Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo caawa fiidkii ka dhacay xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Magaaladda Nairobi.
Qaraxaas ayaa waxaa kasoo baxaya qaabka uu udhacay warar kala duwan, bilowgii qaraxa ayaa dad goob joogayaal ah waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa bambo lagu tuuray goob ay ka socotay muxaadaro lagu islaamiyo dadka Gaaladda Kenyanka ah.
Hal qof ayaa dhintay ku dhawaad 8 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxaas xoogan.
Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka Kenya oo uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Booliska Magaaladda Nairobi Antonio Kabuchi.
Ciidamada ayaa sameeyay howlgal xoogan oo ay ku baadi goobayeen koxodii weerarkaas ka danbaysay.
Waraysi kooban oo uu saxaafada siiyay Taliyaha Booliska Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruuxa dhintay.
“Waxaan wadnaa baaritaano xoogan, laakiin xogaha rasmiga ah ee aan helayno ayaa ah in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah ruuxa dhintay ayaana isqraxiyay’ayuu sheegay Taliyaha oo hadalkiisa raaciyay in dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaaladda.
Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ah iridka hore ee laga galo Garoonka diyaaradaha ciidamadda xooga dalka kenya kaas oo kuyaal Xaafada Islii.
Xaaladda Xaafadda Islii ayaa caaawa ah mid aad ukacsan waxaana soconaya howlgalo ay wadaan ciidamada Kenya.
Faah faahin kale dib kala soco Warqaad.com Insha Allah
Wa arin in lagu farxo mudan hanbalyo ayan leyahay musliminta oo dhan qas ahaan umad muslimka ah ee somaliyed guul
Al shabab ma ahan al shabab na meela ha dadka lagu islaaminaayo ma qarxiso taas na ku bishaareysta
Asc wankahumahay waxa lagusameyey muslamnta islli .qufki kadambeyey ficilkas jahanamo allah hakufugeyo amin! amin!! amin! !!amin!!
Asc ramadan karim wa gul iyo aarsi loogu aargudayo shacabka muslminta sa’imiinta eyduqeynayan har iyo haben weyna soconeysa insha allah inta gaal laga iyo gaalrac laga weynaayo wcs
waxaan kunoolahay nairobi islii waxaan koob joog ka ahaa qaraxii shale uma dhaween goobta muxaa darada laakin wuxuu u dawaa xerada melitirga ee loo yaqaano moi air force ee dadka u yaqaanaanan seliga una dhaxeeso section 3 and islii. ninka naftii halaagay wuxuu ahaa maadoow kaligii ayaa ku dhintay ee muxaadaragu uma dhaween
Allah wakbar in la qarxiyo galada waa allah mahadikii galada kenya haday dadken kugumaadayan diyaarado anagan waxan ku kumadi doonaa qaraxyo hal galo oo dhitay sharaf ayey no tahay gar ahan musliminta
waaaaaaaaaaaw booleeee saaaanaa walahi ad iyo ad ayaaan ogaa xuumahay shacabka kunool kenya ee wadan kodi bur bur owgi oga socarartay hadana in la qarxiyo war somali inaga le dhib iskukenayna walalayal yaqeey dadka shacabka aha an kadeyno qarxiinta waxa u wadan kenu ubur buraay o ila hada lahagagilayahay ee hadana ma dalkale o an marti kunahay ayaan isku leynayna walahi wa dhib
Gaalada alaha jibiyo
ARSENAL CADII MAHAAN.WAXA KALO UDHIMAN DAGALKI BADAR
Walaalaha soomaaliyeed ee kunagan soomaliya waxan u sheegaya in markii uu daco qarax nuucani aayba guul utahayba gaalada waayo wexey leeyihiin howlgal ayaan sameeyneyna, howlgalkaaniina waxa inta badan xabsiga lagu diga walaala ee aan wax aqoonsi ah heysanin haduu waxa daawacmayna uu somali noqdo,cid isbitaal geyneysa maleh marka qarax islii iyo wuqoibari kadacay wax lagufarxa ma ahin walaalyaal
inta wanaga garanaysa wa inta ka xumatay qarxas inta kalana e ku farax san qarxasi wa cadowga umad islamka ah e somaliyed e kunol magalada nairobi in dhibato lo gaysto waxan kamid ahay dadka kunol nairobi kumana farax sani qaraxas e ilahow naga qabo kuwa dhibkas gaystay iyo kuwa kor ugu hanbal yeynaya dhamantod
Shabaab hadhacdo! Ilahayna wax hafahansiyo
Asc aniga waxan joga magalada neirobi gob jog ayana u ahay qaraxa meshu kadhacay qaraxa kama dhicin meel lagu islaminayay gadala kenya ee wuxu kadhacay mel garo diyaraded ah o ay kadulan diyaradaha keyna ee lagu duqeya umada musliminta ah e somaliyed waxayna kutala mee layirahdo shan shan tari qaraxana waxa qarxiyay nin kenyan ah ona waliba kuwa loyaqana joqara o kolada dhuqa nasib wanag wuxu rabay inu gudaha ugala ee aqonis ayusan ulaheyn waxa layirahdo qarax asc
ilaaahay kuwaan shartooda islaamka haa kaqabto meelkato islaamka waxaa laga aaminay inuu yahay argagixiso gaar ahaan soomalida taasna waxaa noogu wacan kuwa sheeganaya islaanimada hadana diinteena suuban kabeen sheegaya nabigeena{nnkh}waligiis meel dad islaama kunool yihiin kuma duulin iskabadaa inuu qarxiyee fadln kadig toonow inaad naftaada halaagto waayo ruuu markuu naftiisa gooyo ama is qarxiyo ilaahay wuxuu kaxarimay janadiisa wuxuuna ugu bishaareeyay naar !!!!!!!!!