Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ahlusunna oo Soo Dhawaysay Ansixinta Dastuurka Cusub ee Somaliya

Gudomiyaha Ahlusunna ee Gobolada Konfureed Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax  ayaa manta si weyn u soo dhaweyay Ansixinta Dastuurka KMG ah  ee Somalia.
 
Gudomiyaha oo asagu ku sugan Magaalada  Muqdisho u waramayay  mid ka mid ah Idacadaha Muqdisho ayaa waaxa u shegay in manta ay tahay malin Taarikhi ah Ummada Somaliyeedna ay yeelatay Dastuur kala xadeeya.
 Gudomiyaha ayaa waxaa uu shegay wixi manta ka danbeya ay somalia tahay  Dowlad buuxda oo si rasmi ah ula xisaabtami karta calamka  waxa una amaan u soo jediyay Ergada Ansixinta Dastuurka kmg ah ee Somalia .
Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo asgu ka mid ah Saxiixeyaasha Roadmapka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in 6da Saxiixeyaasha Roadmapka ay howl culus u galeen in ay  fuliyaan qorshaha Roadmapka hadana u meel wanagsan u marayo.
“Run ahaanti Saxiixeyaasha Roadmapka waxaay waqti badan iyo daadaal dheeri ah galiyeen in ay fuliyaan qorshihi horyaalay ee ahaa in wadankeena anu ka bixino kmg nimada oo aan u gudbino heer Dowlad buuxda oo heshiiyo gali karta lalana gali karo taasina waxaay ku xirnayd in la ansixiyo Dastuurka qabyo qoraalka Somalia .
“Dastuurkan go,ankisa waxaa uu ku jira gacanta Somaliyeed hada waxaa lo ansixiyay si kmg ah  barlamanka somalia ayana ka saaridoona  wiixi aan ku haboneyn diinta iyo dhaqanka Somaliyeed waxaana si buuxda logu ansixindoona afti laga qaado guud ahaan shacabaka Somaliyeed ayu yiri sh. Maxamad Aw-libaax.
Gudomiyaha ayaa waxaa uu shegay in Dorashada Madaxweynenimo ee Somalia ay dhicidoonto waqtigi logu talagalay ka hor  howsha na hortaala waa in Odayaasha dhaqanka ay so gudbiyaan 275 Xildhibaan ka dib Xildhibanadaasi ay si dag dag ah ku kulmaan oo ay dortaan Gudomiye iyo labadiisa ku xigeen kadib  waxaa la suga waa Doorasha Madaxweynaha oo xildhibanadu  u codeyn doonan qofka  ay u gartaan ayu yiri Hogaamiyaha Ahlusunna Gobolada Konfureed Sh. Aw-libaax.
Mar uu gudomiyaha  ka hadlayay kalinta  beesha calamka iyo xal u helida mushkiladaha somalia ayaa waxaa uu yiri.
“Beesha Calamka  manta ayada aya u bahan in Somalia ay yeelato dowlad adag oo damanad qaada xuduudaha Somalia islamarkana la dagalanta argagixisada iyo burcad badeeda sababtana waxaa weye  dhibaatoyinka ay Shabaab iyo Burcadbadeed nagu hayaan waxaa ka badan kuwa ay  calamka ku hayaan  marka Calamka waxaa ka go,an in Somalia lagu garab galo in ay dhistaan dowlad buuxda oo adag.
Ummada Somaliyeed waxaan ugu baqaya in Fursadan laga faideysto oo odayaasha dhaqanka ay soo xullan dad karti leh oo ka bixi kara xilka weyn ee lo dhibaayo si qof kaasi uu qayb uga noqdo samatabixinta  ummada somaliyeed”ayu yiri Sh.Aw-libaax
————————
Maxamed Cabdilahi Muuse
Warbaahinta@aol.com

One Response to Ahlusunna oo Soo Dhawaysay Ansixinta Dastuurka Cusub ee Somaliya

  1. farxaan says:

    Shekha khayr alaha siiyo waaa culimadii dalka u baahnaa waana culimadayne

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII