(Mogadishu, Somalia, Aug. 02, 2012) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta soo xiray shirkii ergada Ansixinta Dastuurka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho maalin kaddib markii ay ergadu ansixiyeen Dastuurka cusub ee waddanka Soomaaliya.
Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dad badan ay isku dayeen in ay hor istaagaan dastuurka hase yeeshee laga guuleystay. Isagoo sheegay in Dastuurkaan uu yahay midkii ugu wanaagsanaa dhinaca diinta Islaamka ee abid loo sameeyo waddanka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo R/wasaaraba waddanka C/wali Maxamed Cali oo ayaguna ka hadlay kulanka ayaa shacabka ugu hambalyeeyay Dastuurka ay anxiyeen ergada Soomaaliyeed, waxayna tilmaameen in tallaabadani ay xaqiijineyso in Soomaaliya ay ka gudubtay dhibaatadii muddada dheer heysatay.
Munaasabadda Xirirtaanka ayuu madaxweynuhu ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlay Dastuurka dalka, horumarka siyaasadda iyo ammaanka, isagoo sheegay in salka loo dhigay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana laga baxay Fowdo iyo dhibaato muddo dheer ay ku jireen shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhammaan dadkii iyo hay’adihii kaalinta ku lahaa hirgalinta howsha Dastuurka, oo ay ku jiraan Odayaasha dhaqanka, Ergada Ansixinta Dastuurka, Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka, guddiga khubaarada iyo dhammaan guddiyadii farsamo ee howsha wax ka soo qabtay.
Sidoo kale maxadweynuhu wuxuu xusay kaalintii ay Saxiixayaasha Roadmap-ku ku lahaayeen hirgalinta qodobbada looga gudbayo KMG oo uu Dastuurku ka mid yahay, isagoo xusay in Faalo la sameeyay uu Dastuurka cusub ee Soomaaliya uu ka mid noqday 25-ka dowladood oo uu dastuurkooda ugu wanaagsan caalamka
“Maanta waa maalin taariikhi ah waana maalin aan salka u dhignay dowladnimo” ayuu yiri madaxweynaha oo ku dheeraaday waaya aragnimada uu u leeyahay hoggaaminta dowlad KMG ah iyo Dastuurka ahmiyadda uu u leeyahay nolosha dadka, wuxuuna tilmaamay hadduusan dastuur jirin inaysan dowladi jirin. “Inaan qorono Dastuur fiican waa muhiim waxaase ka sii fiican inaan ku dhaqanno” ayuu sii raaciyay.
Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in Dastuurka cusub ay caalamku u sheegeen in ay ku bixiyeen 50 Milyan oo Doolar, Dowladda iyo guddiga madaxa bannaan ee Dastuurkuna aysan ka warheynin, taasna wuxuu sabab uga dhigay KMG, oo caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliyeed.
Dhinaca siyaasadda ayuu ka haadlay madaxweynuhu, isagoo odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay haweenka siiyaan xubnaha looga qoondeeyay Baarlamaanka, si dhaqse ahna ay u soo xulaan xildhibaanada si looga gudbo marxaladda KMG ah. Dhinaca ammaanka ayuu madaxweynuhu u hambalyeeyay ciidamada qalabka sida iyo AMISOM, isagoo dallacsiiyay askarigii shalay fashiliyay weerarkii shalay ee Al-Shabaab ku qaadeen xarunta uu shirku ka socday ee Gen. Kaahiye oo lagu magacaabo Xiddigle Cali Wakad.
“Cadowgii Soomaaliyeed waa jabeen, Shabaab iyo Al-qaacidda ayaana u dambeeyay, mana la sii arki doono Inshaa Allaah” ayuu yiri madaxweynaha oo tilmaamay in Soomaaliya ay diinta Islaamka soo gaartay muddo dheer ka hor aysan aqbali karina in dambiilayaal ajaanib ah iyo wiilal aan diinta baran ay dhiiggooda baneystaan.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bilado gudoonsiiyay Saraakiil iyo qaar ka tirsan Ergada ka qeyb gashay shirka Ansixinta, kuwaasoo Wasaarada dastuurka ay u garatay bilada, kaalintii ay ka qaateen Ansixinta dastuurka.
- Dhamaad –















Dastur ma,ahan wax,jir
Shacabka somaliyed waxan ushegi la.ha iney iskat dhafan tasi aya uwanagsan
Dastur wa wax xun
Oo laga yaq.yaqsado
Dasturka waa kutubka allaha (swt) sodajiyey e ma aha mid gaalada so dhodhobtay mana banana in la raco dasturka mahiga
dastur kulaha war mesha haku dhamanina masomayalyahaw xun xunka ah
Asxabey dastuurkan wa wax jiro waxana mareyna malinki ogu ficna e uu dalkenu noo dhismi lahaa waxan jogna waqtigi ogu ficna e an kabixi laheyn bahida iyo gajada waayo dalkena waxa kudugan qeyrad farabadan fadalan waxaan idinkacodsaneyna hadaan lugta qaadney e inoo daya an kacakufne an dhaqaaqne inan lugalenahay an firine waligey man arkin som o nbd ah Allow adaa dalkena iyo dadkena umaqane dalkena nbd dadkenana so hanuni wadada toosana ada garanaye somaliyey waxan ahay yar wadani ah o jcl inu dalkoda dhismo fadlan ino kaiya intaan kor uqaadeyno calankena sharaftisa iyo suncadiisa
To day is Big day becouse oll my people is happe so I say DkG I hoppe guul somalia
Aduunkani waa sidan, ilaa iyo hadda waan rumeysan la’yahey ninka dastuur galeed udoodaya shariif inuu yahey.
Dastuur gaal donimeyno waxan doneynaa in lanala xukumo dastuur kamid ah dinteyna islamka
Waxan baaq udireynaa dowlada ugu yeran dowlada kumelgarka oo dhamaniyen dulanki mujahidinka sharif waxankuleyahay waxaad sogali don taa gacanta mujahidinta waadna ka shaleyn dontaa tii adiga ktgugu dhcdo