Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Laacibka Qalbada Dhexe ee Kooxda Man City De Jong oo sii joogaya Naadigiisa

Xilli laacibkaan Waddanka Holland udhashay De Jong la hadal hayey inuu ka tagayo kooxda Man city ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay kusii nagaanshaha Horyaalka England.

Nigel De Jong ayaa shaaciyey inuu sii joogayo Al itihad Stadium kaasi oo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayey in laacibka Man city ka dhaqaaqayo.

De jong ayaa waxa uu tibaaxay in muhiimadiisa 1aad tahay inuu kasoo baxo shaqadiisa ciyaareed taasi oo mushaarka uu qaato ay ku xiran tahay.

27 sano jirkaan dutch kasoo jeeda ayaa cod dheer ku yiri meelna ugama socdo horyaalka Ingiriiska waxaana idiin sheegayaa saxaafadiina inuu aad ula qabsaday Premiershipka England.

De jong ayaa ka mid ahaa laacibiintii City uhorseeday 44 sano kadib xagaagan inay ku guuleystaan horyaalka ingiriiska waxaana taasi keentay taageerayaal badan ay udumaan Man city haba ugu horeeyaane dad hore usacbo tumayey Gunnerska arsenal.

Nigel ayaa Man City kaga soo biiray Kooxda Humburg ee waddanka Germany ka dhisan kaasi oo muddo uu ku sugnaa Bundusliga uwareegay Qabowga Horyaalka Britain oo ah kaalinta 1aad kan ka jira horyaalada adduunka laga ciyaaro.

 

Xasan Cabdullaahi

Qeybta Sportiga Warqaad

Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII