Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Calil Gas ayaa gaaaray magaaladda Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland halkaas oo kulan ay kula yeeshay Madaxweyne Faroole.
Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaaladda Garoowe iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya gaar ahaan waxaa Faroole loo gudbiyay Heshiiskii lagu ansixinayay dastuurka qabyada ah.
Markii uu soo dhamaaday kulanka labada Masuul ayaa waxaa ay si wadajir ah uqabteen shir ay kaga warbixiyeen waxyaabihii ay kawada hadleen.
Dr Faroole Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay u anbixi doonaan Magaaladda Nairobi, ee casimadda Kenya halkaas oo ay kula kulmi doonaan Xoghayaha Arimaha dibada Mareykanka.
In lasoo doorto Xildhibaano iyo in la doorto madaxweyne Cusub ayaa ka harsan qodobada lagu soo dhamaynayo marxalada kala guurka ah ee ay isla garteen saxiixayaasha Road Map-ka.
Warqaad.com
Xulka Wararka Oo Dhan
Email;-Warqaad@hotmail.co.uk
asc war nimanyahow kitabka ale qata o ale ka baqa