Wararka ka imaanaya magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhanka maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka soconayaan qaban qaabo loogu jiro doorasho halkaas ka dhacda.
Madaxweynaha maamulka GAlmudug State Maxamed Axmed Caalin oo haatan arimo caafimaad ujooga Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in dad gaar ah ay sheegaan in doorasho madaxtinimo ay qabanayaan.
Waxaa uu sheegay in isaga uusan wax danbi ah ku lahayn waxa qaldamaya hadii doorashadaas ay dhacdo, maadaama aan isaga lagala tashan.
Madaxweynaha Galmudug State Caalin ayaa shaaciyay in uusan haatan quudaraynayn inuu ka qeyb galo tartan doorasho oo xiligan ka dhacda maamulka Galmudug.
“Aniga waan ka tanaasulay in aan mar kale qabto maamulka Galmudug, kaliya waxaan leeyahay yaysan waxba qaldamin oo dad gaar ah yaysan beelaha xaqooda ku tuman’ayuu sheegay Madaxweyne Caalin.
Mar uu kahadlayay Arimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan shirka ansixinta dastuurka qabyada ah ee ka soconaya magaaladda MUQDISHO.
Madaxweyne Caalin ayaa dhanka kale sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay walina uu ku jiro baxnaano maadaama qaliin lagu sameeyay.
Warqaad.com
Xulka Wararka Oo Dhan.
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
asc sln kadib walal yal nabada alah ha nasiyo amin dhah
asc rer gl mudug sln kadib walalyal dorta quf din leh okitabka ale idinku dhaqo inshealah wad libani dontin
Kkkkkk war cadaaday qandaf qandaf waxba tari mayso, cinqilaab ayaa la isku jururucsiinayaa jufo beelleedka sacad saciid, galmudug oran maayo waayo dadka degen galmudug sacad kaliya maahan qiimana lagama siin,cabdi qaybdiid,waa ku haboon yahay magaciisa, awcaalin asna magaciisa ku haboon yahay, magac wadaad miskiin ah iyo magac nin colaadeed, sacadna waxa ari cad u ah dad cunka ee ha iska diraan miskiinkaan idaha ah si beeshu u gasho colaad iyo barakac?
cabdulkadir wadani warxumada jooji bil ramadan ayaa cibado kaga bahan warkale hagali somalia hanoolato byyyyyyyyyyyyyyyy