Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO Gudoomiyaha Ceelasha Biyaha: Maleeshiyaadkii nasoo weerari jiray waa nadiifinay

Xili weeraro xoogan ay waayadan ka jireen wadada isku xirta magaaladda Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa waxaa arimahaas kahadlay maamulka dowlada ee Ceelasha Biyaha.

Gudoomiyaha dowlada Soomaaliya ee deegaanka Ceelasha Biyaha Faarax Maxamed ayaa sheegay in maalmahan amaanka duleedka Muqdisho uu ahaa mid aad uwanaagsan.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hanjabaada Kaliil

Waxaa uu tilmaamay in laga nadiifiyay duleedka Muqdisho maleeshiyaad uu ku tilmaamay in ay amaan xumo wadeen.

Gudoomiyaha dowlada ee Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in ciidamada Militeriga, Booliska iyo Nabad sugid aoo iskaashanaya ay sugayaan amaanka duleedka Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay in marar badn ay Shabaab isku dayeen weeraro waa weyn in ay ka gaystaan duleedka Muqdisho laakiin lafashiliyay.

Isagoo hadlakiisa sii wata ayaa waxaa uu ganacsatada deegaankaas ugu baaqay in ay ganacsigooda kusoo laabtaan.

Hadalkan kasoo baxay Maamulka dowalda ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa kusoo aadaya xili marar badan ay weeraro ka dhaceen duleedka Muqdisho, waxaana weeraradaas kamid ahaa mid lagu qaaday Madaxweynaha dowlada KMG.

Warqaad.com
Xulka Wararka Oo Dhan
Email;-Warqaad@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII