Ayadoo looga fadhiyo Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed inay soo Xulaan Xubnaha Baarlamanka Cusub ee Yaalanayo dalka Soomaaliya ayaa Waxaa Arintaasi aan Su’aalo ka waydiinay Afhayeenka Gudiga Farsamada Dr Cabdiwali Garbacune wuxuuna sheegay in dhawaan la Filayo inay Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed soo gudbiyaan Liiska xubnaha Barlamanka.
Wuxuu sheegay Xubnaha Cusub ee Baarlamanka soo socda in lagu soo Xuli Doono habka ay Somalidu Wayahan danbe wax u qayb sato ee 4.5 Isla markaana looga fadhiyo odayaasha Beelaha Somaaliyed inay keenaan Baarlaman Tayo leh.
Wuxuu sheegay Dr Garbacune in Shuruudaha lagu xirayo Qofka kami noqonaya Baarlamanka inuu yahay Qof Islaam ah Suni ah Xiskiisu dhamaystiranyahay oo waalnayn Da’diisu tahay 25 Jir ilaa 75 jir Haysta Shahaadada Dugsi Sare Iyo Wixi ka sareeya una Raacaan Waaya Aragnimo Dhanka Siyaasada ah isla markaana aan danbi ka galin Shacabka Soomaaliyed.
Dr ayaan wax ka waydiinay in Qofka Lagu Xirayo inuu san danbi Galin wuxuuna Sheegay in Qofka aan la oran karin Danbiila ilaa Maxkamad soo cadayso isagoona xusay in haatan aan la awoodin in baari taan dheer lagu sameeyo qofka sababtoo ah Dalka dhibaato Farabadan ayaa ka dhacday ayuu sheegay Dr Cabdiwali Garbacune Afhayeen Gudiga Farsamada.
Dhanka kale wuxuu Tibaaxay inay Kala hadleen Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed inay Ilaaliyaan Xuquuqda Haweenka Isla markaana aysan kasoo Tagin 100Kiiba 30ka ay haweenku ku yeelanayaan Xubnaha Baarlamanka Cusub sida ay Odayaashu horayba u balan qaadeen.
Wuxuu Tibaaxay in lagu Celin doono Form-ka odayaasha hadii laga waayo liiska haweenka ay ku yelanayaan Baarlamanka Cusub wuxuuna Tilmaamay in ay in badan kala hadleen odayaasha kana dharagsan yihiin Qaabkaasi.
Dr Cabdi Wali Xasan Xuseen “Garbacune” ayaa sheegay in waqtiga Loogu talagalay in lagu soo xareeyo Liiska Baarlamanka ay tahay 8da Bishan hadii ay suura gal noqon waydana Lagama maarmaan tahay in la siyaadiyo Waqtiga walow uu sheegay in horay loogu talagalay in liiska uu kusoo xaroodo 2bishan oo sababa jira iyo Isqab qabsi ka dhex taagan beelaha dhexdooda Dib ugu dhacay.
Sidoo kale ayuu sheegay inuu wali Dhisanyahay Gudigii Xalinta Khilaafaadka Beelaha oo ka kooban 25Xubnood kuwaasoo Xal ka gaari doona hadii beelaha qaarkood isku qabsadaan Xubnahooda.
Sikastaba Hadalkani ayaa Imaanaya Xili Magaalada Muqdisho lagu Soo Afjaray Ansixinta Dastuurka Cusub ee yaalanayo Dalka Soomaaliya waxaana Maalmaha soo socda la filayo in lasoo dhamaystiro Xubnaha kamid noqonaya Baarlamanka Cusub ee la filayo in uu dalku yeesho.
Axmednuur Maxamed
Muqdisho Somaliya