Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wararkii ugu danbeyay ee Howlgalo ay ciidamada Huwanta ka wadaan deegaano katirsan Sh/hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ka dhan ah Kooxda Shabaab oo maanta ay ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Amisom ka sameeyeen deegaano katirsan Gobolka Sh/Hoose.

Taangiyada Ciidamada isgarabsanaya ayaa goor sii horeysay oo saakay ay gaaray deegaano hor leh oo ay kamid yihiin deegaanka Number 50 ee gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada ayaa lasoo sheegyaa in ay ka gudbeen deegaanka Number 50 ayna gaareen deegaano kale oo kuyaal gobolka Sh/Hoose, Waxaana xiliyada qaar la maqlayaa rasaas xoogan.

Ciidamadii Shabaab ee kusugnaa Number 50 iyo deegaano kale oo Sh/hoose katirsan ayaa la ogayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, Waxaana Saraakiisha dowlada ee gobolka Sh/Hoose ay sheegeen in saacadaha soo aadan ay gaari doonaan deegaano kale oo hor leh.

“Howlgal balaaran ayay ciidamada saakay qaadeen, waxaa ay ku qabsadeen Number 50 garoonka diyaaradaha anaga ayaa haatan kusugan, kooxihii naga soo horjeedayna waan kala ceyrinay”ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii.

Sargaalkan ayaa sheegay in ay hada ciidamadooda kusii siqayaan deegaano kale oo kuyaal Sh/Hoose saacadaha soo aadana ay saxaafada faah faahin ka siin doonaan degaanada kale ee ay Shabaab kala wareegeen.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jira tuulooyin kuyaal Sh/Hoose oo lasoo sheegayo in ay isku horfadhiyaan ciidamadda dowlada iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya iyo Shabaab.

Wrarakii soo Kordha dib kala soco Warqaad.com Insha Allah

6 Responses to Wararkii ugu danbeyay ee Howlgalo ay ciidamada Huwanta ka wadaan deegaano katirsan Sh/hoose

  1. Maxamed says:

    Madoneyno cidamada dowlad iyo kuwa amisom waxan doneynaa alshabab

  2. Cabdiraxman says:

    Adban ugufaraxsanhay inlag saro khawarijta melah ayhaystan maxa yelay umadii go’doon galiyen kabaxa onogabaxa wadankena

  3. Ramadan mahamed says:

    Naclatullahi calashbab shabaab dhulka halagasaro insha allah dhalinyaredana somaliyeed ayey ajinabi udilayaan

  4. hussien says:

    ada.ayan.ugu.faraxsanahay.in.lalaayo.shabaabka.odhan

  5. Gurey says:

    Alxamdulilah hadiba alshawb laga adkade wanlawada dagaleyna kuligen somali dowlad iyo dad isku xiran

  6. Qoslaaye says:

    Walaaleyaal ma aha qof muslim ah in ad meydkisa sixun logalo ama lajirdilo sida aad ogtihin meydka xur mad ayu idinku leyahay wa in ad xaq dhowrta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII