Duqa Degmadda Bosaso Xasan Cabdalle Xasan ayaa xariga ka jaray labo waddo oo laami ah oo markii u horraysay 21 sanno kadib laga dhisay magaalada xeebeedka ganacsiga Puntland ee Bosaso, wadadooyinkaas oo oo dhererkoodu yahay 2.5 Km Waxaa ku baxay 200 boqol oo kun oo doollar.
Xaflad Ballaaran oo loo qabtay furida labada waddo oo ka dhacday hoolka dowladda hoose ee Bosaso, oo ay ka soo qaybgaleen maamulka gobolka, Kan degmadda, Isimo, Ganacsato iyo martisharaf kale ayaa lagu soo bandhigay Shirkadihii, ganacsatadii iyo shakhsiyaadkii ku tabarucay lacagtii lagu dhisay Wadooyinkaaas.
Ugu horrayn waxaa ka hadlay duqa degmadda Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo ka hadlayay waqbadka dowladda hoose ee Bosaso, waxaa uu yiri
“ Sanadkan waxaa la sameeyay afar Wado oo ka mid ah wadooyinka Magaaladda, Waxaa Laami la saaray labo wado oo kala ah Wadada Gaaca iyo qaybtii ka burbursanayd Wadadii Laamiga ahayd, Waxaa dayactir Lagu sameeyay Wadada 30ka oo 1.5 Km ah. Waxaan kaloo dayactir ku samaynay Wadada Buurcad ka baxda ilaa Kontoraalka oo Meelihii ay ka burbursanayd ee Ja jabka laga haggaajiyay. Waxaanu kaloo haggaajiyay oo furnay wadada Baalada oo ah 3km iyo 800 mitir” ayuu yiri Duqa Degmadda Bosaso, oo intaas sii raaciyay
“ Waxaa kaloo xusid muddan in Dowladda hoose ay dhirayn ku samaysay qaar ka mid ah Wadooyinka Magaaladda Bosaso, qayb kalena dhowaan aanu bilaabi doono, waxaanu dhisnay Labo Goobood oo waaweyn oo qashinka Lagu ururiyo, Waxaanu dayactir ku samaynay Garoonka Ciyaarayaha ee Magaaladda Bosaso, waxaanu biyo galin u samaynay Tuuladda Karin” ayuu yiri
Duqa degmadda Bosaso, waxaa kaloo uu sheegay in dhawaan la bilaabi doona dhismaha labo wado oo laami ah oo laga dhisayo wadooyinka mashquulka badan ee magaaladda Bosaso.
Guddoomiyaha Gudiga Horumarinta Degmadda Bosaso Gen Cali Ismaaciil oo guddigiisu inta badan lacagta lagu dhisay wadooyinkan ay ka soo ururiyeen ganacsatada oo hadal kooban ka jeediyay xafladii xariga looga jaray wadooyinka ayaa ka hadlay muhiimadda Kaabayaasha dhaqaaluhu u leeyihiin Nolosha iyo horumarka bulshadda iyo ganacsiga u kala goosha aduunyada
“ isu sheegi Mayno isgaarsiintu muhiimada ay u leedahay bulshadda xag dhaqaale iyo horumarinta Bulshadda, isku xirka Magaalooyinka, Isku xirka Dowladaha iyo isku xirka meelaha Badeecaduhu ka soo baxayaan iyo meelaha la gaarsiinayo waxay kaga jirtaa “ ayuu yiri oo sidoo kale ka taariikheeyay qaybtii Dowladihii Kacaanka ee Maxamed Siyaad barre ay ku lahayd Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka
“ Taariikh Ahaan waqtigii gumaysiga wado laami ah Somaliya kama jirin, kama hir galin aan ka ahayn wado uu ugu talo galay inuu dagaalkii Ethiopia ku galo 1930-kii, iskuna xirta Muqdisho iyo Baladweyne, mashruuc kale oo la sheegi karo oo uu Somalia ka hirgaliyay ma jirin, waxaa uu ka dhisay Xamar Kaniisad oo iyaduna ku burburtay Dagaaladii Somalia. Dowladihii Rayidka 60 ilaa 69 Awood darro dhaqaale iyo si kale ha ahaatee uma suurtagalin Tallaabo horukac in hore loo qaado, Dowladii burburtay ee Siyaad barre waxay Somaliya ka hirgalisay marka la isku daro 2500 oo km oo Laami ah oo isku xirka Goboladda Somalia laga eego” ayuu yiri
C/fitaaq Jaamaca Sugule oo ka tirsan Guddiga horumarinta Bosaso, oo faahfaahin ka bixiyay Lacagta ku baxday Dhismaha wadooyinka, ayaa sheegay in Lacagta inteeda badan guddigu ka soo ururiyeen Ganacsatada iyo shaqsiyaad ku sadqadaysaytay, waxaana uu si gaar ah u xusay shirkada Isgaarsiinta Golis oo uu sheegay inay bixisay lacagtii ugu badnayd ee shirkaddi ugu yaboohdo Mashruucan
“ Wadada Gaaca oo dhererkeedu yahay 1400 oo mitir, Lagana dhigay laami, Waxaa ku baxay lacag dhan $106,869.6 ( Boqol iyo Lix kun iyo Siddeed boqol oo dollar), Guddiga Horumarinta waxay bixiyeen Toddobaadkan Kun oo dollar, Dowladda Hoose ee Bosaso iyo Mashruuca JPLG waxay bixiyeen 37 kun oo dollar. Wadadii Hore Laamiga ee la dayactiray dhererkeedun yahay 1150 Mitir, waxaa ku baxay lacag dhan 102 kun oo dollar oo oo 54 kun oo dollar ay bixiyeen Ganacsatadu, Halka inta kale ay bixiyeen Mashruuca JPLG iyo Dowladda” ayuu yiri
Dowladda Hoose iyo Guddiga Horumarinta Bosaso waxaa kaloo sheegeen in Bisha Ramadaan ka dib ay u qorshaysan tahay bilaabida dhismaha wado dhererkeedu yahay 2400 mitir oo ay ku bixi doonto 160 kun oo dollar, Wadadaas oo laga hirgalin doonaan Wadada Netco.
Gees kale, Dowaldda Hoose ee Bosaso waxay shahaado sharafyo guddoonsiiysay Shirkadadaha Golis, Baxaya spare Barts, Mareero Spare Parts, Muwafaq/Horseed/Saabir iyo Shirkado kale oo bixiyay Lacagihii ugu badnaa ee mashruucan lagu hirgaliyay, Waxaa kaloo Dowladda hoose ay shahaadooyin ku sharaftay Guddiga Horumarinta Bosaso,
Masuuliyiinta kale ee ka hadashay Xaflada waxaa kamid ah Guddoomiye K/xigeenka gobolka Bari,Madaxa Xiriirka dadweynaha ee Shirkadda golis, Guddoomiye K/xigeenka Rugta Ganacsiga,
Si kastaba ha ahaatee, Mashruucan Laamiga laga dhigayo Wadooyinka Magaaladda Bosaso, waxa uu bilowday Sanadkii hore, Hase yeeshee fulintiisa waxaa la bilaabay Sanadkan 2012. iyadoo Dowaldda Hoose ee Bosaso iyo Guddigu Horuraminta Bosaso ay mahadnaq Ballaaran u jeediyeen Ganacsatadii ka qaybqaaday Mashruucan, iyo Shirkadda Dhismaha El-Gar oo fulinaysay Dhismaha Wadooyinka, waxay kaloo mahad naqeen Shaqsiyadkii isku howlay soo ururinta iyo fulinta Mashruucan.
mahiiga waa kamaar nmeen kuwaan sida shariifyo uguma tiiq tiiqsan karo mahiga iska ilaasha in tii asagu ini soogali lahaa
atam karaaca waa iga talo nin kaas jeerta aad moodo iska jira reer puntlanoow
Duqa bosaso xasan cabdale waxad tahay nin daacad ah runtii ado kale dalka hadu hogamin lahaa wadanku hormar ayu gari lahaa jazaka laahu khayran adiga iyo inta kula hawl gashayba guulaysta dhamantiin rer puntland
Wan ku farxay runtii boosaso wamagaladi aan ku barbaaray
Maxaa laga soo sawiraa meshaas saxaha ah war imada melaha fican
Maxaa laga soo sawiraa meshaas saxaraha ah war imada melaha fican
duqa degmada bosaso xasan cabdule runtii waxaad tahay nin dalkiisa iyo dadkii usoojeeda waxaana kuurajaynayaa guul
waxaana ugu boorinayaa ninna hakala tashan arimaha bosaso waa dalkaaga iyo ciidaada ee wax uqabo
oo siimagaalada xaqeeda laga helo dakadeeda waqtigii adiga haahoreeyey waxaa dhaqaalaha laga helo magaalada lasaarijiy laamiga dheer iyo jeebka dadka umagacaaban magaalada
guul insha allaah
xasan cabdale guulayso marwalba
bye rako raaxo
duqa bossasso wan so dhawaynayaa dhismaha wadooyinka magalada uu kawado lkn mesha uu yiri wadad natko ayan lami ka dhigayaa haka dayo oo lami hasaro wadada isku xirta garonka diyaradaha,dakada iyo madaxtoyada magalada wadadas magalada mel halbowla ah ayey kaga tala ma fahmin waxa u lami usari wadada natko,inkasto loo bahanyahay lkn hada ma ahan waxa ka horeya wadada xeebta dhinac marta
jecliya hormarka puntland
arbowe/arbayo ma bossassa katimid
masha allah hormarka bosaso waa alle mahadii
hormarka pl ka naxoow waad qariban tahay
Yes waa arin lo bahanyahy reer puntlanaw dadaala dadaala hor umar wad gaarysaane