Wararka naga soo gaaraya magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in isku day dil uu ka bad baaday gudoomiyaha Somaliland ee Magaaladda Laascaanood.
Sida ay Warqaad.com usheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Gudoomiyaha degmada Laascaanood Faarax Cabdi Yare xili uu kusugnaa gurigiisa.
“Weerarka waxaa uu ahaa qarax la doonayay in lagu dilo gudoomiyaha Laascaanood Faarax Cabdi Yare”ayuu sheegay Maxamed Cabdi Qaadir oo kamid ah dadka deegaanka.
Hal ruux ayaa dhaawac uu kasoo gaaray weerarkaas iyadoo ciidamada Somaliland ay wadaan howlgalo lagu baadi goobayo kooxdii weerarkaas ka danbaysay.
Dhanka kale Labo Ruux ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaaladda Laascaanood.
Mid kamid ah dadka ladilay ayaa ahaa nin katirsan Shaqaalaha Xarunta gobolka Sool ee Magaaladda Laascaanood.
Marxuumkaas ushaqeynayay Somaliland ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cawil Xasan waxaana dilkiisa ka danbeeyay dabley Bastoolad ku hubaysan.
Lama oga cida ka danbaysa falalkaas amaan xumada ah iyadoona waayadan xaaladda amaan ee magaaladda ay wanaagsanayd.
Warqaad.com
Xulka Wararka Oo Dhan
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
war dadka beenta ka daaya isagu isku day dil uu kama bad badbaadin ee waxa la dilay xisaabiyaha gobolka sool
Dhulbahante isaga un hays laayo malinba qolo shaah ha ushubto