Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii saxiixayaasha Road Map-ka ee Nairobi ‘Akhri”

Shirkii labada maalin Nairobi uga socday kooxda saxiixayaasha qorshe howleedka Road Map-ka, ayaa maanta la soo gaba gabeeyay, iyadoo war murtiyeedna laga soo saaray shirkaasi maanta.

Qodobo dhowr ah, ayay dhinacyadu ku murmayeen oo ay ka md tahay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u matali doona beesha Dhulbahante iyo cidda soo xuleysa, sidoo kale xubnaha aqoonta xubnaha baarlamaanka ka mid noqonaya.

Warmurtiyeedka ayaana u qornaa sidan.

1. Soo xulashada xildhibaanada ka soo gelaya beesha Dhulbahante waxaa isku racay laba qaybood oo ka socdey Dhulbahante, oo kala ah Wasiir Daahir Khaliif oo ka socdey Puntland State ee Soomaaliya iyo Mr. Cabdikariim Xasan Jaamac, waxaana hawshaas fududeeyey ku xigeenka ra’iisul wasaaraaha Cabdi wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo Prof. Cabdirisaaq Cusmaan Xasan. Guddigaasi waxay warbixin siiyeen saxiixayaasha, oo uu hoggaaminayey madaxweyne Sheikh Shariif, waana ansixiyeen ayadoo la qaadayo nidaamkan:

(Waxaana nidaamkaas ka mid ah: in 8-da xubnood ee baarlamaanka ka soo gelaya beesha Dhulbahante loo kala qaysado sidan: in 3 xubnood ay soo xulaan odayaashasha Dhulbahante ee ku sugan garoowe, iyo in 5-ta kale ay soo xulayaan odayaasha ku haray Muqdisho. Waana in xildhibaanadaas ay isku raacaan dhamaan oday dhaqamedka beesha Dhulbahante, ha ahaadaan kuwo ku sugan Garoowe ama kuwo jooga Muqdisho. Waxna laga bedeli maayo Xubanaha beesha Dhulbahante ee ku jira 135-ka oday dhaqameed.)

3. Saxiixayaashu waxay isku raaceen sidii hore loogu qorsheeyey Heshiiskii Garoowe in ay ku socoto soo xulidda 275 xildhibaan ee baarlamaanka iyo kuwa Aqalka Sare, ka hor 20ka Agoosto (2012).

Arrinta la xiriirta heerka waxbarasho ee xildhibanaada waxay noqonayaan in ay haytaan dugsi sare iyo khibrad, ama aan ka soo bixin Dugsi Sare oo leh khibrar. Hadduu muran ka yimaadona waxaa go’aan ka gaarayay Guddiga Farsamo ee Sooxulidda.

4. Saxiixayaashu waxay isku raaceen in doorashada Afhayeenka baarlamaanka iyo Madaxweynuhu ay noqotaa sida ku cadayd Heshiiskii Garoowe Principles.

5. Saxiixayaashu waxay walaac ka muujiyeen nabbada & ammaanka iyo xornimada & tayo-wanaagga Guddiga Farsamo ee Soo xulidda iyo xaaladda hab shaqaynta, waxayna isku raaceen in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo arrintaas lagu hagaajinayo. UNPOS ayaa qaaday masuuliyadda arrintas ayadoo kaashanaysa AMISOM.

6. Saxiixayashu waxay si xooggan u cambaareeyeen handadaad (nin-tooxsi) iyo laaluushka oo curyaaminaya soo xulidda Xubnaha Baarlamaanka. Waxaa reeban nooc kasta oo laaluush, handadaad iyo cabsi gelin ah. Qofkii lagu ogaado in uu soo maray nidaam sharci darro ah, waxaa laga mamnuucayaa (soo xulashada) waxaana laga qaadayaa tallaabo sharci ah.

7. Waxay Saxiixayaashu ugu baaqeen xubnaha Guddiga farsamada ee Sooxulidda in ay ku shaqeeyaan si qumman oo waadax ah oo hab wanaag ah, ayna iska ilaaliyaan wixii majaraha ka weecinaya hannaanka hufan.

8. Waxaa laga wada hadlay qadiyadda Galmudug, waxaana la isku raacay in arrintaas ay si dheeraad ah uga wada xaajoodaan Madaxweyne Caalin, Madaxweyne Sheikh Shariif iyo (Afhayeen) Shariif Xasan si loo helo xal.

9 Responses to Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii saxiixayaasha Road Map-ka ee Nairobi ‘Akhri”

  1. mohamed shoompe says:

    tuugo samaysata wado ay ku qaxaan waan idin maxkamadayndoonaa insha Allaah

  2. nabadoon soomaali ah says:

    Tuug doonaysa in nabad yar ee iftiimaysa ay isbaaro u dhigtaan . Soomaalidu waa in ay il gaar ah ku eegtaa sadexda nin.
    Arinta khaatumo been bay ka sheegeen khudbadii mahiiga ayey ku jirtey in algu heshiiyey in Puntland faraha kala baxdo xildhibaanadaaas beesha khaatumo , loona daayo golaha dhaqanka iyo gudida farsamo.

  3. Ridwaan says:

    Walaahi kuwaan waa ku wareeriyay umad somaliyeey allow naga qabo kuna cadaab gacanteena waa tuugo cad cad iyo kuwo mad madoow

  4. abueyman says:

    Saxiixayaasha waxey saxiixeen waa dad nimadooda iyo diin tooda somaliyeey diinta alla leh hadadan dan kalaheyna dad nimadina. Aaway?

  5. nairobi says:

    ilaahay dadka hakaqabto saxiixayaal kusheega ramadaanka kaliya alle makaxishonwayen dhulbahante dulmigiisa faroole kahariwayey warmeey ninkaan farole ah iskadhacshan somali land ayaba udhanta farole

  6. Fareey says:

    Tasu maha warmurtiyed lagu farxo becz puntland iyo khatumo way kala madax bananyihn marka macqul maha in puntland ay soxusho xibino katirsan barlamanka besha dhulbahante wana wada ognahay in shalay ay ahayd puntland waxa dhulbahante gacanta ugalisay somaliland hadana ma barlamankodi ayay wax kasodonen ceb ceb

  7. ABUXUDEYFA says:

    Asc inshallah waxan idinshega in idinku maxakamad idin dhimintahay inshalah

  8. Mohamed-amin says:

    Allow kuwan wad u jeda <war wxd ku sugantihin ayadu ilah yiri KAFIRUN, FASiqun.> marka alaha idan hanunsho. Inshalah maxkamada ilahay ayan idin la sugayna e cadalada.

  9. gaala diid says:

    gaalnimo ayaad noo soo wadan meeshad keeni leheyden ayaa la,idin karabaa gaalo gaal nimoda aycadahay ayaa tihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII