Wararka laga helayo degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaal ee dalka Mareykanka ay duqeyn qorshaysan ku dileen ciidamo iyo Saraakiil katirsan Shabaab-ka Jubooyinka.
ku dhawaad 10 kamid ah Dagaalyahanada Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaas oo todobaadkan ka dhacday duleedka Afmadow iyadoona diyaaradaha duqeynta gaystay ay ahaayeen kuwa aan duuliyaha lahayn.
Mid kamid ah Saraakiisha Shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka weerarkaas uu udhacay, qasaaraha uu gaystay iyo tirada Shabaab kaga geeriyootay.
Sheekh Caadil Maxamed oo sheegay in uu katirsan yahay Saraakiisha Shabaab ayaa usheegay TV-ga laga leeyahay dalka Iiraan ee Press TV in diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn ku dileen dagaalyahano katirsan Shabaab.
Waxaa uu sheegay in ku dhawaad 10 kamid ah Ciidamada Shabaab lagu dilay weerarkaas diyaaradaha Mareykanka ee duuliye la’aanta ah ay ka gaysteen y duleedka magaalada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ee wadanka Soomaaliya.
Dhanka kale Waxaa isagana duqeyntaas faah faaiyay Cali Jimcaale oo isna kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka dagaalamaya aaga Afmadow waxaana uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay ciidamo badan oo Shabaab ah.
Diyaaradaha dagaal ee dalka Mareykanka ayaa duqeyn xoogan ka wada deegaanada ay Shabaab kaga sugan yihiin goboladda dalka gaar ahaan Jubooyinka.
Soomaaliya ayaa kamid ah wadamo lix ah oo diyaaradaha Mareykanka ay ka gaystaan duqeyn, waxaana dalalkas ku jira Pakistan, Afghanistaan iyo Yeman.
Warqaad.com
Xulka Wararka Oo Dhan
Allow cadalad noo ken wan dhibatone wadan an lehen ku nolankarne amin amin
War shacabka un amaan ha siiyaano! Koley lagamayaabo eh
Ilaa hayow mareykanka iyo xula fadiisa naga qawo
Al shabaab hada dhamaad kujirta
Ma ogtahay
Idinka kaalay dilay
Marki galada kenya la layo kuwa so dirsada ka caroda duqeyn ayey geystan mey dhulka imadan
Cabdi baa li dhahaa aniga waxaan ku suganahay afmadow duleedkeeta waxa lagu dilay ma laha ee beenta iska daa warqaad
Alshabab ayada miya islam ah?
m/rashid aya ley dhaha waxan joga butuswaana shabaab waa mujaahidiin insha allah shabaab waad guuleeysan
War kuwan oo kale weligey ma’arag why? Beenqaad ayaad tahay gunnada aad qaadataan been ayaad ku heshaan haddii kale gaajaad udhimmaneysaan aakhirana ku xisaabtami meysaan
Waa ramadaane Ilaahay ka cabsada. Websiteyada inta badan run ma qoraan. Press TV wax ka sokeeyo ma la waayey?
ilaaah subxaana watacaalaa ayan balan qaad ka haaysanaa oo ah in aan gaalada ka adkaaneyno hadii aanahay musliin dhab ah ilaaheyna waxaan ugu ash takooneeynaa in uu galaa gacmaheyna ku laayo alhuma acisul islaamu war mursaliin wa adila shirka wal mushrikiin naclatulaahi mareykan naclatulaahi kenya naclatulahi itobiya naclatulaahi burindi iyo yugandho
shabaab iyo islaam shaqo iskuma laha..
War qaad galadaan aa la shaqeyneysi maad is ka dhaaf tid mida ka le munafiqiin taan aad fursada siineysiin maad is ka dhaaf taan oo aad raxmaan ka u gu baqdaan allaha dhow ro mujaahidiin ta
dhib uma aragno hada laduqeya iyo hadi kalaba lakin waxad ogatan guusha inay udanbeyni donan mujahidinta allah allan idinku dharshe bal firiya meqaa dowladod o kiristan ah o kuso dushay wadanka somalia kenya uganda burundi itobia siriyalon mareynkan allah ayan idunku dharshe makujirta hal dowlad o islam ah marka walalayal waxad ogatan gaala inay iskabsatay si lobuburiyo islamka mana usurta galeyso o allah subxanu watacala aya diday wabilahi towfiq walahu subxanu watacala aclan
Haa alshabaab wa islaam wadani ah,waxadna ogan dontan shabaab waxay tahay markay gaala madowda ganfuur culusta hortina kufulan gabdhina layska wato adan kahadli karin,markas ayad wax fahmi dontan, lkn faham markas ah wax matari doonaa???!!! Wa su aal da weyn.
Wabkan waa beenlow waxuu u shaqeeyaa gaalada iyo murtadiinta waa la hayste ku shaqeeya fikir shisheeye
Al shababa haa wa isman
Algaagaab anaa waso been isku sheegta oo caruurta ah
Haa alshbab waa islm waana raga kali oo maanta somli kadc diinta waana u duceyneyna inshaa,aallh