Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha Puntland oo dalbaday in la soo xulo xildhibaanno tayo leh

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland oo horay u soo dhaweeyay ansixinta dastuurka ku-meel-gaarka ah ayaa isaga oo ku sugan magaalada Garoowe waxaa uu warbaahinta u sheegay ku baaqay in la soo xulo xildhibaanno tayo leh.

‘’Waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed in ay soo xulaan xildhibaanno tayo leh, iyadoo loo marayo hishiisyadii Garoowe, Gaalkacyo iyo Naiorbi, ayuu yiri,’’ madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Shiikh Max’ed Faroole.

Madaxweynaha  maamul gobolleedka Puntland ayaa la sheegayaa in uu yahay shaqsi saameyn weyn ku leh siyaasada dowladda KMG ee  ku saleysan waqtiga kala-guurka.

Waxaa uu hray u sheegay madaxweyne Faroole in uu siweyn u soo dhaweynayo ansixinta dasuurka oo ay meel mariyeen ergada Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay dastuurka mid ku-meel-gaar ah.

Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa siweyn ugu mashuulsan soo xulida ergada baarlamaanka uga qeyb-gali doonta beelaha Soomaalida, halka odayaasha qaarkoodna durbaba diyaariyeen liiska xildhibaannada dhinacooda matalaya.

2 Responses to Madaxweynaha Puntland oo dalbaday in la soo xulo xildhibaanno tayo leh

  1. Abuudar says:

    Kkk bal ninkan waalan eego saameynta siyaasada wax kama ogid waa is mahdisay garowe dadka dagan utali somali shaqo kuma lihide murtad yow

  2. Saxane says:

    Yaabwaaye bal farolow maxaa kudabadhigay madaxda somalida war maamul goboledka ku sinaay
    taladado waxaa waaye maamulka muqdisho garowe gey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII