Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Todobaad kadib oo sanad ubuuxsameysa markii Al shabab ka baxeen Muqdisho (Warbixin)

6-dii Augusto 2011 waa maalin xasuus ku leh mujtamaca ku dhaqan magaalada muqdisho waa maalin ay dadka ka gudbeen gacan adeegii Shabaab waxaana isbuuc kadib ubuuxsameysa Sanad markii ay muqdisho ka baxeen.

Maalintaa iyada ah inkastoo afhayeenka Shabaab Sh.Cali maxamuud Raage (dheere) uu hadalo lidi isku ah saacado gudahood jeediyey ayaa hadana waxa uu warbaahinta ka sheegay inay ciidamadoodii kala baxeen Xamar walaw cadaadis la saaray isla cali dheere uu ku yiri weli waan joognaa muqdisho.

Markii Augusto 2011 laga saaray Ururka Al shabaab magaalada Muqdisho ayaa waxay wajahayeen xilligaasi dagaalo ka socday Gobolka Hiiraan iyadoo bil kadib waayey Magaalada B/weyne.

Muddo yar kadib Shabab waxa ciidamada Dkmg oo kaashanaya Kuwa itoobiya si xoog ah uga faramaroojiyeen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Afgooye,Afmadow iyo Balcad oo ka kala tirsan Sh/hoose,Sh/dhexe iyo J/hoose ayey sanadkaan 2012 Al shabaab gacantoodii ka baxday markii xoog ciidan oo isku bahaystay la dagaalankooda dhinacyo badan ka hujuumeen.

Intaasi oo guul daro ah oo Xarakada Shabaab Al mujaahidiin soo gaaray ayaa waxa saldhig u ahaa markii laga gacan wareejiyey Caasimada Somalia ee muqdisho oo Badi xoogeeda iyaga maamuli jiray amarkoodana ka socon jireen.

Sanad Kadib ayaa waxa dib usoo laabtay Qurba jog muddo dalka ka maqnaa,Waxaa dib loo dhismo bilaabay guryo hore dagaalada ubur buriyeen,Is dhexgalkii bulshada ayaa soo noqday.

Waxyaabaha laga bartay kadib bixitaankii Al shabaab sanad ka hor ayaa waxa ka mid ah in dadka ay ku yar tahay maqalka Rasaasta oo dadku Daris la noqdeen waxaana caadi cabsi la’aan dadka ugu ganacsi tagaan Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad kolkii horena madaafiic lagu garaaci jiray.

Waxaa yareyd in gaadiidka xilli habeen ah ka dhex shaqeeyaan magaalada Xamar hase ahaatee iminka sidaa waa laga gudbay waxaana wadooyinka qaar ay kasoo kabteen dagaalo haraadiyey sanado badan.

Dhinaca Ganacsi waxaa dib loo ambaqaaday goobo sanado badan aan albaabada loo furin dagaalada awgeed waxaana xilliyada habeenkii ah ilaa 11:00 si caadi ah uga shaqeeya magaalada Muqdisho.

Carruurta Da’da yar ayaa qudhooda markii aad la hadasho waxay kuu sheegayaan inay ku faraxsan yihiin isbadalka yimid muqdisho kuwaasi oo dagaaladii jiray ka barteen in iyagoo mataalaya ciidamada wadooyinka carari jiray iminkana nabada bidhaamay dhankooda carafteeda ka qaadanaya.

Waxaa hubanti ah in shabaab shacabka ay maamul adeeg ku hayeen iyagoo lagu amaanay in burcad la waayey markii ay joogeen hayeeshee dadka ay cadaadiyeen iyo amaro adag intuba.

Maxaa Sanad kadib AL shabaab ka bixitaankoodi Muqdisho iska badalay Fikir ahaantaada?

W/D:Xasan Cabdullaahi

Xafiiska Wararka

Muqdisho-Somalia

Www.Warqaad.com

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

6 Responses to Todobaad kadib oo sanad ubuuxsameysa markii Al shabab ka baxeen Muqdisho (Warbixin)

  1. alle amin says:

    walaahi waxaan dhihii karaa alle ayaa og lkn wax wanagsan alle ha no keeno

  2. Dhabad says:

    K.k.k al shabaab,lugtii jedaal na naaftay ale hakadhigo amiin

  3. Gurey says:

    Amim

  4. Xoga dalka smliyed says:

    Masha.allah waxan leyahay alle nawada hano ziyadiyo alxmd wan ku farax sanhy umada smliyed inay helan nawad galyo

  5. c/raxmaan says:

    sadar muuqdaa sual kadhan waxbadan aya iskabedelay ilaah hadane meelaha eykudanbeeyaan haka qabto nimankan qawaariijtaah

  6. Fahad ali barre says:

    Asc Maa sha,allaah alxamdulilaah waxbadan aan inta kusoo koowikarin hadaan warka madaxa uga istago aay wxaa kamid ah gabdhaha somaliyeed oo ladhoho uqtii naftaa ku jcl marna ladhaho naftaa kunacde iyo dhalinta oo cadadiyo sida sports oo kale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII