Gabadhan oo lagu magacaabo Voula Papachristou una dhalatay wadanka Greece ayaa waxaa laga saaray gabi ahaanba tartanka Caalamiga ah ee ka socda magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska.
Voula Papachristou oo ah Gabar 23 jir dalka Greece[Giriiga] u mataleeysay Ciyaaraha Olombikada qeybta Boodada Dhexe ayaa waxaa laga saaray liiska Ciyaartooyda Gabdhaha ee Boodada Dhexe, iyadoo arinkaasina ay lama filaan ku noqotay gabadha.
Guddiga Olombikada adduunka gaar ahaan Girigiiga ayaa waxa ay sheegeen in Voula Papachristou ay Boggeeda Twitterka ku qortay hadalo cunsurnimo ah oo dhaawac weyn u geystay in ay kasii mid ahaato Tartamayaasha.
Guddiga Olombikada wadanka Giriiga ayaa dhanka kale waxa uu kuson eedeeyay Voula Papachristou in Bogga Twitterkeeda ay kusoo daaabacday hadalo aan loo baahneen oo ku saabsan siyaasada Greece.
Ciyaaryahannada 23 jirka ee Voula Papachristou oo ka hadashay sida ay u aragto in laga saaro tartanka Olombikada adduunka qeybta boodada dhexe ayaa waxa ay tiri” Wax iga dhaadhacsan wali ma’aha”.
Gabadhani ayaa Boggeeda Twitterka lagu arkay raalh galin ay ka bixineeyso hadalada cunsurnimada ah oo ay qortay, waxaana arintani la fajacay Macalinka iyo Qoyska Miss Voula Papachristou.
Ugu dambeyntiina in Guddiga Olombikada Greece ay Voula ka saaraan tartanka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli isbuucan gudihiisa isna Ciyaaryahan K/afrikan ah looga saaray tartanka daroogo uu isticmaalay awadeed.
Warqaad.com-London Office