Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay ku dhawaatay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo ciidamada sida la sheegay ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan meel aan sidaa ugu dhoween.
Wararka ka imaanaya duleedka Qaliimow ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanayya dabaabaadka Askarta Midowga Afrika ee AMISOM ay wadaan xarakaadyadii ugu dambeeyay ee Jowhar lagula wareegayo.
Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada ay aad ugu dhow yihiin Magaalada Jowhar, islamarkaana isla maanta ay dhici karto inay gudaha u galaan.
Gudoomiyaha degmada Balcad ee dowladda KMG Cusmaan Maxamed Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in ciidamada isgabsanaaya ay degmada Jowhar u jiraan meel qiyaasti u jirta 15 kilo Mitir, inkastoo dhaqdhaqaaqyada jira aan la saadaalin karin.
Gudoomiyaha Balcad waxa uu kaloo hoosta ka xariiqay in degmada Jowhar ay isaga carareen Al Shabaabkii ku sugnaa, isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in ciidamada ay ka go’an tahay qabsashada Jowhar.
Ugu dambeyntiina qof ku sugan bartamaha Jowhar ayaa waxa uu inoo sheegay in Xaalad cabsi iyo walbahaar ay Shacabka qabaan ay jirto, iyadoo inaloo xaqiijiyay in tiro Shabaab ka tirsan oo aan sidaa u badneen ay wali ku sugan yihiin Jowharta la qabsan rabo.
Warqaad.com-Muqdisho Office
asc dhaman sln kadib walalyal galad ale ha naga qabto amin dusturkana waa saracada islamka
Beenaale
Halaag alla ha idinku rido in sha allah
Warqaad in aad dhax dhaxad noqotaan ayaa i diin fican aniga ayaa jowhar joogo wax dhaq dhaqa ah oo jiro ma jiran cadawga alle mana i man karaa kufarta amisom iyo murtadinta ma ku dhacan in aya qabsada jowhar
Waligeyba waxaan maqli jiray warqaad waa been ley waana run taas maxaa yeelay aniga ayaaba qalimoow jooga jowharna maanta ka soo baxay wax layiraahdo dowlad iyo amisom kuma arak shabab kii ugu badnaana waa joogaa
A s c walaala yaal annaga ma baxin wa Allh mana baxeno gaal iyo murtad dhiigoda isku dar somin oo wubiga bux dhafinin dhigoda
Waa guul
Webkan waxaa leh gaalo wuxuu u adeegaa gaalo haguu yaalaa webkan wuxuu ku yaal mareyka waa kufaar lacnada alle hak rido alle xakiis wax uma jiraan
ciyaalka khawaarijta daba dhilifka u ah mar walba oo ay arkaan ama ay maqlaan in khawaarijta magaalo hebel waa sifiiyay waxay afka la soo taagtaan anigaa joogo iyo anigaa hada ka soo tagay. War idinka jooga ama khawaaritiina ha joogto waxan idin sheegaya inuu dhamaaday film kii ka been sheegida diinta islaamka insha allah mar dhowna umada soomaaliyeed ee jecel nabada waxay maqli doonaan war ay ku farxaan INSHA ALLAAH
Guul ciidamada xooga dalka soomaaliyed
Waa beentaas ramadan aya lagu jiraa jowharne waxa heysto islaamka i mean al shapap gaalane duli alaha ku rido hadii ay so haweystaan jowhar walaalaha mujaahidiintane waxan u rajeynaa guul maa daama lagu jiro pil parakeysan alahu akbar alahu akbar wal cizatu lil mujaahidiin in sha alah
Kkkkkkkkshabaabkaan maqal mabaxeeyno kulahaa balcad markii ay kacararayeen xagey joogeen jowharna waa sidoo kale aniga jowhar waxaa degan walaalahey waana kaqaxeen ana hada waxaan kusuganahay meel aan sidaa uga fogeyn qawaarijna waa burin doonaa in sha alaah
Kkkkk looool hadana looool marka xigtana kiiiiik waryara qayali ayad mesha ku haysan war filinkii arjantiga ha wa dhamaday e wax isku fala hadii filinku uu atoruhu ka dhinto filinku wa dhamaday ee ogada o dantina quma shabaab kale mooye kanu galbay