Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dowlada KMG oo soo bandhigtay Meydadka Saraakiil iyo ciidamo Shabaab ah “Daawo”

Dowlada KMG ayaa maanta soo bandhigtay meydadka Ciidamo iyo Saraakiil ay sheegtay in ay katirsan yihiin dagaalyahanadda Shabaab.

Weerar ka dhacay  degmada Qansax dheere ayay sheegeen Saraakiisha dowlada in ay ku dileen Ciidamo iyo Sargaalkii hogaaminayay.

Guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Adan ayaa sheegay in ay dileen lix kamid ah Ciidamada Shabaab oo sargaalkii hogaaminayay uu ku jiro.

‘’ Saqdii dhexe ee xalay ayeey malleeshiyaad ka tirsan shabaab soo weerareen bar ay ciidamada XDS ku lahaayeen kontoroolka laga galo magaaladaasi waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo socday in ka badan hal saac, saakana waxaa halkaasi lagu arkay Meydadka Lix ka tirsana Shabaab oo uu ku jiro horjoogihii watay kooxdaasi kaas oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Uburow oo ah  nin ku dhashay magaalada isla markaana aad u dhibay dadka reer Qansaxdheere haddana Meydka horjoogahaasi dadka ayaa laga celin la’yahay ciilka ay u qabaan darteed’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Aaden oo lahadlayay raadiyaha dowlada.

Sargaalka Shabaabka ah ee lagu dilay Qansax dheere oo lagu magacaabo Maxamed  Isaaq Uburow ayaa ku dhashay degmadaasi, wuxuuna hore uga mid ahaa ciidamadii booliiska intii ay jirtay dowladdii hore ee Siyaad Barre, muddadii burburka uu jirayna ka hor inta uusan shabaab ku biirin waxa uu nabaddoon u ahaa beeshiisa oo degta degmadaasi, isagoo magac iyo maamuusba ku dhex lahaa dadka reer Qabsaxdheere ayuu haddana markii uu ku biiray shabaab waxa uu dhibaato weyn u geystay dadka deegaanka nasiib darase saaka waxaa meydkiisa laga celcelinayaa dadka deegaanka oo doonaya in ay ku jiidaan waddooyinka laakiin ciidamada ayaa u diiddan in meydka loola dhaqmo si ka baxsan bani’aaddanimada.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

30 Responses to Dowlada KMG oo soo bandhigtay Meydadka Saraakiil iyo ciidamo Shabaab ah “Daawo”

  1. md says:

    oh!wan ka xumahay inkastoo an alshabab necbahay

  2. adan says:

    hadii lay arko maxaa laygu samaysanayaaa wadankaba majooyee

  3. Cali says:

    Inlah wa in ilahay rajun ragan maxay ku dhamaden

  4. Sunni prince says:

    Wan kaxumahay dhalinta lasoo qalday ee ladhahay janaad galaysaan oo mesha ku dhamaday:(

  5. Coloow says:

    Alshabab haku quusqaatan hadii kale dhamantod saas aya udabeyne

  6. Asad says:

    Ilahay ha ka aqbalo shahaadadoda amin

  7. Manexe says:

    Waa wax lobahanyahay

  8. babayare says:

    sory wlh aad ayan uga xumahay dhalinta mesha ku dhamatay balse kuwa kale inaysan kudhaman halaisku dayo oo kuwa harsan laga wacyi galiyo

  9. Mujaahid says:

    Oh! WankaXumahay sida loogalay mujaa hidiin ta

  10. Maxamuud nuur says:

    Reer qansaxdheer caawa waxaa dulyaala dhalinyaro u dhalatay oo ka caasigarawday madkood

  11. muscab binu cumeer says:

    asd intana ka aheen murtadin ayaa tihin oo kufaar ah galaa tihin nacalatulahi caleyk

  12. ismalure says:

    allaha ka aqbalo wlh wa shuhado ayagoo diinteena sharafta badan difaacayo ayey shuhado heleen alla nasiib badnaa waxa qasaaray gaalada kufaaneysa iyo murtadinta iyo kuwa kufaraxsan

  13. Mowlidmaane says:

    Illahay hana badbadiyo sabid akhir aya lagujira

  14. Somali says:

    Nimankaan waa ETHIOPIAN dagaalka lagu laayey wxaana ii xaqiijinaaya

    1- in TUUTIHII Laga siibay

    2-kama muqato wax sunno ama haybad diineed sida GAR,SUJUUD,…..IWM

    3-Waa kaarto xabashi lagu yaqaan marka lagu JABIYO DAGAAL in bakhtiga iyaga laga laayey DHAHAAN Waa cadow inta laqawiyo QORYOHODANA la dul dhigo si somalida wax ma kastada ah oogu naageyso XABASHIDA iney is dhiibaan kuwa HALGAMAYANA loogu qanciyo….

    FG : ma inkiraayo qof muslim ah oo isagoo DALKIISA difaacaya ku dhintay LKN Wxn ku kalsonahay 99% in nimankaan ETHIOPIAN yihiin.

    • cawil says:

      maxey kamuuqata matukadan dhagax ayey ku xogan waxiga laga keno israaill xageda biyo aan la aqoona wey caban waxa mesha ku dhintayna ma ahan ithopia ee waa caruur garna maba garin sxb ee sorry alshabab alle hanaga qabto waxan ayaka gar siiyay dalkeena waligeena mana arag tano kale

  15. Muslim says:

    Ina li-laahi wan liheyrajucin. Wanasibdaro iyo waxan ilaahey jecleyn dad muslim ah o geeriyoday in dadkale o muslim kale ah sixun ula dhaqman meydkaas.ogaada hurmo meydku inu leyahay hadu gaal yahey iyo hadu muslib yahaba.manjecli shabab iyo fikar koda blse muslimka anahey dhaqankisa masidan lola dhaqama meydka?

  16. wiil absame sey says:

    asc waxaan aad ooga xumahay dhalinta maskaxda laga xaday ee qoriga loo dhiibay iam Sory hogaanka alshabab ciyaalkooda yurub Iyo adduunka ayay ku raaxaysanayaa dhalin yaro yar yar ayaa bilaash loogu dhiibayaa qori iam Sory Waxaas Waxaa qaadanayo madaxda alshabab waa in heeg la geeyaa inshaa alaah

  17. wiil absame sey says:

    oo halkaas lagu saraa maxkamad caalami ah Iyo xitaa tfg cidda walba oo ciyaalka qori u dhiiibo waa in lala xisaab tabaaaaaaa oo lagu qabtaa gacan bir ah somali falal bdn ayaa ka dhacay Balse nin walba Waxuu gaystay waa wax qoran iwm oo waxaaa sheegi taariikhda

  18. wiil absame sey says:

    Waana in waalidka dhalay dhalinta qoriga loo dhiibayo ayay ka diidaan Dadka qoriga u dhiibayo caruurta ayay dhaleen Waana in ciyaalka lageeyaa meesha lagu barto aqoonta Waana iga waano wayooo waxaan ahay muwaadin somali ah oooo ciyaalka qoriga wato ayaaan aad Iyo aad ooga naxayaa Wayoo waxaanahay dad isku dhiig ah

  19. Seyfulah says:

    Waxaan leenahay kuwa diin alle ladagaal san kufaar ta waxaankuleenahay nuur alle mademinkartaan haashaalillaahi khasaaro idindanbeyndoonaa sidii alle (stw) inoo sheegey hadal walba oo aad hadashaan naarta ubaad kusiifogaaneysaan kuwa diinta alle inay ladagaalamaan qalinkooda usooqaatey ee warqaad labaxay mowdbaa idinkahoreya mideedakale dhanka shuhaddada arrinkan okale nin nasiibleh baahela nika layirahdo maxamed isaaq uburow wuxu heley shahiid gurigiisa ah aynatahay bil ramadla wuxu ahaa rijaal aan kalaba labeyn go’aan kiisa hase yeshee alle (swt)ayaa doortey

  20. Zaidul khair says:

    War rer qansax dher wey dambaben wayo meyd bina aadam ah ayey kuceyaren

  21. kayse says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    .mashala waan ku farxay in aan arko sidan oo kale dhameeya oo midh ha kareebina

  22. daahir says:

    acs wa wax ad ifool xun labada dhinacba wayoo waa wada somali wana wada muslimin yan lolaban folxumada

  23. Mujahid says:

    Baqtigoda ayey bananka sodhigayan markasay naleyihin wa al shabab war benta iskadaya nacalada allah haidnku dhacdee

  24. hagadhera gentle man says:

    Ismalure sxb wan ka xumahay, jana sidaa laguma galo. Waa lashaqeysta jana e shaqeso sxb.
    Inta ladilay wa inti walidkoda ku casiye iyo hawaar walid aye qawaan

  25. ABUXUDEYFA says:

    Asc khaa imin ayad tihin benta dhaf ninkas wa murtad oo bakhtiyey kuwa bishareysta inta musliminta jaceyl wa la kasi shalay aya qasaxdhere lagu dilay ilah narta hakufogeyo allah akbar

  26. Wiil ìslaam ah says:

    Al shareed allaha jabiyo aduúnka aaqarana allaha cadaabo hanun wuxuu uqoranyahay alaha hanuunsho

  27. Qoslaaye says:

    Walaaleyaal in aad kufaraxdan ma aha dilalka loogeystey musliminta wa in aad murugo iyo tiiraanyo isgelisaan

  28. Liibaan says:

    Kkkkkkkk ku laha inaad faraxdaan ma ahan qofka muslimka ah qofka muslimka aad dhahoosid sharafta muslimka ma leeyahay maka horeysoo dadka muslimiintoo nafta u keenaa markasaa dhehee qof muslim oo sharaf leh oo aan dadka u xad gudbeeeyn car sidasa oo kale hala yeelo awalba waa doqon caruurtey ku soo gaban jireen wlhi bialh qofka dhahaayey caruurta meesha lagu laaynooyo waxa waaye caruurto oo caasi waalideenka iyo wasaakhiinta aan waalidkooda war kamaqleeen intaas jana dheedheel haku arkaaan ?????? Wa bilah tofiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII