Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

20 sano kadib madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad oo iscasilay(Akhriso Sababta)

Rug caddaha saxaafadeed ee Yuusuf Garaad Cumar, oo  ahaa muddo badan madax ka ahaa BBC-da qeybteeda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in uu shaqadaasi iska casilay, oo uu damacna uga jiro ka qeyb qaadashada hanaanka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Warka ruqsadda shaqada BBC-da, ayuu Yusuf Garaad laf ahanatiisa soo dhigay account-ka uu ku leeyahay aaladda la iskula xiriiro ee  Facebook.

Waxaana uu ku qoray sida tan maanta.

“20 sano ka dib, waxaan maanta ka ruqsadaystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow moo sahal”.

Warkan waxa uu ahaa mid la sugayay in badan, oo guux bulshada dhexdeeda ku jiray, kaas oo ahaa in Yusuf uu doonaayo in uu ka mid noqdo musharaxiinta u taagan jagada madaxweynanimo ee dalka Soomaaliya.

Inkastoo Garaad uusan si cad u sheegin in uu musharax madaweyne yahay, haddana, waxa la rajeynaaya in marka uu Muqdisho dhawaan tago in uu ku dhawaaqo arrintaasi.

Doorashada madaxtinimo ee dalka, ayaa la rajeynaya inay dhacdo labaatanka August ee sanadkan.

102 Responses to 20 sano kadib madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad oo iscasilay(Akhriso Sababta)

  1. Xag jir says:

    Murtad tag dhe imaaw waad feey saleey santahee

  2. Dia says:

    Asc uma qalmo yuusuf garaad waanin qabiil codkiisana horay ayaan u aragnay waana nin ku fikiro qabiilka uukadhashay sida ay horumar ugaari lahaayeen umaqalmo waanin qabiil

  3. Isse says:

    Ok!?@/

  4. Cabdiqafaar xaaji cabdullahi says:

    Waan ku faraxsanahay madaxii hore ee idaacada bbc da qeebteda afka somaliga yuusuf garaad cumar soo dhowow ayaan ku leenahay noqo kii uu ku dago dalka iyo dadkaba

  5. Deko says:

    Iskadaa kansoomalida qasijireybee waa cadigee hada muxu qabtaa mahabargidirbaa kutiri boska noobuuxi dad mahayne

  6. Cabdi cadceed muxumad says:

    Magaceeygu waa cabdi cadceed muxumad oo joga muqdisho hadan kahadlo fikirkeyga yuusuf garaad cumar waan kutaageer sanahay musharax nimada waana muwaadin somaliyed oo dhab ah dalka iyo dadka danbi kama gelin sodhowow ayan lenahay

  7. Mustaf ali addani says:

    Masha’alaha adbaan usodhaweyneyna firkaaga

  8. Abdinajib says:

    Masha Allah yusuf garaad wn kula jclahy arintad kufakari heyso waana farxad umada somaliyed inad lawadaagto hadba xaalada ay kusuganyihn waxn kuleyahy noolow

  9. Ma,alim Suleiman says:

    Asc,Duqa Yussuf Garad abti meshaas waxay u baahantahay Aqoon iyo Karti ee Afsomali lagu hadlo uma bahnee ee aayar shaqadaada iska wado ado raali ah!

  10. Abwaan Qabsato says:

    Waaw hdlkan inbadan ayan sugenay yuusuf garaad waa nin bulshada lafdhawar u.ah sodhawaw sxb

  11. Harunu rashiid says:

    A s c mohamud oo joogo kenya mar wan ka xumahay marna waan soo dhoweynaya marka hore shaqa aad umuhiimsan ayuu somalida u hayey wuxuna yahay nin aad loo jecelyahay bulshada dhaxdeda marka farxada ay tahay waa nin wadankisa usoo jeestay waana runtii nin aduunka wax ka og siyaasadiisa dadkisana og dhibkoda marka masha alah yuusufow adi ama farmajo mid ayaa noo noqaneyaa marka soo dhowow walal mcn lakin BBC DA SHAQADII AD UHAYSAYNA KAAMA fursanayso latalin iyo wax laqabashaba

  12. Afgoye man says:

    war yuusufow ha galin siyaasadan wasaqda ah dhimashada ah waa iga talo

  13. barshe says:

    kakakakakakak ar mushar 20 sano la arurinayay halmalin xata xildhibanada qado uma kariso iskabaday inaad umad kale wax siside

  14. Fani fomas says:

    Armey amey bbc sidadi ku rontahay

  15. c/lahi+shekh+xusen says:

    Yusuf garad yaa dooran ma isagaa isdoor kkkkk

  16. C/raxman bulsho says:

    Arakane uriyaane.kakaka yusuf garad iyo madaxweynaaa

  17. Daarood says:

    Wa. arin aad logu bahnaa in yusuf iyo cawke yimadan masraxa siyasada waana so dhawaynaynaa insha allah welcom garad in your home land

  18. Jaale manoge says:

    Asc walahi waa layab in nin 20 sano wadanka afkisa ku dhibateynayay, qaba,il somaliyedna isku layen dartis in manta somalia u hanqal tagayo, isaga iskuwa lamidka ahba waxay istahilan in cadaladda lageyo, insha alah wankena sidan wuu kabixi doona wana la isla xisabtami lkn umayad yahay bararuga o cadowgina barti si ikhlaas iyo alle ka baqid leh.

  19. Jaale manoge says:

    Waa dambile galada u adeyga, qabileyte weyn aan aqoon diin islam iyo walalnimo iyo wadaninimo wayo inta badan reraha u kaso jeydo ayan aqon waxay tahay wadaniyada iyo wadanka in yar o ilahay u naxaristay moyee.

  20. Miicaad says:

    Waa jawasis waxa so dirsadey ree galbedka wuxu kamid noqon raba kuwa dhiga shacabka caadeyste allow ka qabo umadada shartisa?

  21. cali says:

    su’aashu laakiin waa siyaasad wax maka yaqaan yusuf garaad cumar ax’ed… diinta islaam kaase wax la xukumi baa la yiriye yusuf garaad qu’aanka xataa ma yaqaan

  22. Saxane says:

    Bbc hadii yusuf garad ka tegay waa eber waa guranyo gabal udhacay

  23. Mohamud abdulahi hasan says:

    Wan ku faraxsanhaxy yusuf garaad waxan leyahay good yusuf wa {manful}

  24. Ifkabile says:

    Waa wax layaableh nin wariya caalami ah u madxweyna isu so sharxo. Mr garad wa nin dhanka hadalka kudheereyo.

  25. Shabaaz Goodeey cw says:

    Yusuf garaad waa nin haduu noqdo musharax wax ka badali kara arimaha siyaasadeed ee somalia waliba hadu madax wayne noqdo usoo hoyn karo somalia guul waayo waa nin rug cadaaa ah

  26. deeq daacad says:

    nin waxgarad ah misane aqoon sare leh , oona dan kalaheyn hantida qaranka jamuuriya soomaliya waa yuusuf garaaad iyo wax lamid ah dadkaas oo kale wax kaqabn kara wadankeyna hooyo aadbaan ugu faraxsanahay in uu iska casilo xilka bbcda ?bbcda wadankaa kaweeeeeeeyn

  27. Ashraf says:

    Waa arin wanaagsan oo lagu farxo maadama ay aqoonyahniinta isa soo sharxayso waxan leeyahay kusoo dhawoow masraxa siyaasada ee dalka

  28. Sharaf says:

    Waaaaaw yusuf garaad umada su,aale bey kugu bartene scml

  29. cabdisataar mxmd c.hi says:

    waxan leehyahay yusus garaat marka horaba waxaat ehet caduwalhi smli way dacamac badatahay waxaat katahay akteeda damer waxan ku jeedinaa wano ASLIM TASLIM YUUFAKLAAHO AJRA MARATEEN WAXAN KAL WAANO UJEDINAA DAKA KADHIBANAYO FIKIRKA ISKA ILALIYA GAALNIMO

  30. Farxaan says:

    Ninkaasi waa uqalmaa madaxweyne waana nin fahansan siyaasadda

  31. Gaashaan says:

    Kkk waa war cusub yusuf garaad kolki horaba dadka waxyar umba lasocotay ee wuxu aha qaswadayasha wadanka buuqa ugu badan galiyey lagaso bilabo 2000 wuxu isku diri jiray kooxaha kala haystay wadanka taniyo maamul goboledyada kuwas oo qolo kasta uu kaqadi jiray waraysi qalafsan oo qolada kala ka caraysiya ninka aya ah dadka qaska ugu badan galiyey wadanka tobanki sano ee ugu dambaysay hadana wuxu donaya in uu xildhibanada ka qayb galo cidi madax wayne u doran mayse yusuf waxan ushegayaa war mesha yan aygu kugu cunine iska ilali

  32. mohamed yare says:

    kkkkkkkkkkkk

  33. Mr lii says:

    Asc sln kdb hadan fikar ka dhbto yusuf garad cumar wa nin rug caday ah waxey ila tahay in u in bdn ka qaban karo xalada murugsan e wadanku marayo waxan le yahay walal ra yigada maxume alow ha ku mar sin kiwi siyasada kaga horeyay wadada ey maren amin

  34. Akram3 says:

    Way adinka!

  35. Cali farah says:

    Layab malahan hadi yusuf garad u musharax yahay wuxu kamid yahay kuwa utagan dorashada

  36. cabdi macalin says:

    waan soo dhoweynayaa cid walba oo umada wax uqabaneysa lkn war meesha lagama aqrinaayo

  37. Gabar deyniile says:

    Waan ku soo dhaweynaa shaqisi Ahaan teyda waayo waxaad iila muuqataa nin siyaasada dalka kadharagsan oo bulshadune fahmikarto sodhawow yuusuf garaad cumar nin karmeed ayaad tahay

  38. Muslim jaceyl says:

    Insha allah waa meesha uu ku baqtin lahaa duliga islaam naceyb aa ku kujira imow garaadow adaa arki doona!!!

  39. Qataar says:

    Yuusuf hadu warka run yahay wadkisu so dontey wayo muda badan ayu afkisa ku dhibey umada muslimka ah hadana galada ku tiri orod o shaqada ino qabo waxa lo so direy hagar damo iyo dhagar cusub.

  40. Mr indho says:

    Kkkk kkkk kkkk aryaa wax usheego oo yiraahda meshaada ayaad magacku leedahee iska joog

  41. Mahad aadan abdulle mahadyare75@hotmail.com says:

    Mashaa allah wan wkurac sanahay yuusuf gaarad alaha kugu guleyo

  42. Wardhuuqal says:

    Kkkkk yusuf garaad wax badan dad su,al wad wey disay markaan wa markada he kkkkkkkkkkk

  43. Daahir mohomed says:

    Wel come garad bal an aragno wuxu kuso kordhiyo dalka

  44. Barire says:

    Garaad waxba soo kordhin meyso ee bbcdaada isaga laabo

  45. boqor says:

    ninkaasi waa rug cadaa saxaafadeed isla markaana saxaafadu waxay xog badan kahaysaa siyaasada dalka iyo debeda waxaan lahubaa dadbadan oo maanta utaagan jagada madaxtinimada inuu yuusuf kaga badiyo dhinaca siyaasada isla markaana uusookordhin karo wax badan waliba waxaan oran lahaa halasiiyo codka ninkaasi waa nin le oqoon akana fog qabyaalad iyo nin jecleesi wabillahi towfiiq

  46. Mustafa says:

    Waxaa layaable waxa kusababay inuu kamidnoqdi musharixinta dalka somalia garaad waxaan urajenayaa inuu kuguleysto madaxtinimada dalka

  47. cumar daahir says:

    yuusuf garaad sodhawaw ayan lenahay

  48. Albashiir says:

    Kkkkkkkkk xarfaaaney halaga leexdo yuusuf garaad waa uqalmaa madaxweyne markii la arko shariif sakiin iyo gaaas

  49. aweys says:

    KkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkKkkkkkkkk soo soco he aragnee waxaad keento

  50. Farhan says:

    Waxan umalayn inuu malagisi sodontay casharba lakulmidonta

  51. Faahiye says:

    Kkk warbal kaalaya arka wuxu ninki kadhaqaqay ma haduu madaxnimo u ordaya ma wuxu moodi inay shaqalihi bbc ay codka ridayan

  52. xasan axmed says:

    Masha Allah Yuusuf garaad soo dhawaaw khawarijta Magaca Muslimka inta soo qortan dadka u hanjabaayo waxan leyahay war cidna wax kama qadaysan tabara ni run shegtay Muslimna ma tihiin Insha Allah midmid ayan idiin boqna goyn donna Insha Allah. Yuusuf Wadan kan adiga iyo dadka kale aqoonta diined iyo kan dunawiga leh wu u bahan yahay welcome Yuusuf

  53. Jofey ali says:

    Waxad ogaataa mesha wax qabad ayaa laga rabaa e dad isku dir iyo maalaa yacni lagama rabo

  54. Nuur macalin aweys says:

    Yusuf Garad inuu musharax naqdo wa wax laugu farxo

  55. Mohamed-amin roble omar says:

    K.k.k.k.k.k.k wale wa yab warya war wa maxay meshu ma warba laga raba? War aqon aya lobahanyahay lakin ben iyo wadan hurin malo bahna, fdln meshada jog, maxad taqana? Ya ku doran? War ma laraba? Se jagadada hayso o radio muqdisho cirirso lkn ader ha is cebaynin. Ina lilah. Sasba haday tahay ana madaxweynan utagnahay manta laga bilabo. K.k.k.k.k.k.k.k.k.k.

  56. Abdi nor says:

    Kkkkk hataa xildhimaan ooma qalmo waa nin qabyaalad miira ah yaa raba isa goo kale ader ha is daalin

  57. Dacad says:

    Somaliland kkk waxay utahay farxad

  58. xaji says:

    hano iman wallo war taag uma heeno intaana wareer nogu filan wariifnimada landan la joog

  59. Coloow says:

    Wan kuso dhaweynena yusuf wlcom wadna uqalanta madaxweyne

  60. maxamed gurey says:

    yusuf garaad meshan waxba kama qaban kartide iska joog bbc dada wa iga talo

  61. Abwaan jakaarta says:

    Runtii aadbaan ugu faraxsanahay in xiligan rug cadaa saxafadeed uu noqdo musharax madax weyne nimo waxana leeyahay guul

  62. Dalkeyga iyo dadkeyga says:

    Aniga waxay ilatahay in aa lamid tahay kuwa ladooranayo hadaa fashilantane waa khasaarte hadaa guuleysatane dadka ayaa wuu fiicanyahay ama wuu xunyahay dhihi doono

  63. Wadani says:

    wan ku teegrsanahay garad in uu xilka u tartamo becouse yuusuf wa nin qabiir ku eh siyasda in badan ku jiraya bal wax la dhahaba londan ayuu ka dhiganaayayjmacd poloticaal ama cilmu al siyaasah mida kale waa nin saxfad so maray aftahana ah fagrka uu sitana dadka ku qancin kara bal waxaaba la dhihi karaa waa ninkii ku haboona maanta in xilka madax tinimada qabto madama madaxwaynayaashi hor e wadanka so maray aysan aqoom ulahay siyaasad for ex; sheq shariif siysad maxu ka ogayahy c/lahi yusif asna sidoo kale

  64. Salaad xaaji maxamad darwiish says:

    Aloow hana waalin yuusuf xataa jufada aad ka dhalatay ee reer babaanshe qof kama haysatid markasaad leedahay madaxweynaan rabaa halqof oo runti ka warqaba oo odayaasha babaanshaa ma jiro wuuna ka faanaa dadbaa leh waa qabyaaladiiste walaahi in owsan ahayn qabyaaladiiste haduu yahay dadka uu ka soo jeedo waa dad danyar qof uu maanta wax ku sheegan karo ma jiro marka nin jufadiisi gabay somali ma waxbuu u tarayaaa waa su aale

  65. Aadan qoriyow says:

    Asc dhamaan umada somaliyeed yuusuf garaad wa nin somaliyeed wuxu ka midyahay odiyaasha somaaliyeed marka wax kasta lagama hor tago ee waxa la yiri barasha horteed ha inicin aan waqti siino ka dib aan dhahno waa fiicantahay ama waa xuntahay lkn wadada diyaaradaha mudaharaad ha uga horgeynina ninka

  66. Axmad najaad says:

    Asc yuusuf garaad fikirkiisa waa ku raacsanahay in shaa allah wuuna guulaysan

  67. Dr Mohamed says:

    Hada ayaa lahelay Nin isku darsaday, Aqoon, karti & Khibrad Yusuf, Garad Cumar, gacmo furan kuso dhawaaw. Cid-kaa xigta lama hayo jagada Madaxweynaha Somalia.

  68. Abtiga says:

    Madaxweyne bel yusufow qabyaladi ad ku hayday london mad muqdisho keni rabta bulshada somaliyed kama astahishid cod e pls britain haso dhafin

  69. Towtow says:

    Wlhi yusuf garad nin cndkar ah isla markana siyaasi weyn ah marka waxan leyahay kuwi hore hakudayanine wax gabadkaga hala arko

  70. Celcali says:

    Wn ku faraxsanahay farxad an adunka kadhicin oo kale soo dhawow qalbi furan

  71. Abdifitah ibrahim bambiste says:

    Hadi an fikrad ahan tayda ka hadlo wa mid ku habon in u isu so sharaxo madax weyne nimo yuusuf garaad waxan leyahay garaad nasibkaga kasho

  72. yusuf.yare says:

    suaal marka hore dad in la dila ma ahan in qoray la qaato o kaliya afka aya wax kasta ka daran yusuf garad omar waxow ka mid yahay dadka somaliya ka degi waysay war ma taqanin e wa mas af somali ku hubeysan

  73. c/wali cusmaan says:

    aad ayaan ugaxumaxay in uu iscasilo maxaayeelay awaaxn jeclaa falaqeyntiisa wararka lkn waan soodhawaynaa hadii uu is sharaxaayo waana uqalmaa xilxaas waaana rugcadaa guulayso

  74. Yaabka yaabkisa says:

    Been been sheeg inkabadan 70kun o digaag aya u dareray gobaha codbixinta midowga xasharaadka waxey ku baaqen in gargaar lala gaaro aboor kidib marki fatahaado ku dhuften dudumihi u dhistay dhurwaa ayu lagu waramayaa inusan so xaadirin kulanki golaha amanka xayawanada halkad nagala soctan wa mowjadaha gesaha dhadher iyo kuwa sulasha qarofan leh masas bad dadka la hor iman donta. .

  75. Yaabka yaabkisa says:

    Ciyaar lagu maamusayo mushraxnimada garad waxay dhax martay nadiga bisadaha iyo cayayan 2 goal iyo waxba ayay cayayan ku dardaren bisadaha daqiqadi 52aad ayaa kubad lagaso shaqeyay ayu antonio bararo ladhaafay daafaca birta ah e emanuel curri halkasna ku dhaliyay 70daqiqo markey marsay waxa karka cas lotaagay alexender shambi goalka labadna waxa dhaliyay fernando jiir kaso ahaa mid gol ku laad ahaa .by

  76. Maaz says:

    Sxb waxan ku leyahay inta bbc ma,ahan ee waa muqdisho ee tareysada mujahadinta yay ku layfin ee cag dhigo

  77. Aden ali hersi says:

    Yusuf garad so dhowow walal waxd tahay nin dayar hadana cod kar ah

  78. Mohamed abdi says:

    Yusuf halyey waaye wana uqalmaa

  79. ciyaal_howlwadaag says:

    Salaamu Alaaykum

    War marka hore ninka suga waxa mashruuc wata aan aragno ha iska sasina somaaliyeey qabiil la idinka raaac

  80. yuusuf ali says:

    mr garaad waa nin karti badan hadi uu isku soo sharaxo madaxtinimada somalia cid uga fican in ey jirto umaleyn maayo waa nin aqoonyahen ah , wadani ah bal eeg kuwa hada xilka noo haya historygoda iyo aqoontoda kkkk somalia goormey qabilka kaweynaneysa yahuu

  81. Moha says:

    Ninkan waxa lagu xaman jiray inu gaal yahay aniga tas mahuba lakin waxa iska cad inu dowlada ingiriska jajus u ahaa? Tolow hada ma dowlada ingiriska sodirsatay o tiri is sharax anaga kutagerana misana damicisi walna aya qaday?wan wada sugena

  82. Xasan dhaay says:

    Asxaabey yuusuf uma tartamayo madaxtinimo somali wuxuu utaagan yahan jagada radio muqdisho.kakakakaka isku dirku ku roonyahay..

    • Abshir abdulahi sheikh says:

      Masha allah wa arin farxad ah aniga zaid ayan uga faraxsanahay musharaxena cusub yusuf gerad fikirkaga ad ayu uwanagsanyahay guul ayan kurajeynaya fursada ad radineysid

  83. Abdi mohamed says says:

    Asc umada somaliyed melkasto o ay jogto ramadan karim inta kadib yusuf Garad cumar Axmed wa nin somali ah hadana kalinta u rabo tartan u gali karo lakin waxa wanagsan in u u tartamo wasarada war fafinta e TFG ga balse madaxweyne maya.maxa yelay musharaxnimada madaxweyne nimada wax yabo badan aya ka horeyo marka kadib haa.tasi wa fikirka an aniga qabo wcs.

  84. darwish says:

    ascw yusuf garaad run ahanti wa nin aftahan ah aqona uleh siyasada wana nin kafog qabil iyo eex waxaana leyahay mar hora lagaa rabay hadana waqti fican ayad kuso aaday Guuleyso ayan kuleyahay.

  85. Suares says:

    Wariyaha VOA ee laanta af somali caasho cuud waxay usharaxantahay jagada ra.izul wazaaraha soomalia waxaan leenahay soo dhawaw caasho

  86. Guhad says:

    Maansha.allah,allaw,talada,nin.wadani.ah.oo.aqooleh,u.noqabta

  87. kulmiye says:

    asc waxan aan la yaabay inuu maanta qof ka mida dadka ugu tariikhda gaaban somalia oo ku abtirsada 20 sano oo taariikha uu yidhaahdo waxaan doonayaa madaxwayne somalida ayaa la yidhi kay adhiga kala quusataan ayay geela u diraan waxaa laga yaabaa in qaar somalida ka mida aya laabta ku hayaan inay codkooda siiyaan xagaa uma qalmo in loo dhiibo radio muqdisho wuxuu ku fiican yahay in loo dhiibo kawaanka dadka lagu qasho ay ay dhalay ma kaan ogaa ayaa maanta somalia hunguri ka galay

  88. xanafi johanspek says:

    qabiileestaha weyn waxjira maaha bbsada hakatago madaxtinimo umasoo dhawaanaya adeer habargidir hadeey kusoo dirtay madax weyne haku geeyan bbsada waxan kamaqlay farxan maxamad jimcale inuu isku sharaxayo booska yuusuf garad aad ban utageersanahay wiilka xawadle farxan by

  89. CIGE says:

    YUUSUF GARAAD WAA NIN AQOON LEH LUQADO BADAN KU HADLA KHIBRAD BADAN OO SHAQO LEH
    WAAN NIN KU HABBOON IN UU HOGGAAMIYO DAWLAD SOOMAALIYEED OO CAGA ADAG KUTAAGAN KANA SAARI KARA DHIBKA IYO QILAAFKA SOOMAALIYEED HADDII ALLAH IDMO MARKA KUWA DIIDANOW ISKA SAARA CUQDADA QABIILKA OO INDHA CAAFIMAAD QABA WAX KU EEGA YUUSUFNA WAXAAN LEEYAHAY KUSOO DHAWOOW DALKAAGA HOOYO SHAQO WANAAGSAN

  90. Said abdikadir says:

    Dad badani waxay ku faraxsan yihin suyuf garad inu ka tago bbc inay gul u tahay shaqalaha bbc da wayo qabyaladayste uray weeye somalina doran mayso marka waxan oran laha jeeb baa wax gooye inta inta dr gass iyo sharif garomada ka muqdan ha isku caatayn gabeylaha

  91. Mc caruus says:

    Magaceeygu waa mcc, yusuf garaad waa ku guuleeysaa xilka madaxweynenimo oo waa nin is huba laakiin su,aashu waxaay tahay xagee ku shaqeeyn doonaa macnahu waa kuwii hore waxna kama duwana sababtoo ah gaalnimo ayuu wadaa meelna magaarayo insha allah.

  92. Abdikadar ahmed says:

    Kk meshan frmjo ninladhaho ayaa yeke kuhaysto madax waynaha dalka ushega shaqadad hakasotagn dhaha gab gab tisa ma aqane

  93. Halaqa dhabaded says:

    Gab gab mesha logama bahna nin frmjo ladhaha somali wax katari kara fadlan ader ysf garadow orad bbc aad hadi kale hoslan ad adee

  94. Abdikadir Hassan says:

    K.k.k.k.k.k.k.k.k
    garaad madaxweyne uu noqdo iska daaye kabalyeeri xitaa inu noqdo uma ogoli

  95. Duceysane says:

    Wagar yusufna wa musharax k k k k k xukumada ayaba iska horkene. war waxatahay qabyaliste e halkad jogto haso dhafin fadkan

  96. abudujana says:

    Yuusuf garraad waxa uu maamuli kari waayey 22 weriye innuu hoggaan u noqdo ummad dhannaa waa riyo maalmeed.

  97. Faysalyare2 says:

    Yussuf garada waa macqul in uu waxa kaqabto wanken hooyo

  98. Masud Abdi says:

    Qabiil lama hogaaminayo ee qaran ayaa la hogaaminayaa yusuf qabiilkisa ha hogamiyo qaran uma qalmee

  99. cadaawe says:

    kkkkkkkk yuusuf garaad hadawyahay nin qabiil kutasho qabiilkiisa aamuqdisho heysto kana taliya amarkoodana lama diidikaro dad yahaw lucufadaa igana soo wac 0615998380

  100. cabdi qani mahamed hussein says:

    anigoo jooga hargiesa somaliland
    hadi arinkani in yusuf doonayo in uu noqdo musharax runtii waa arin u ku deg degay ee ha u yara kaadiyo waayo hada xili ku haboon ilama aha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII