Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay Km 50 & degaanada ku dhow

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwo Amisom ayaa saakay weerar ku qaaday fariisimo Xarakada Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Km 50 oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Gen. Cali Caraaye Cosoble (Gacmadulle) oo ah Taliyaha guud ee howlgallada ciidamada Dowladda KMG ah ee aagga Km50 ayaa sheegay in ciidamadu ay saaka si buuxda ula wareegeen deegaannada Muuri, garoonki diyaaradaha Lambar 50, Saliini, ilaa Lambar 60, kadib markii ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Amisom ay waaberigii saaka ka dhaqaaqeen deegaanka Laanta buuro.

‘’Wax qasaare ah oo na soo gaaray ma jiro howlgalkii aanu saaka ka fulinay degaanadii aynu la wareegnay, mana jirto wax iska caabin ah, dhowr canug ayaan meelaha qaar ugu tagnay,  iyagiina wey iska carareen, haatanna ciidamadu waxey isku fidiyeen deegaannadaasi iyagoo baaritaanno ka wada qorshuhuna wuxuu yahay inaanu sii wadno’’ ayuu yiri Gen. Cali Caraaye Cosoble (Gacmadulle).

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in ciidamadu ay dhawaan la wareegi doonaan magaalada Marko iyo guud ahaan gobolka intiisa kale, isagoo intaa ku daray in howlgalkii saaka ay gacan weyn ka geysteen shacabka ku nool deegaannadaasi.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee howgallada lagu sifeynayo Alqaacidda ka wada gobolkaasi ayaa la wareegay inta badan deegaannada gobolkaasi, iyadoo horumarkaasina ay si weyn u soo dhaweeyeen dadweynaha ku nool gobolka oo iyagu qaati ka taagan dhibaatada ay ku hayaan kooxaha Shabaab iyo Alqaacidda, wuxuuna caddeeyay in kooxahani iminka gabalkoodu sii dhacayo oo awoodii ay ka dhammaatay.

7 Responses to Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay Km 50 & degaanada ku dhow

  1. cabduqaadir says:

    yes waanku faraxsanahay dowlada somalia hanolaato

  2. md says:

    waxan uhambalyenaya ciidamada xds o sakay guul la taban karo garay ad ban ugu faraxsanahay in laga rayo qawarijta alshabab

  3. Raaxeye says:

    La isma gaarin waa wali lamagarin sxb ilaa marko laqabto ilaa buulo golwayn

  4. Lt.Moxamoud says:

    Allahayow cxds kor kayeel oo kuwan nabad diika ah laay

  5. C/raxman bulsho says:

    Cqadir iyo md.kuwan la baxay.wad lusantihne alle ha idin so hadyeyo.wanku faraxsanahay kulaha.horta mataqanan o ma ogtihn dhibatada ay.wadan.kuwan dowlad isku shega iyo gaaladan.sanka weyn.jahilin batihne amusa wecelayow

  6. ismaciil says:

    imtixaan ayaa iska jira laakin ciribta danbe muslimiinta ayaa iska leh insha all
    ah waa laga guuleysan doonaa gaal iyo gaal raacba bi’idni llaahi tacaalaa allaahu akbar magaal baqti ah ayaa nabad noo keenaya mida hada aan heysano wali nama soo marin lacagaha sarifka oo meel walbo iska daad san alx waa nabad magalada tuu gadaas way ku baqtin doonaan magaalooyinka ay soo galeen insha allah alle kalmadiisa hoos ma noqon doonto gaalada midooda iyaga ayaa hoogi doona insha allah allow gaalu way qooqday shartooda naga booti

  7. Mujahid says:

    Waxan lahadlaya kuwan isku maga cabay cqadir iyo md waxad ledihin wan kufaxsanahay nacala idin dhashe ma gala kuso dushay wadan kina ayad kufar xeysan ama bariyahan ayan waxan maqlayay wilashii somaliyed wa lawala arosay o waxa arostay galada amisom ee waxad tihin kuwa aay qaban amisom dabada udhibta ha idin qanisene nacala tulahi caleyk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII