Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug State ayaa faah faahin ka bixiyay weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.
Weerarkaas ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug waxaana ay u adeegsadeen qoriga lidka diyaaradaha ee Zuu-ga loo yaqaan.
Wasiirka Amniga Maamulka goboleedka Galmudug State Abshir Diini Cawaale ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid si qaldan ku dhacay.
Waxaa uu tilmaamay in maleeshiyaadka weerarka qaaday ay sheeganayeen lahaashaha dhul ku agyaal garoonka diyaaradaha.
“Ma jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay weerarka, laakiin waxaan xaqiijinaynaa in aysan Galmudug wax lug ah kulahayn weerarkaas”ayuu sheegay Abshir Diini Cawaale.
Waxaa uu tilmaamay in hada ay ku jiraan xal uhelida rasmiga ah ee weerarkaas ayna kurajo weyn yihiin in dhawaan ay soo gaba gabeeyay qalalaasaha taahan,
Maamulka Galmudug ayuu sheegay in aysan raali ka ahayn dhibaato ka dhax dhalata labada dhinac.
Hadalka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili Puntland ay sheegtay in Galmudug ay soo abaabushay Weerarkaas.
Warqaad.com
Xulka Wararka Oo Dhan
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk