Waxaa hubaal ah in dhamaan saxiixayaasha qariiradanabadda ay fursad weyn ula muuqatay la kulanka Hillary Clinton, oo katurjumeysay dowlada xilliga ugu awooda badan, guud ahaan dunida, taas oo si aadah hogaamiyaasha ay ubaadi goobayeen waqti dheer aragtideeda,lakiin ugu dambeyntii ay ku guuleysteen in si fool ka fool ah ay ugacan qaadaan Hillary oo ay ka lahaayeen dano kala duwan haba ugu horeyso tan dhankaXukunka dalka.
Ka dib imaashiyaha Hillary ee magalada Nairobi ayaa waxaa ka dhex bilowday saxiixayaasha tartan xoog leh oo hadafkiisu ahaa inshaqsi kasta uu fursad uhelo la kulanka Xogahaye Clinton, balse su,aashu waxayaheyd Hillary ma haysatay waqti ku filan oo ay qof kasta kula kulmi kartay?
Si fudud jawaabtu waxay ahayd maya, waayo waqtigaugu badan ee ay joogtay Nairobi waxay ku beerdareysay wada hadal ay la laheyd Madaxda Kenya, oo ay ka wada hadlayeenarimo muhiim u ah gobolka, gaar ahaan arimaha Somaliya, oo ujeedada safarkeedaba uu salka ku hayay.
Hillary oo lafteeda fahan saneyd tartanka udhaxeeyaa madaxda Somalida ee iyada ku aadan ayaa waxay sameysay arin la yaableh oo qaar ka mid ah madxada ay aad ula yaabeen, taas oo aheyd in iyaga oowada jooga ay hal mar uwada hambalyaysay una sheegatay in ay yihiin hogaamiyaal daacadah oo dalkooda u adeegaya, Mareyknaka uu taageerayo cidii ku soo baxada loolanka doorashada Madxatinimada Somaliya.
Madaxweyne Shariif oo si ka duwan madaxda kale ayisu yaqaanaan Hillary ayaa fursad u helay in ay erayo ku aadan marxalada somaliya gaar ahana arimaha doorashada ay is dhaafsadaan Xoghayaha,iyadoonaintii uu socday wada hadalkooda u sheegtay in dowlada Mareykanka ay si aad ahugu kalsoontahay Shariifka oo kol hore kaga soo go,ay Mareykanka saaxiibadii uulahaa Xilliga Maxkamadaha, ka hor hanashada kursiga uu iminka ku fadhiyo.
Ra”iisul Wasaare Gaas ayaa isana fursad weyn kuraadinayay kulanka Hillary, waxaa uuna hesyatay fursad ka badan madaxda kale,maadaama ay wada daganaayeen Hilarry Hotelka Intercontinental, waxaa uuna qorshihiisu ahaa in Mareynkanka uu ka codsado in ay ku taageeraan qabashada xilka madaxtinimada Somaliya, isagoo ah muwaadin Ameerikaan ah ,lakiin taas ma suura galin oo Xoghaye Clinton waqtiga ay heysatay ayaa aad uguyaraa, waxayna go,aansatay in ay ka duusho Kenya, iyadoo aan la kulmin dhamaanMadaxda kale ee somalida.
Madaxweynaha iyo Ra,iisul wasaraha oo xilligan ah musharaxiinta ugu cad cad xilka madaxweynaha Somaliya ee dowlada cusub,ayaawaxaa soo kala dhexgalay muran loo badinayo in uu salka ku hayo wada hadalkiiay layeetay H.Clinton Shiikh Shariif .
“Waxaanu taageereynaa hanaanka nabada Somaliya oo mahad celinteedu ay leeyihiin saxiixayaasha Road map-ka, gaar ahaan madaxweynahaqaranka Shiikh Shariif Sh.Axmed oo aan ku tilmaamikarno hogaamiye geesi ah“sidaas Hillary ayaa u sheegatay qaar ka Wadamada daneeya arimaha Somaliya,intii ay Nairobi joogtay.
Tageeragada Xoghaye Clinton ayaa waxay dhiiro gelinu tahay madaxweyne Shariif oo ay mar waliba ka go,antahay in uu isu soo taagoxilka madaxweynaha Somaliya, dhanka kale waxay niyad jab u tahay hogaamiyaashaSh. Shariif tartanka adag ee dhanka madaxtinimada kula jira.
Marka laga soo tago Madxweyne Shariif dhamaan madaxda kale waxay ku guul daresyteen la kulanka Hillary, taas oo fursad u siinkartay in qorshahooda siyaasadeed ay ka dhadhiciyaan Ms Clinton.
Waxaa marag ma doonta ah in shaqsi kasta oo ka midahaa lexda saxiixayaasha ay wax walbo uhurikareen gacan qaadka Clinton, taas oo ay aaminsanaayeen in ay wada uxaari kartay in lawareegaan maamulka talada dalka.
W/Q: Maxamed Cisman Cumar Xabiib
Nairobi ,Kenya
Bal u firasda musliminey habar fajirad ah aya rabto dad muslim ah in aya xukunto yab sharif murtad ayay rabtaa in aya soo celiso yab xataa dinten maqabto naag muslimad ah in aad salanto bal nin kan habar gaalo ah salamayo xukunkisa xuyahay
K.k.k.k.k.k.k shariifka english language ma yaqaan horta? mida kalese hormarka hada ay gartay dawlada waxa leh xukumada dr.gaas sharifka waxba kuma laha adeer wiilkoow
burcad diimeed waxaa halkaas ka muuqata raali galinta gaalada kuligood waa isku mid ina godana ina shongole ina maxamuud geega ina dahir awas ina roobow mid ba qaab buu u raali galinayaa gaalada mid wax garadka dila mid yiraahda Al Qaacido baan ku biirnay waa wadanka qabsadooy waa raali galin gaalo salaamaya naagtan ajaanibka waa sidoo kale asna waxaa se ka sii xun waxa diinta u daba socda alaahey hanoo wanaajiyo culumadeenii ehlu sunna wajamaaca
k.k.k. shekha mujecl yahay nagta
mise ayada jecel nika
Wuu faraxsan yahay kii gacan qaaday gaasha sidii qof reer miyi ah oo markii ugu horeysay baabuur fuulay, kii kalena wuu murugaysan yahay sidii naag ninkii ay jeclayd uu la guursaday. Labaduba waxay hilmaameen nimcadii allah siiyey oo inuu rag ka dhigay dalkana iyagu iska leh wayna garan la’yihiin wuxu naag waana gaalo dalkana uma dhalan xaq uma leh inay arrimihiisa ka hadasho. Haddii damiir & dadnimadu kaa dhammaato ma kale garanaysid dad & duunyo: dameer baa taabici u noqonaysaa, ama dibi baad caabudaysaa. Ama faraxsanow ama murugaysanow ummaddu way ku fahmaysaa inaad duli & dusha oo lagaa raro aad qaayibtay
sharif sakiin shekh nimada mel ayu ugu dhacay wayo intu kursi radinayo ayuu allahi qalaqay cara galiyey.murtadka tahay cun.war hoy dintena sharafta le uma qalanto in lacag la sisto
asc saxibayal iskadaya aflagada waxaaranweye wana la somanyahaye ala kabaqa sharif marlamad wu u qalmaa muqdisho waxana tagersan umada somaliyed
Uf murtid Nag xun ayu qacan kusalamay kagadaran wu faraxsanyahay bo uf uf uf
Asc dhamaan shacbiga somaliyed mida xigta shariif gaas FArmaajo weynu aragnay wexee yihiin xaniinyo ee marke xilka hayeen wax ku qaban wayeen hadane wax so siyaadi mayaane bal eynu eegno halyaayga weyn misane caanka ka ah inta afsomaliga ku hadasho ee 20 sano kashaqenaye laanta afsomaliga BBCsomali yuusuf garaad ayaa Isa so sharaxay iskaga so tagay bbc da waxona u adkeysan waye wadax weyne xilka loo dhaariyo misane hantida qaranka dhacayo sidi hogaamiyasha hada hayo talada bal eynu eegno yuusuf garaad inkastoo yahay halyaay somaliyed
Murtad hadhaco
asc sxbyaal runtii sharif waa uu qaldamay hadii naag ajanabi ah misana gaal ah uu salamay tan kale gusha ay gaartay dawlada sharif iyo gaas midna ma keenin ee waxaa keenay farmajo iyadoo halkilo miter wax ka yar ay alshabab u jiraan madaxtooyada oo malin kastaa madaxtooyada madfac lala dhacaya oo xitaa ay shiri waayeen sharif iyo saaxiibadii afar jeebla yaasha barlamanka isku shegayay ninkii ka dulqaaday ee hosha hada socotaa bilabay mudane farmajo ha ladoorto waa wadini daacad ah