Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

ZamZam: Cabdi Bile ayaan doonayay inuu Calanka inoo qaado lakin Guddiga OLIMBIKADA ayaa qaad i dhahay

Oradyahannada Soomaaliya matalayya ee uga qeyb galayya tartanka Orodada ee Olimbikada adduunka ayaa waxa ay sheegeen in rajadooda ay tahay mid wanaagsan, iyagoo Soomaalida ka dalbaday taageero buuxda.

Maxamed Xasan Maxamed oo u waramayyay Idaacada Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in maalinta Qamiista ah uu ordi doono Tartanka orodada 1500-M ah, islamarkaana niyadiisu ay aad u wanaagsan tahay.

Oradyahan Maxamed Xasan Maxamed ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in Dadka uu la tartamayyo ay yihiin Oradyahano caanka ah Adduunka lakin uu ku rajo weyn yahay inuu guulo la taaban karo soo hoyyo.

” Wali rajo aad u balaaran ayaan leeyahay, inkastoo dadka aan la tartamaayo ay yihiin Oradyahano caan ah balse uma dhuntin doono, Shacabka taageeridoodana kama maaranno” ayuu yiri oradyahanka Soomaaliyeed Maxamed Xasan Maxamed.

Dhanka kale Zamzam Maxamed Faarax oo ka hadleeysay in Cabdi Bile Cabdi aan loo dhiibeen Calanka habeenkii furitaanka xaflada Olimbikada ayaa waxa ay sheegtay in ay aad ugu xuntahay in uusan isagu Calanka kor u qaadin.

” anagu waxaan dooneynay in Cabdi Bile uu Calanka qaado lakin Guddiga Olimbikada ayaa qaad i dhahay, sanadkaan Olimbikada wax badan ayaa iska badalay runtii, waana ka wada xumaanay in orad yahankeeni uu calanka inoo qaadi waayo” ayey tiri Zamzam.

Ugu dambeyntiina Oradyahannada Zamzam Maxamed ayaa Shicib-weynaha Soomaaliyed fartay in ay taageero xoogan u muujiyaan si guulo taariikhi ah ay uga soo hoyaan Olimbikada 2012-ka.

Warqaad.com-London Office

24 Responses to ZamZam: Cabdi Bile ayaan doonayay inuu Calanka inoo qaado lakin Guddiga OLIMBIKADA ayaa qaad i dhahay

  1. abbuu feysal says:

    insha’alaah garabkiina allaha idinka galo guulna waad soo hoyidoontaan insha’alaah

  2. C\risaaq cabduqadir cabdi says:

    Insha alaah wad guuleeysan doontan labadinaba anagana waxan tagannahay garabkiina aad ayan idin taageereeynaa

  3. Mohamud abdulahi hasan says:

    Walalkey mohamed iyo walashey zamzam waxan sugeyna guue insha alaha aletalosasta gul gul guul

  4. dadaab(kenya) says:

    haye walale

  5. Abdikani mohamed says:

    Insha Allahu waad guuleesani doonta adiga iyo wiilka kale matalaya wadankeena hooyo soomaali

  6. Ibraahim maankeey says:

    Insha allah wad guulesa nesan sxbiyal sxbke qaliga maxamed xasan o ku mgc dher teeyow insha allah wad gulesane adiga iyo zamzam cdy sxb tan wa tii ad orodada ku so gashay 1500m wadna qadi donta insha allah inkasto ana garabkaga jogin guul ayan ku dhafay

  7. Ibraahim maankeey says:

    Midedi kale adban ugu xumahay in cabdi bile hawenki calanka ino qadi wayo maxa yelay xidig weny waye wona uniya dhisa laha lkn niyada ha logu duceyo wey ino kenayan guul insha allah

  8. Saacid says:

    Ilahay garabkoda hagalo waxana inii rajaynayaa in aad noo soo hoysaan guul taariqi ah zamzam iyo maxamed insha allaah

  9. abdi bile says:

    Insha alh wad galaysanaysan insha alh ilahay ayaaa idin garabtagan

  10. c.fatax says:

    waan idin grab taaganahay calankina sharafkisana kor uqaada ayaan idin leeyahay

  11. Deeko yare says:

    Zamzam waad guuleysan doonta isha allah mar hadad calanki mesha kamuuqdey taasaba guul inoo ah guuleysta

  12. hassan dhaley says:

    maxamed iyo zamzam waxan idin lehay waxad ledihiin nasiib aad uwanagsan madama aad matakeysan shacabka iyo wadanka somalia ee wxn idinleyahay noqda kuwii guul qiimo iyo qaya leh uso hoyiyo wadanka iyo shacabka insha allah wad guleysaneysan insha allaah

  13. Jaamac yare says:

    Guul wacan ayaa idin leenahay qalbigiina qeer usheega insha allah guulo wcn waad kagari doon taan

  14. Mustaf ali addani says:

    Waad guuleysaneysa insha’alah taageero buuxa ayad hele bi idni laah

  15. zakiya mohamed says:

    masha allaah aad ayaa ugu faraxsanahay orodyahano soomaaliyeed oo caalamka ka muuqdo guul ayaa inii rajeenaa insha allaah

  16. Maxamaddeq says:

    Guul ayaa idin rajeen labdinb guuuuuuuul

  17. cumar cali says:

    hambalyo guul ayaan idiin rajeeynaaya

  18. cumar cali says:

    waah waah insha allaah guul ayaan idi rajeynaa

  19. jamal cesc from lusaka says:

    masha allah wad guulaysanidontin walashey iyo walalkey zamzam iyo mahamed garabkina allah galo guul insha allh zamzam and mohamedw we love insha allah

  20. fatima says:

    insha allh waad guu laysan doontaan waalkay iyo walashayba

  21. Fahiima says:

    Masha alah wad guuleysan doontan zamzam iyo maxamed garabkina alaha galo insha guul ayan idin rajeyna we love insha alah

  22. wadani says:

    guul waala jecel nahay wadankeena lkn soomaaliyeey abdi bile abdi sharaf haduu ka waayay gudi isku sheega maxeey tahay macnaha aann u aamusan nahay maan ka hadalno soomalaino ma dhamaatay ?

  23. wadani says:

    abdi bile abdi waa halyeey soomaliyeed tariiqdaana xusi doonto

  24. hashim c ronaldo says:

    maxa gulesane hataa wa lasugayey tartanka tan wey nacebesay ee uk isku dhiib ksksksks

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII