Wararka haatan naga soo gaaraya magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in goordhow oo daqiiqado kahor ah uu furmay shirkii udhaxeeyay Kooxda Saxiixayaasha Road Map-ka iyo Xoghayaha Arimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton.
Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa hadalkii ugu horeeyay qaadatay Xoghayaha Arimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton waxaana ay si weyn uga mahadcelisay Madaxda Soomaaliya.
Waxaa ay guul ku tilmaantay in Soomaaliya ay gashay xaalad wanaagsan maadaama la ansixiyay dastuurkii Soomaaliya, madaxda Soomaaliyana ayu diyaar uyihiin in ay sii wadaan heshiisyadii ay horey ugaareen.
“Waxaan aragnaa in Soomaaliya ay sii galayso xaalad wanaagsan, waxaana si cad usheegaynaa in Mareykanka uu xili kasta garab taagan yahay Soomaaliya’ayay sheegtay Hillary Clinton.
Waxaa kale oo ay sheegtay in ay ka taageeri doonto Soomaaliya la dagaalanka Shabaab iyo in lahelo dowlad dhidibada utaagta xalka kama danbaysta ah ee Soomaalia.
Waxaa Xusid mudan in haweenaydan aysan soo hadal qaadin hadal heyntii shacabka ee ahayd in Hillary Clinton ay madaxda Soomaaliya kala hadlayso arimaha masyuq maasuqa ee dhawaan lagu eedeeyay.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa haatan hadalka qaatay isagoo ugu horeyn uga mahadceliyay Mareykanka taaageerada uu siinayo dowlada Soomaaliya
Dib kaal soco Faah Faainta waxa ay madaxda Soomaaliya ka sheegaan kulanka
anaa ku waso gaalyahaaaaay lkn one day waad shalaaaydoontaa rucbi ayaana kuu danbeeydoono
Aniga fikradeyda waxay tahey in sheikh sharif o yahey nin ka talinayo burburka somaliyeyd, ninkas somalida haka dhax baxo.
Adi yaana lagu wasin maraxow oo wadanka kaa dagi la yahay nabad diid nabad diidkisa wax lee inaa qar xisiin ayaa rabtiin insha allah DkG SOMALIA GUUL WEEGARE ADI INTE GALEE SHACAB ISKA SODHIG MARKAS HAHAHAH
Lkn waxan layabanahay somalidi o dhan gaal umay kuheysaye maxu gaal haleynaya Al qaaida yay kakobantahay Alshabab yay kakobantahay Argagaxisa yawaye gaal makujiro war dad islamnimada si qaldan ufahmay badana adunka
runtii waa mar walba waxaan leehaya somaliyeey toosoo tosoo isku tiirsadee hadba kiina taagdaraneey taageera waligineeeeeeeeeee
somalia guul dowlada dad is jecel
ilike my cauntry.
god bye rako raaxo.com