Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxa Kataqanaa Tariikh Nolodeedka Saxaabiga Khaalid Binu Zeyd Binu Kuleyb.

 


الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه

Saxabigan sharafta badan ee aan sheekadiisa qaadanayno magaciisa
waxaa la yiraahdaa Khaalid Binu Zeyd Binu Kuleyb, wuxuu ka dhashay
qabiilka reer Banii Najjaar. Kunyadiisu (carabta qofka ay sharfayso
ayaa waxay ugu yeeri jirtay magaca wiilkiisa curadka ah, waana dhaqan
carbeed) waa Abuu Ayuub Al-Ansaari oo ah Ayuub aabihiis, waxaana loogu
abtiriyaa Ansaarta.

Haddaynu nahay bahweynta muslimiinta, waa kuma qofka aanan aqoonin
saxaabiga Abuu Ayuub Al-Ansaari?!. Wuxuu Eebbe (sw) magaciisa ku
koryeelay dunida bariga iyo galbeedkiisa, wuxuu Ilaah dadka ka
sareysiiyay kolkii uu gurigiisa ka doortay guryaha muslimiinta si uu u
dego Nebigii (scw) sharafta badnaa, kadib markii uu yimid magaallada
Madiina isagoo muhaajir ah, dhab ahaantiina taas ayaa Abuu Ayuub
Al-Ansaari ugu filan sharaf iyo wanaag.

Degitaanka uu Nebiga (scw) soo degay guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa
waxaa ku jirta sheeko aan laga xiiso dhigaynin soo noq-noqashadeeda.
Sababtuna waa iyadoo markii uu Nebiga (scw) yimid magaallada Madiina,
ayaa waxaa Nebiga (scw) soo dhoweeyay dadkii degganaa Madiina dhoweyn
iyo maamuusid tii ugu sharfta badanayd. Waxay Rasuulka (scw) ku eegeen
indho kalgacalo iyo naxariis, iyadoo ay ku faraxsan yihiin imaanshaha
Rasuulka. Sidoo kale waxay u fureen laabtooda si kash iyo laab ah,
iyagoo albaabaha guryahoodiina ay ballaqeen oo ay u fureen Rasuulka
(scw) si uu Xabiibka (scw) ugu dego isagoo la sharfay.
Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu ku hakaday xaafadda la yiraahdo
Qubaa oo ku tiillay hareeraha magaallada Madiina, wuxuuna halkaa ku
negaaday 4 maalmood, isagoo dhisayna Masjidkii ugu horeeyay ee lagu
dhiso Islaamka. Intaa dabadeed, wuxuu Rasuulka baxay isagoo saaran
hashiisa, waxaa waddadii magaallada Madiina istaagay madaxdii iyo
odayadii magaallada Madiina, iyagoo mid kasta uu doonayo inuu ku
guuleysto sharafta degista Rasuulka (scw) uu ku degayo gurigiisa.
Odayadaa waxay midba midka kale uu u hormari jiray hasha, waxayna
Rasuulka (scw) ku oranayeen markaas: ”Rasuulka Alloow annaga agtayada
soo dega, waxaana na weheliya tiro dad ah, hub iyo dagaalyahanno kaa
difaaca qofkii xumaan kula maaga”. Rasuulka (scw) ayaa wuxuu dadkii ku
oranayay: ” hashan faraha ka qaada, maxaa yeelay waxay ku socotaa amar
xagga Rabbi (sw) kaga yimid”
Waxay ahayd hashu tii iska socota, iyadoo weliba ay raacayso indhaha
dadka. Haddey hashu gudubto guri waxaa murugoonayay dadkii degganaa
gurigaas oo waxaa ku dhacayay quus, halka farxad iyo yiddiddiilo weyn
ay gelinaysay kuwa iyaga aynan weli hasha gudbin guryahooda. Waxay
socoto hashii, dadkiina ay daba guurayaan oo ay daba socdaan iyagoo
kalgacalo la huraya ogaanta ninka nasiibka badan ee ay gurigiisa ag
fariisan doonto hasha, ayaa waxay markii danbe hashii soo gaartay meel
bannaan oo ku aaddan guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeey
hashiina fariisatay. Hase yeeshee Rasuulka (scw) weli kama uusan degin
hasha. Wax yar maba aynan sii fadhinin hashii, jeer ay haddana boodday
oo istaagtay oo socotay, Rasuulkana (scw) uu u raariciyay
hoggaankeeda.

Haddana, waxyar kadib hashii way soo laabatay oo waxay
fariisatay meeshii ay hore u fariisatay. Markay arrintu halkaas
mareyso, ayaa waxaa farxad weyn buuxisay laabtii Abuu Ayuub
Al-Ansaari, wuxuuna u deg degay xagga Rasuulka (scw) isagoo soo
dhoweynaya. Alaabtii Rasuulka (scw) ayuu qaaday isagoo uu horsocdo
Rasuulka, isagoo la moodo inuu sido waxa keyd hanti ah ee dunida yaala
oo dhan.

Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yimid gurigiisa,
iyadoo uu la socdo Rasuulka (scw).

Guriga Abuu Ayuub wuxuu ka koobnaa labo dabaqadood, mid hoose iyo mid
sare. Dabaqii sare ayaa wuxuu ka soo faaruqiyay alaabihii ku jiray, si
uu u dejiyo Rasuulka (scw) iyo reerkiisa. Hase ahaatee, Rasuulka (scw)
wuxuu jeclaystay inuu dego dabaqa hoose ee guriga, Abuu Ayuub-na wuxuu
u hoggaansamay rabitaankii Rasuulka (scw) oo wuxuu dejiyay meeshii uu
jeclaystay. Habeenkii markii la gaaray, Rasuulka (scw) uuna seexday,
Abuu Ayuub iyo afadiisana ay koreen dabaqii sare ee guriga ayna
albaabkooda soo xirteen ayaa Abuu Ayuub soo jaleecay afadiisa isagoo
ku leh: ”inkaar qabto maxaynu sameynay?! Ma Rasuulka (scw) ayaa
noqonaya kii naga hooseeya, innaguna aynu noqono kuwo ka sarreeya?! Ma
waxaynu dul soconaynaa Rasuulka (scw) dushiisa?! Ma waxaynu u
dhaxeynaynaa waxyiga iyo Nebiga (scw)?! Haddeynu sidaas sameyno waynu
halaagsamaynaa”. Abuu Ayuub iyo xaaskiisa way qoomameeyeen, iyagoo
aynan garanaynin waxa ay sameyn doonaan.

Naftoodii waxa ay xoogaa yar ku xasishay kolkii ay u bateen koonaha
qolka ay ku jireen, kaasoo aanan ku beegnayn Rasuulka (scw) dushiisa.
Meeshii ayeey isaga jireen iyagoo iska ilaalinaya markasta inay
socdaan meesha dhexda ah.

Subixii markii la gaaray wuxuu Abuu Ayuub ku yiri Rasuulka (scw):
”labo indhood isuma aynan geynin xaleey anniga iyo Ummu Ayuub-ba”.
Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay sababta ay arrintaas ku timid, wuxuuna
Abuu Ayuub ugu jawaabay: ”waxaan soo xasuustay inaan saaranahay qol
aad adiga naga hoosaysid, waxaan kaloo xasuustay haddii aan
dhaqdhaqaaqo in boorku kugu soo daadanayo, oo aan markaas ku dhibo,
dhinaca kale waxaan kala dhex galay adiga iyo waxyiga”. Rasuulka (scw)
ayaa yiri: ”naftaada u tur Abuu Ayuubow, innaga waxaa noo sahlan xagga
hoose, dadka badan ee na soo booqanaya awgood”.

Abuu Ayuub wuxuu yiri, waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw)
jeer laga soo gaaro habeen qaboow. Waxaa jabtay ashuun aynu lahayn,
dabadeedna biyihii ku jiray ayaa qolkii sare ku daatay. Anniga iyo
xaaskayga waxaan u istaagnay sidii aan u qallajin lahayn biyaha, mana
aanan haysan habeenkaas wax aan ka ahayn katiifad yar oo noo ahayd
buste oo kale. Katiifaddii yareyd ayaa waxaan bilownay inaan biyihii
ku qallajino, si biyihii aynan u gaarin Rasuulka (scw), sidaasna
ayeynaan habeenkaana u seexan.

Abuu Ayuub wuxuu yiri, markii uu waagii
baryay ayaa waxaan ku soo kallahay Rasuulka (scw), waxaana ku iri,
Aabahay iyo hooyaday lagugu furaye Rasuulkii Allow waan dhibsaday
inaan saarnaado dabaqa sare, adiguna aad degganaato xagga hoose, intaa
dabadeed waxaan uga sheekeeyay sheekadii ashuunkii jabay xaleey,
Rasuulka (scw) wuu iga aqbalay codsigaygii wuxuuna u soo guuray
dabaqii sare, anniga iyo Ummu Ayuub-na waxaan u soo guurnay dabaqii
hoose.

Rasuulka (scw) wuxuu degganaa gurigii Abuu Ayuub Al-Ansaari muddo ku
dhow toddobo billood, jeer laga dhammeystiro masjidkii Nebiga,
meeshaasoo ay ahayd meeshii markii hore ay fariisatay hasha. Qolalkii
masjidka uu lahaa ayuu Rasuulka (scw) u guuray isaga iyo
xaasaskiisaba.

Abuu Ayuub iyo xaaskiisuba waxay jaar la noqdeen
Rasuulka (scw). Labo deris noqdo ku wanaag badanaa Abuu Ayuub iyo
Rasuulka (scw). Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu
Rasuulka (scw) jeclaaday jaceyl hantay qalbigiisa iyo dhuuxiisaba,
dhinaca kale Rasuulka (scw) ayaa isna jeclaaday Abuu Ayuub, wuxuuna
marka uu guriga Abuu Ayuub yimaado uu Rasuulka (scw) u dhaqmi jiray
sida gurigiisa oo kale.

Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa sheekeeyay isagoo leh: waxaa goor duhur
ah masjidka soo aaday Abuu Bakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee,
waxaa arkay Cumar Binu Khadaab, wuxuuna ku yiri ”Abuubakarow saacaddan
maxaa ku soo bixiyay?!”.

Abuubakar ayaa yiri, gaajo daran oo i haysa waxaan ka ahayn ima soo
saarin. Cumar ayaa misna yiri, annigana Ilaah ayaan ku dhaartaye gaajo
daran waxaan ka ahayn ima soo saarin. Goor ay Abuubakar iyo Cumar ay
isla taagan yihiin ayaa waxaa ku soo baxay Rasuulka (scw) wuxuuna
weydiiyay waxa soo saaray saacaddan iyada ah, waxayna yiraahdeen:
”wallaahi ayaan ku dhaaranaye, nama soo bixin aan ka ahayn gaajo daran
oo na haysa awgeed” Nebiga (scw) ayaa wuxuu yiri ”annigana -waxaan ku
dhaaranayaa Allaha ay naftayda labadiisa gacmood ay ku jirto– inaynan
i soo saarin waxaan gaajadaas ahayn, ee i soo raaca”.

Marti gelintii iyo maamuuskii Abuu Ayuub ee Rasuulka (scw), Abuubakar
iyo Cumar-ba

Rasuulka (scw) oo ay weheliyaan Abuubakar iyo Cumar ayaa waxay
yimaadeen albaabkii guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna Abuu Ayuub
maalin kasta Rasuulka ugu talo geli jiray cunto, haddii uu soo daaho
Rasuulka oo uusan cuntadii u iman, wuxuu cuntadii Abuu Ayuub siin
jiray reerkiisa. Markay soo gaareen albaabkii Abuu Ayuub ayaa waxaa
iridka ka furtay xaaskii Abuu Ayuub, iyadoo leh ”Nebigii Ilaah iyo
inta la socotaba ha soo dhowaadeen”. Rasuulka (scw) wuxuu Ummu Ayuub
weydiiyay inuu joogo Abuu Ayuub, durbadiiba codkii Nebiga waxaa maqlay
Abuu Ayuub oo waqtigaas ka shaqeynayay beer timireed uu lahaa, kuna
tiillay meel gurigiisa u dhow.

Isla markiiba intuu soo qaabilay Rasuulka (scw) isagoo leh: ”Rasuulka Alle iyo inta la socotaba ha soo
dhowaadeen” Wuxuuna intaa raaciyay ”Nebigii Alloow waqtigan ma ahan
waqtigii aad iman jirtay”. Rasuulka (scw) wuxuu yiri ”waa runtaa”,
dabadeedna Abuu Ayuub wuxuu u kacay beertiisa isagoo soo gooyay rucub
timir ah oo weliba bislaatay. Nebiga (scw) ayaa ku yiri, ma aanan
jeclayn inaad laantoo dhami goyso, maad noo soo gurtid oo kaliya
timirta. Abuu Ayuub wuxuu yiri, Rasuulkii Allow waxaan jeclaystay
inaad rucubta ka goysatid timirtiisa, hoobaantiisa iyo
yacyacoodkiisaba, intaasoo kaliya maahee, waxna waan idiin gowracayaa.
Rasuulka (scw) wuxuu yiri: ”haddaad neef gowracaysid ha gowracin neef
irmaan”.

Wuxuu Abuu Ayuub soo saaray neef orgi ah, wuuna gowracay, wuxuuna
xaaskiisa ku yiri, intaad cajiinta qastid waxaad noo karisaa kibis
muufo ah, adigaana ku fiican dubista muufada. Abuu Ayuub wuxuu qaaday
jeex ka mid ah neefkii orgiga agaa, markaasuu kariyay, jeexii soo
harayna wuu soley. Raashinkii markii uu bislaaday, lana soo hordhigay
Rasuulka (scw) hortiisa isaga iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo
Cumar), ayaa wuxuu Rasuulka (scw) qaaday cad ka mid ah hilibkii, ka
dibna wuxuu cadkii geliyay kibistii ama muufadii dabadeedna wuxuu Abuu
Ayuub ku yiri, intan waxaad ula deg degtaa gabadhii yareyd ee aan
dhalay ahaydna Fadumo, maxaa yeelay ma aynan dhadhamin/cunin cadkan oo
kale muddo hadda dhowr maalmood laga joogo.

Rasuulka (scw), Abuubakar iyo Cumar markii ay cuneen raashinkii ayna
dhargeen, ayaa wuxuu Nebiga (scw) yiri: ”muufo, hilib, timir,
yacyacood iyo hoobaan!!” ilmo ayaa ka soo daadatay, kadibna wuxuu
yiri: ”Allaha naftayda ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxaan
(nimcadan) waa nimcada xaggiisa la idinka weydiinayo maalinta
qiyaamada, ee haddaad heshaan nimcadan oo kale oo aad gacmaha la
gashaan waxaad tiraahdaan Bismillaahi (magaca Alle ayaan ku billaabay),

markaad dheregtaana waxaad tiraahdaan Al-xamdulillaah
(mahad oo idil Alle ayeey u sugnaatay) Allihii na dhargiyay ee
nimcadiisa nagu galladaystay, intaa kadib Rasuulka (scw) wuu kacay,
wuxuuna Abuu Ayuub Al-Ansaari ku yiri noo kaalay berito. Waxaa
Rasuulka (scw) dabeecad u ahayd oo uu jeclaa in qofkii ixsaan u fala
inuu wanaag ugu abaalgudo. Abuu Ayuub ma uusan maqlin hadalkii
Rasuulka (csw), hase ahaatee Cumar Binu Khadaab ayaa ku yiri: ”Abuu
Ayuubow wuxuu Rasuulka (scw) ku farayaa inaad u timaadid berito”. Abuu
Ayuub Al-Ansaari ayaa Rasuulka (scw) ku yiri: ”maqlay oo aqbalay
Rasuulkii Allow”.

Rasuulka (scw) oo Abuu Ayuub guddoonsiiyay abaal gud

Maalintii danbe markii la gaaray, wuxuu Abuu Ayuub Al-Ansaari aaday
gurigii Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) abaalgud ahaan Abuu
Ayuub u siiyay gabar yar oo Rasuulka shaqaale u ahayd, wuxuuna kula
dardaarmay inuu u wanaag falo, wuxuuna ku yiri: ”Abuu Ayuubow gabadhan
wanaag kula dhaqan, maxaa yeelay intii ay nala joogtay kuma aanan arag
wax aan kheyr ahayn”. Abuu Ayuub wuxuu u laabtay gurigiisa, isagoo ay
la socotana gabadhii shaqaalaha ahayd, kolkii ay aragtay afadii Abuu
Ayuub Al-Ansaari waxay Abuu Ayuub weydiisay: ”gabadhan yey shaqaale u tahay?!

Abuu Ayuub wuxuu yiri annaga ayeey noo khidmaynaysaa..,
waxaana na siiyay Rasuulka (scw). Ummu Ayuub oo ahayd afadii Abuu
Ayuub ayaa iyadoo faraxsan waxay tiri: ”ku sharaf badanaa mid wax
bixiya (waa Nebiga (scw), ku sharaf badanaa wax la isa siiyo (waa
gabadha)”. Abuu Ayuub wuxuu xaaskiisii ku yiri, laakiin wuxuu Rasuulka
(scw) inoo dardaarmay inaan wanaag kula dhaqano. Ummu Ayuub ayaa tiri,
sideen gabadha ugu ixsaan fali karnaa si aan ka fulino dardaarankii
Rasuulka (scw)?.

Wuxuu Abuu Ayuub yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye ma arko wax uga
kheyr badan fulinta dardaarankii Rasuulka (scw) aan ka ahayn inaan
gabadha xoreyno. Ummu Ayuub ayaa tiri: ”waxaa lagu waafajiyay sidii
toosnayd, waxaadna tahay mid xaqa la waafajiyay”, sidiina ayuu Ayuub
gabadha ku xoreeyay.

Weligii kama uusan harin duulimaadyada jihaadka

Waxaan soo qaadanay qaybtii nabadeed ee nolosha Abuu Ayuub Al-Ansaari,
haddii aad xoogaa yar milicsatid inaad is-dul-istaagtid qaar ka mid ah
noloshii Abuu Ayuub ee dhinaca dagaalka waxaa hubaal ah inaad arkaysid
wax lala yaabo. Abuu Ayuub Al-Ansaari noloshiisa oo dhan wuxuu ku
jiray duulimaad dagaal, jeer lagaba yiraahdo: ”weligii kama uusan
harin duulimaad ay muslimiinta qaadeen laga soo billaabo xilligii
Rasuulka (scw) uu noolaa ilaa laga gaaro xilligii Mucaawiya,

illaa inuu duulimaad kale kaga mashquulo mooyaane”. Duulimaadyadiisii ugu
danbeeye waxay ahayd kolkii uu Mucaawiye diyaariyay ciidankii uu
hoggaaminayay wiilkiisii la oran jiray Yaziid, si loo furto magaallada
Qisdandiiniya (waa magaallada hadda la yiraahdo Istanbuul), waqtigaas
iyada ahna Abuu Ayuub wuxuu ahaa oday waayeel ah oo da’diisu ay wax
yar u jirto siddeetan jir (80), sidaas oo ay tahay waayeelnimadkiisa
kama uusan reebin inuu ku biiro ciidanka uu hoggaaminayay Yaziid, iyo
inuu dhex jeexo hirarka badda isagoo Alle dartii u duulaya.

Hase ahaatee wax yar kadib maba uusan u sii dhaqaaqin dhinacii
cadoowga jeer uu ka xanuunsado Abuu Ayuub Al-Ansaari bukaankii uu la
dhiman lahaa, waxaana isagoo booqanaya u yimid Yaziid oo ahaa
hoggaamiyihii dagaalka, wuxuuna ku yiri: ”ma jiraan wax aad u baahan
tahay oo aynu kuu fulino?

Abuu Ayuub ayaa yiri, marka hore waxaad
igu salaantaa ciidamada muslimiinta, waxaadna ku tiraahdaa: ”Abuu
Ayuub wuxuu idiin dardaarmayaa inaad gudaha u sii gashaan cadoowga
dhulkiisa jeer aad ka gaartaan yoolka aad tiigsanaysaan meesha ugu
fog, sidoo kale wuxuu Abuu Ayuub idiin dardaarmayaa inaad xanbaartaan
oo uu idin raaco iyo inaad ku aastaan gommodyadiina hoostooda oo ah
deyrka ama derbiga meesha la yiraahdo Qusdandiiniya, neeftii ugu
danbeysayna ayaa ka soo baxday.

Ciidamadii muslimiinta waxay yeeleen wixii uu jeclaa saaxiibkii
Rasuulka (scw), waxay dagaalamaan oo ay ciidankii hadba rogaal
celiyaan ilaa ay markii danbe ka gaareen magaalladii Qusdhandhiiniya
deyrkeedii, weliba iyagoo sida oo wada Allaha ka raalli noqdee Abuu
Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeeyna u qodeen qabri, dabadeedna ku aaseen
qabriga.

In la furanayo magaallooyinka Qusdandiiniya iyo Roma waxaa sii sheegay
Nebiga (scw), furashada magaallada Qusdandiiniya waa la arkay oo
waxaaba furay halyeeygii geesiga ahaa ee Muxammad Al-Faatix Allaha u
naxariistee, waxa haray waa furashada Roma, iyadana waa tii la furto
idinka Alle.

Ilaah ha u naxariisto Abuu Ayuub Al-Ansaari, maxaa yeelay wuxuu diiday
illaa inuu ku dhinto fardaha dheereeya ee qiimaha badan dushooda
isagoo u duulaya jidka Alle, waxayna maalintaas da’diisa ku dhoweyd 80
sano

 

W/D: Mohamed Muhuyadiin

muhuyadiin@gmail.com

18 Responses to Maxa Kataqanaa Tariikh Nolodeedka Saxaabiga Khaalid Binu Zeyd Binu Kuleyb.

  1. Sharmaake says:

    Maasha.allah allah raxmadiisa ku hooboto amiin amiiin meshu marayna allaha namarsiyo

  2. A/kadar says:

    Allaha unaxaristo asaga iyo inti kudayatayba Amin Amin

  3. anigoo ah qafaal says:

    khayr fara badan allaha ka siyo qofkii noo soo diyariyay qisadan cajibka badan

  4. Axmed says:

    Masha alaah warqaad waadku mahasantihin markasta soqora asxbta ale

  5. Axmed maxamed axmed ilkacase says:

    Wala waxad no sodaysan qisada nabi yuusuf

  6. Abuukarsh.xusen says:

    Ruxii qoray janada ayan ubarinay hadusandinta islaamka kabaxin kadib nosodaya qisadi nabi suleyman

  7. ND says:

    Allaha u Naxariisto Saxabiga Sharafta Leh intii soodiyaarisayna Allaha U Danbi Dhaafo Anagana Allaha Nagu Anfoco . Inta kadib Walaalayaal isku daya inaad Noo soo Gudbisaan Qisadii DullQarnayn.

  8. maxamed Deek says:

    aniga sidokale sidi nd say

  9. NADIIR SHEIKH HASSEN says:

    Ana sido kale ND bn ku Raacsanahay

  10. Xamdi axmed says:

    Ajar allah ka siyo walalka so qoray sidokale walal sidi walalki iga horeyay waxan rabna qisada dulqarnayn

  11. Abdirizack says:

    Illahay ha unaxaristo insha allah sidokale Ajar iyo xasanad allaah ha kasiyo qoraga

  12. Liban osman cape town says:

    ilahey ha unaxariisto kanqorana ajir alaha kasiiyo walal waxan kacodsanaya qisadii nabi yuusuf

  13. Qunyarsocod says:

    Walal ala haka ajar siyo qoraga hadu xayn daabka diinta islamka ku jiro waxanan codsanaya qisadii nebi khadar

    • Carlos says:

      Hey Jungs,sch n, dass ihr auf der UbuCon wart. Danke auch f r die M hen, einen Bericht davon abzuliefern.Aber: Ihr ward doch da nicht aleiln. Ihr ward da und hattet Publikum. Das merkt man in der Sendung nur dadurch, dass ihr des fteren auf euer Publikum hinweist und dergleichen.Was ich aber Schwach finde ist, dass ihr keinen aus dem Publikum eingebunden habt (lt. Aussage gab es keine M glichkeit). Euer Mixer hat doch genug Anschl sse und sich ein Funkmikro und die Empf ngerbox dazu auszuleihen kann nicht so schwierig sein bei einem Podcast eurer Gr e.gr e vom lifebeat podcast

  14. Axmedgaas Aaden Dheel says:

    MASHA,ALLAH WA JAZAA’KALLAHU KHAYR.. SHUKRAN IKHWAANII….Allaha ka raali noqdi Qaalid.
    Run ahaantii waa aariikh tiiraanyo badan oo ruuxii qalbigiisu diinta Alle iyo cabsida Alle kujirto ka qubi illin. Halka u isku dayi inuu dadaal dheeraad ah la yimaado sifo uu Allah s.w abaalmarintiisa ugu guulaysto.

  15. Cali cilmi nuur says:

    Qalid rcho waxow aha nin taririq disa ahed can malin mal maha kamid ah dagal inow galay ow waxow ku jabshay galadi halkas ku dagalameysay .asc. all

  16. Cali cilmi nuur says:

    Waxa ladhihi jiray seyfullahil masnun

  17. Amran says:

    Walaalayalow waxan codsanayna sida walalaha iga horeyay qisadi dulqarnayn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII