Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Calankeenna Quruxda Badan Oo Si Weyn Uga Dhex Muuqday Furitaanka Tartanka Olombikada Aduunka”SAWIRRO+VIDEO”

Calankeenna quruxda badan ayaa si weyn uga dhex muuqday furitaanka tartanka Olombikada Aduunka oo ee lagu qabtay magaalada London ayadoo astaanta Calankeenana goobtaasi lagu garaacay.

Inkastoo astaanta calan ee dalalka ka qeybgalaya tartanka Olombikada Aduunka goobtaasi lagu garaacay hadana waxaa si gaar ah xusid u mudan iney tani ka dhigantahay sharaftii iyo heybadii aynu ku laheyn caalamka ee aan horey u burburinay ay soo laabatay maadaama 21 sano kadib aynu dib ugusoo laabanay fagaarayaasha Caalamka.

Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan waxey isha ku wada hayeen shaanshadaha caalamka gaar ahaan kanaallada Sportiga baahiya ayaga oo dhowrayey iney mar uun arkaan Calankeenna quruxda badan oo calammada caalamka fagaaraha furitaanka Olombikada Aduunka ee London kala muuqda,astaantii qarankeenana la garaacayo.

Riix Halkan si aad udaawato Calanka Soomaaliya oo laga taagayo Meel gaar ah

Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo uu dhiiragelinayo lana socdo orodahanka magaca iyo sumcadda Soomaaliya usoo hooyey ee Cabdi Bille Cabdi ayaa kasoo muuqday fagaaraha uu ka dhacayey hab maamuuska furitaanka tartanka Olombikada Caalamka waxaana xiliga ay socodka ku marayeen fagaaraha goobta looga garaacay astaanta calankeenna ayadoo telefishinnada caalamka oo idilna si toos ah looga daawanayey.

Waa mid muwaadin walba oo Soomaaliyeed dhaqaajineysa damiirkiisa marka uu Calankiisa ka arko shaanshado uu in mudo ah dalkiisu ka maqnaa shakina kuma jiro in dad badan oo aanay horey dareen gaar ah u geli jirin marka ay arkaan astaan dal calan oo loo istaagayo fagaare la mid ah fagaaraha furitaanka Olombikada ee London uu hada dareen galay kaasi oo lagu tilmaami karo iney ogaadeen iney kasoo jeedaan dal jira oo leh Dowlad.

Waxaa xusid mudan in baraha Internetka ee lagu kulmo sida Facebook iyo Twitter ay si aad ah durbadiiba ugu baaheen muuqaallada iyo sawirrada ka turjumaya halka ay heybadda iyo sharafta Calankeenna gaartay taasi oo ay dhamaanba dadku isugu hambalyeeynayeen.

33 Responses to Calankeenna Quruxda Badan Oo Si Weyn Uga Dhex Muuqday Furitaanka Tartanka Olombikada Aduunka”SAWIRRO+VIDEO”

  1. Nuuryare says:

    waa mahad santihii bahda warqaad runti ilin ayaa igatimi qofkasta oo damiir soo maalinimo kujirto waa dareemi karaa farxada iyo quruxda nabadi ayleedahay tanina waa tusaale dhab ah Allow noosiyaadi AAMIIN!!!.

  2. somali says:

    KkkkkK. Anaga dhalada sawir inoga so qadeysan inaguba xalay wa qadanay ka mid lamida wax kale miya no haysaan
    Somali hadaynu nahay niyada aya
    Ina jaban hadanba calank o adunka
    Laga arkay wax wayn noolatahay

  3. Waa taageeraha dhabta ah ee xima iyo xeeb GARYAQAAN GARCADE says:

    Maan sha allaah illaahow guul ay kasoo hooyaan

  4. Deeqow cade says:

    Waawarey warbaa yimid dadki khatarta ahaabaa caalamka lagu arkey calankoda iyo ciyaga oo isla socda cala maxay caalamka inbadan kamaqnaaney

  5. Towxiid says:

    Balaaya idinku dhacday waryada angu waxani waan ilaawnay umad islaam ayaan nahay calan dhaaquut ma caabudno allaah ayaan jecelnahay iyo rasulkiisa umadan somaliyeed ee ku abtirsata diinta islaamka calankoda kii uu inoga tagay nabigena muxamed csw ) waana raayada towxiidka raayatu sowdaa ama raayatu baydhaa calankena waa kan ka dhaxeya umada islaamka oo dhan lkn kan baluga ninkii aaminsan ama jecel u hiiliya u istaga ama u dagaalama sacadaas laga bilaaba waa murtad cad binasil qur’aan wasunah cidaad doonto wey dii culimada islaamka warqaad waxa ku kalifaaya in ay inoo buun buuniyan calan lagu gaalobayo mexeytahay ? Jwb alx waxaa inasogaray baraarugga islaamka ee ku dhisan seeftii alle galka kabaxsaned GOB ISLAAM ma jaahinimo iyo diin la’aan baad dib noogu celineysaan alle ka baqa umada gaalnimo ha ugu baqina xaqana alle hanagu wada sugo inta kheyrka jecel insha allah .asc

  6. Cabdulahi mahdi says:

    Run ahntii wa malin mudan inaan xusno farxad ayayna ino tahay inan calanken fagarayasha calamka u ka lulanayo adban ufaraxsanahay alaha nagu kalmeyo iftinka ino ifayo

  7. mohamed deeq yare says:

    AS/C ALL SOMALI HANOLATO AAD IYO AAD AYAAN UGU FARAXSANAHAY CALANKEENA QURUX DIISA ALLAH SOMALIA HA HESHIISIYO AAMIN OK

  8. ahmad faluja says:

    Wexee ahaataba waan ku faraxsanahay madaama cabdi bile cabdi asigoo u hadlayo laanta afsomaliga voa. Da balse eyna dhicin cabdi bile abdi uu qado calanka quruxda badan ee somaliya waxaana islehay gudiga olombikada somaliyed oo arintaas wax ee ka dhihi waayeen. Taasine waa sharaf xumo iyo Mel kadhac balse lkn mida kale awe somalidi badneed ee daganaa london teda Kale mexee ugala qeb qadan wayeen ee na calanka qododa uga qadi wayeen waxaa arkay 5 qof oo calanka sida lkn eyna dhicin somalida badan oo jogto london ee calanka somaliyed qadaan Asc

  9. hassan ifo says:

    waxan u mahad cilinayaa warqad.com sida qimaha leh .waxan meshan salan qima leh kugu dirayaa dhamaan ciyartoyda somali oo ka qebgalay olmapicda aduunka oo shalay ka furmay magalada landon waxa allah ka baryaa in gul wanagsan ka so garaan jamuriyada somalia? Amin amin

  10. Wadan naceeb says:

    Wadan jclida Nuur sxb, ani waxan dhihi lahay somaliya halo qebiyo Kenya iyo Ethiopia, wayo wax fa’ida ah kuma heysano, “20 year of war” ayan simarena,HALA QEBIYO SOMALIA, “SOMALIA IS FOR SELL” SOMALIA WA BEC,XARASH IYO QIMMO JABAN

  11. Ali says:

    Asc dhaman umadda somalia hdl badini wax mataro an iscafino an wax qabsano an calankena ilasho ama dalkena sidad ufahantayba

  12. Ali says:

    Asc dhaman umadda somalia hdl badini wax mataro an iscafino an wax qabsano an calankena ilashono ama dalkena sidad ufahantayba

  13. Elmi says:

    Calanka cadna muxu ahaaa.

  14. wadani says:

    Faluja wad ku saxantahay qolo walbo oo calankoda sido wexee iskula socdeen boqol boqol lkn calanka somaliya Samsam AA safka ugu horesay afar nin ne gadaal aye ka sacdeen walalohodine daganaa london ne weykaqeb qadan wayeen lkn waxaa ino sharaf ah calankena oo caalanka laga tago. Asc

  15. Xag jir says:

    Maradan buluuga ah micna iigu ma fa dhido lkn waxan farxad la dhimanaya maalinti kalimada towxiidka laga taago goobtas si barax tiran an cabsi ku jirin

  16. soomali says:

    asc walal ani waxan ku nolahay wadanka dibadisa marka wlh ma maleyn kartid farxada aan ku farxay markan arkay caalam kena

  17. Wadani says:

    S.maliyey manta wa malin farxaded wa malin somalida uwen wa malin shacurtena kacday

  18. eng-carab says:

    waa runtiis nuur yare waxaase fiican qof walba inuu faham kaqaato sharaftan una diyaar garoobo nabad u dhalinta dalkiisa hooyo xirfada uu yaqaanana fagaaraheeda latago calanka soo muujiyo sidan oo kale bahda warqaad idinkana waa mahadsantihiin

  19. dadaab(kenya) says:

    Nuuryare sxb keligaa ilinkaama imanin ee dhamantena way naga wada imatay Allahayow wadankena nabad noga yeel.aamiin.

  20. Mohamed Kord says:

    Awala Asc walalayaal mahad ha idinka gaarto sida qurux badan aad usoo taag gareseen sawirada walasheen Zamzam Mohamed iyo walalkeen Mohamed oo aan rajeneeno inee guulo fican ka gaari doonaan tartankaan ka furmay london walahi waa dareen dham ah oo Soomaalinimo iyo inaa maanta ku soo noqonay masraxa caalamka uu maanta dareensanyahay qof walbo ah muwaadin Soomaliyeed meshaa rabto joog dhalashada rabto heesto lakin waa mid dhiigaaga iyo dareenkaaga dhaqajinesaaa Alle aya aya mahad leh cayaaryahanada Soomaliyeed Guul aya u rajeyneenaa walalayaal!

  21. Abdiwahab says:

    Waxan calan ma ahan dhabtii!

  22. Namso says:

    Runti ma.aqrinkaro waan oyaya inta an xasusto wa marki kowaad o an ilmeyo macabirikaro dareenkeyga

  23. siid cali says:

    Waan ku faraxsanhay heybadi aan caalamka ku laheen oo soo laabatay

  24. Qoraxay says:

    Aniga ma Aminsani inay meel garayso somalia

  25. maxamed says:

    Aqwani a.s.c hadi aan ka hadlo fakirka ku aadan maradan calanka islamka logu tala galay wa midki uu watay nabi muxamed scw ee madobaa midanka dhahayo wan oo yay marka aan arkay calanka maa u ooydid musliminta aya gaaladu gumadeso marka aad u oyneso maro xun bal u fir sada calankan wa la cabudaa sabab too ah markasto waa lo istagaa oo waa la wenenaa wax kasto oo alle ka sokeyo oo laweneyo waa lacabuday

  26. Shankaron bashir says:

    Masha allah waxan rajeyna gul insha allh

  27. Yahye tahlil Abdule says:

    Thanks dhaman bahda warqaad xaqiqdi waxan farxay farxad an laso kubin karin marki an arkay calenkeda o kalulanaya dhaxbartmaha garonka olompic kada e london

  28. wadani says:

    waad mahadsantihiin shabakada warqaad

  29. amiirka ciyalka xafada says:

    Asc iqwani filaah ma waxaad u ooysan ayaad weeysen war walalayal calankan 5dhinac u jeedo miyad u ooyesan inaa lilaah war kan towxidka ka carfayo xagee ku hilmamten ?

  30. Runsheeg says:

    Hanala arkee horta xaaharay ragiitag dalkiina laqeybsay sxbyl itobia iyo kenya ayaa ka ah wadanka 10 iyo 7 marka allow cebta astur

  31. Garaad noor caday says:

    Wad mahasantahiin bahda war qaad runtii markan arkay calankeena oo muda 21 sana kadib ku so labtay fagaraha olompicada ad ayan u farxay wayo xilliga uu ka maqna fagataha calankena manan dhalanin lkn wa mahd leh allah suurta galiyay in calankena uu ka dul babado tar tanka aduunka waxan mahad gar ah garsinaya zam zam iyo mohamed waxan idil leyahay guul iyo natiija wanagsan wayo waxad boorka ka jafteen sanado kadin calankena hooyo wayo markii astaanta calankeena la saratay dareenkega ma aqan sida uu aha waxan arkay anigi in dhaha ay so buux sameen oohin wayo waxan daremayay farxad wayo qiirada ayan la ooyayay alx manta waxaynu nahnay dad somaliyed misna laga yaqano dunid astaan leh waxan din leyahay guul wanagsan

  32. Wadani says:

    maxaad damiirkkina damayay oo ilin ay idin kaka imani waydey markii calmak towxiidka ku qoran yahay ee qiraysa muslimnimda ey gubeen niman sheeganay ciidan dowlda kmg ayna so bandhigeen qar ka tirsan warbahinta cid ka hadashayna aysan jirin kana danqatay falkaas
    Ma waxaa idinka ka qiima badan calnka tawxiidka kan xun ee baluuga ah yes

  33. ahmed m.hd says:

    asc walala yaal aad ayaad u mahadsantihin madam aad calankina hoyo aad jeceshìhin. Wa xasuus weyn inu calankena ka muqda calamka adunka wayo waxu astaan u yahay dowlad inan helnay o qabyaalad nagahartay wan faraxsanahay maadama ey dowlad no dhalatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII