkaana Rajo ku abuuray Shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay la yimaadeen Waxqabad muuqda oo Ummadda Waxtar u leh.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Siyaasiyiin kuwaa oo tilmaamay in Dr. Cabdiweli iyo xubnaha xukuumadiisa Badbaado Qaran ay noqotay xukuumada kaliya oo soo marta Soomaaliya intii ay bur-burka ku jirtay oo u wada shaqaysa si wada jir ah taas oo sabab u noqotay in ay wax wanaagsan ay qabato xukuumadda badabaado qaran.
Xafladda Musharaxnimo ee Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa maanta waxaa si toos ah looga daawanayay Caalamka oo idil iyadoona Xafladu ay aheyd mid si heer saro ah loo soo agaasimay, Waxaana Xaflaadu lagu soo bandhigay Heeso ka turjumeyso Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaranka.
DHAMAAD




Kuwaan ilahay kma baqayaan dadka barack acyaasha xaqoodee ayuu ninwalba isku sharaxayaa maalunkale yaad kajawaabaysaan inshalahh
Hawarta ugey anaga miyad rabta inad buntland cml naga dhigto
Cabd.wali gas uma qalmo wadaxweeyan waxaa uqalmaa farmajo fadlan siiya cotkiin
waxan tagaraya raysal wasare cabdi wali gas isku tagidi dorashada musharxxa nimo insha alah qayar
Asc umada somaliyed mawaxa la iskuhaysta kutuka Alle subxw an isku maamulno maya dastuur mahiga iyo kuwa gaala ah oo Rabigi abuuray aqosan wayay ayaa kawanagsan inalilah waina elehirajiun wale malinta rabiga hortisa la istagidona ayaa inbadan kashalendonan.
Kkkk malintii waalida miyaa kkkkk
yaa dooranaayo kan
asc gaas uma qalmo xilka madaxwayne somali ee waa in la siyaaa mudane farmaaje ayaa ka mudan kana wax qabad Fican Waana ninkiii shacabka somali caamalka tusay in ayay somaali Wali nooshahay farmaaje guulayso inshaa alaah waa wadani Dhab ah Waana nin calanka xajin karo farmaje karibu somali ka fadhali