Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo galabta ka dhacay xaafada Ceymiska ee degmada Hurwaa , iyadoona qaraxaas uu gaystay khasaarooyin kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jug aad uxoogan iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaraxaas, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid lala bartilmaameedsaday ciidamo katirsan dowlada.
Sidooo kale Waxaa jira warar sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay meel kooxo hubaysan ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa oo iyagii howsha waday isku qarxiyay.
“Walaal waxaan maqlanay jug weyn waan kusoo wada baxnay markaas waxaan aragnay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca ilaa labo kale’ayuu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka oo aan lahadlanay.
Sidoo kale Goob joogaha ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel udhow xarunta saldhiga saraha Ceymiska ee degmada Hurwaa halkaas oo ay askar katirsan booliska dowlada kusugnayeen.
Halkii qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada KMG Waxaana ay wadaan Howlgalo xoogan oo kadhan ah kooxdii weerarkaas gaystay.
Falalka amaan xumada ayaa aad ugu yar deegaanada qaar ee Muqdisho inkastoo xiliyada qaar ay dhacaan weerar lama filaan ah.
Warqaad.com
Xulka Wararka Oo Dhan
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk