Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Haweenay Dhakhaatiirtu u Qoreen inay Toddobaad Cunto iyo Biyo La’aan ku Noolaato oo Geeriyootay

Haweenay waayeel ah oo bukaan ahayd ayaa cusbitaal ku dhex geeriyootay, kadib markii shaqaalaha gargaarka caafimaadku u diideen in aanay muddo toddobaad ah wax cunto ah cunin, biyana aanay cabin.

Mrs. Joan Pertoldi oo 76 jir ah, ayaa cuntada laga xarrimay, iyadoo sugaysay qalliin ay samayn lahaayeen dhakhaatiirta Cusbitaalka Quen Elizabeth II ee dalka Ingiriiska, waxana qoyskeeda lala socodsiiyey in qalliinkeeda lagu fulin doono muddo 48 saacadood gudahood ah, balse waxa hawshaas dib loo dhigay ilaa saddex jeer.

Dib-u-dhacyada qalliinka haweenayda ku yimi ayaa dhakhaatiirtu xaqiijiyeen inuu ka dhashay iyadoo markii ugu horreysay baadhitaan loo diray, halka mar labaadkiina cusbitaalka laga waayey wax shaqaale ah oo bukaanka u adeega.

oo qalliinkaas lagu fuliyey siddeed casho kadib markii cusbitaalka la dhigay, ayaa u geeriyootay cunto iyo biyo la’aan ay muddo toddobaad ah ku amreen inay ku noolaato dhakhaatiirta qalliinkeeda fuliyey.

Hase ahaatee, haweenaydan ayaa qallinkeeda kadib waxa darisay xannuuno badan oo ay ka mid yihiin caabuq ku dhashay kaadi-mareenka iyo fuuq bax aad u badan.

Qoyska haweenaydan cunto iyo biyo la’aanta u geeriyootay, ayaa shaaca ka qaaday inay dacwad ku soo oogayaan cusbitaalkaas, sidoo kalena maxkamad la tiigsan doonaan dhakhaatiirta dayacaadda samaysay.

Madaxa kalkaaliyaasha caafimaadka ee dalka Ingiriiska Mr. Angela Thompson, ayaa isagoo geerida haweenaydan ka hadlayey waxa uu yidhi; “Arrinta ka dhacday cusbitaalka Quen Elizabeth II kuma faraxsanin, waxaanay ahayd inuu tijaabayo bukaanka daryeelkiisa caafimaad, waana arrin baadhitaan u baahan.”

Ibraahim Khadar Siciid
Warqaad.com

3 Responses to Haweenay Dhakhaatiirtu u Qoreen inay Toddobaad Cunto iyo Biyo La’aan ku Noolaato oo Geeriyootay

  1. Abdisamad says:

    Gaalada aqli malaha,

  2. M.wali says:

    Galada alle ha isku diro ayaga

  3. Maxamed yare says:

    Kkkkk
    wa arin cajib badan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII