Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Hillary Clinton oo Amisom ku wareejisay diyaarado dagaal si looga adkaado Al-Shabaab “Top News”

Xog-hayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa ku wareejisay ama ugu deeqday saraakiisha midowgga Africa ee howlgalka ka wada gudaha dalka Soomaaliya ilaa 12 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn.

Munaasabad ka dhacday duleedka magaalada Kampala ee dalka Uganda ayeey Hillary Calinto ku wareejisay saraakiisha AMISOM diyaaradaha oo sida la sheegay ka saacid doona howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Diyaaradahan loogu deeqay AMISOM ma aha kuwa xanbaaraha gantaalaha hasse ahaatee waxaa diyaaradaha wax sahmiya, islamarkaana soo uruuriya macluumaadka la xiriira goobaha la doonayo in la bartilmaameedsado.

Xog-hayaha arrimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton ayaa kala hadashay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka kooxda Al-shabaab iyo dagaalka ay dowladiisa kula jirto Jabhada LRA.

Dhawaana ayeey aheyd markii ay QM warbixin ka soo saartay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee  ku sii kordhaya hawada dalka Soomaaliya, kuwaasoo sida ay sheegtay QM dhibaato ba’an ku heysa diyaaradaha kale ee isticmaala hawada dalka Soomaaliya.

 

 

5 Responses to Hillary Clinton oo Amisom ku wareejisay diyaarado dagaal si looga adkaado Al-Shabaab “Top News”

  1. Zaki heegan says:

    Asalm alkm hadi anaga an somali nahnay waxan jeclan laheyn in nabada ay tahay shey muhiim nabad gel yada in ay qof walbo ay fiican tahay ka bilaawato guryahaaga xafadaada ilaa dunida oo dhan maxaa yeelay ilmo dhalanyaro mamoyin iyo odoyaasha waa in ay ogaadan nabada in ay tahay shey qaali eh

  2. Abuukhaalid says:

    Asc gaalada wax kastaba hasku soodaydo islaamka ayaa adkaanaa insha alaah mardho kufaarta afrikaanta iyo murtadiinta waxaa lagu qoda oonaa beerah insha alaah

  3. Xamza says:

    Allah yaa allah hiller carrton diyaaradaha duliyaha leheen allah ayaa ka weyn hadey soo qataan boqolal diyarad xarkatu shabaabul mujaahidin waxbo kama qadana allah ayaa gcan siinayo tusaalo mujaahidint afganistaan pakistan iyo yeman ayaa diyarad wax loga qadi waayay )waxanu lenahay dadka modaayo iney gaalo aya guuleyineyso hadaa lina dalka waxaa u dambayenaayo xarkada shabaabul mujahidin ‎اللهم انصراخوننا المجاهدين في الصومال امين ‏quf walibo ‎يحاسبو قبل انتججاسبوsxbyaal islamka tageera

  4. Shabaaz Goodeey cw says:

    Waan ka xunahay diyaaradaha lagu soo kordhinayo hawada somalia sida an ognahay meleshiyada waxaay ku dhumaalay sanayaan meelaha durarkaa taana waxay keeni karta in shacabka xolo dhaqatada ah ay wax yeelayso diyaaradaha camerada qasaaro waxa ay u geysan karaan dad keena mana la aqbali karo arrinkaan waa in madaxda dowlada ay ka hadashaa waxna ka qabataa

  5. Ibnu somali says:

    Alahu akbar ma doofaarada waxay kenen in ay diyarada ken insha alahu 12 diyaradod waxay noqon donan mid la rido iyo mid noqoto iyo mid laqanimeysto oo lagu duqeya wadamada kufaarta insha alaha ku bishaareysta alahu akbar walcizatu lil islam

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII