Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Muqdisho: Mixer & microphone maxaa kala haysta “Warbixin Dheer”

Dadka ku dhaqan magaalada muqdisho oo mar ahaan jiray dad aad u jecel dhageysiga idaacadaha  isla markaana tixgalin weyn siin jiray ayaa bilihii u dambeyey waxey noqdeen kuwa aad u dhibsaday kadib markii idaacaduhu noqdeen tira ahaan kuwo xad dhaaf ah .

Magaalada Muqdisho oo ay hada ku yaalaan ama laga dhageysto in ka dabadan labo darsin iyo bar idaacdood ayaa marka aa isku daydo in aa shido radiyahaaga waxaa durbadii go,aan ku gaareysaa in aa damiso, sababtuna waxey tahay 28 mowjadood oo is garabyaal oo wada FM ah hal af ku hadlaya halwarna tabinaya halwaqtina isla tabinaya taasoo aadan garan karin mid aa dhageysato,waxaana dad badan ay ku qasabtay in ay iska dhaafaan dhageysigooda.

Su,aashu waxey tahay sababta ku qasbeysa dadka leh idacadaha in ay halmagaalo oo la ogyahay dadka ku dhaqan tiradiisa luqadiisa in maalin walba idaacad cusub hawada loo soo galiyo tiiyoo aan lahadleyn qowmiyado kala duwan oo kala af ah iyaguna aysan ku baxeyn afaf kala duwan waxa ay ka hadlayaana ay tahay siyaasada iyo arimaha ku saabsan bulsho iyada dhanba dhowr milyan lagu sheego.

Waa ay iska cadahay jawaabtu waana dano dhaqaale iyo ganacsi waxa ku riixaya , waana dhaqan dadkeenu ay caadeysteen kaas oo ah in hadii ay arkaan ilyar oo dhaqaale dhowr qof u socota in inbadan ey ayagana ku soo biiraan, taasoo la dhihi karo waxey ka mid tahay isku quuri waaga ka dhex jira bulsahdeena.

In kastoo wax waliba ay lee yihiin faa,ido iyo qasaare hadana waxaan oran karnaa Fm yada Muqdisho waxaa badan qasaaradooda, waayo maba garan kartid mid aa dhageysato, marka aa u dhaba gasho.

Barnaamijyada ay sii daayaan idaacadahaani iyo wararkaba waxay u muuqdaan kuwo lakal kobiyeyey ama inta badan isku eg, sida barnamijdaya siyaasada oo isku qaab ah isku waqtina latabiyo, sidoo kale wararka ayaa ah kuwo la is dulsaaro waqtiyada ay ka baxayaan idaacdaha waaana saacad go’an taasoo ah mid sii qiimo riday dhageysigooda.

Sidoo kale barnamijyada malinta jimcaha ah ayaa u eg kuwo lakala koobiyeyey, sikastaba ha ahaatee waxaa cad in idaacadahan ay yihiin kuwo buuq galiyey bulshada Muqdisho.

Waxaa intaas sii dheer dhinaca aqoonta dhalinyarta ka howl gasha idacadaha ay u leeyihiin saxaafada iyo waliba xuquuqdooda ay leeyihiin sida ay uga helaan mulkiilayaasha oo iyaguna ah kuwa laga deyriyey hab dhaqankooda maareeya dhimo.

Isku soo wada duuboo waxey arintu ku dhamaaneysa isla egta ah,,tirada badan ee FMyada oo lagu daray tayo xumadooda waxay la micno tahay buuq galinta bulshada oo lagu daray iska damintooda.

W/D Xasan Xusen Axmed,
xasan75@hotmail.co.uk

11 Responses to Muqdisho: Mixer & microphone maxaa kala haysta “Warbixin Dheer”

  1. Osman says:

    Naga tag

  2. Osman says:

    K.k.k.k.k wa mid kale ayadana

  3. sirmaqabe says:

    ramadan kariim dhaman umad somaliyed melkasta ay jogan. Runti waxan u arka anigu idacadaha badan e kajira magalada muqdisho o ah kuwa dadka jahwareriya mid walbana waxay jeceshahay ama mulkilaha iskale u faro ayey fuliyan marka arintas waxa laga raba inay umada ka qabtan kuwan isku shegaya dowlada gar wasarada warfafinta hadanu nahay pulshada somaliyed mel nofayow malahan ilahay aya nomaqan

  4. wiil absame sey says:

    asc ramadaan kariim waa in la yareeyaa Balse in wax oo kali lawada geeyo ma ahan wa in dalka oodhan looo qaybiyaaa Sidda Kismaayo baydhabo gedo hiran iwm Balse Dhamaan city kali ahj lagu dhameeyo ma ahan Sidda dano siyaasad ayaa laga leeyahay miyaa hheee wabilaahi towfiiq

  5. saalimyare says:

    Waa arin laguu farxo in xoriyadaa hadaalka xor noqoto qofwaalbaana tuurabaa dhageest wanaa arinta keentay idacad walba inay dadka uu so gudbiso wadaani nimo waana tan keentay idaacadii qawarijta andalus oo neesa oo cid dhageesataa ee saan jariin

  6. cawil says:

    ramadaan kariim war yab keeda waaye newska hala kala duwo oo midba sacad malaga dhigo koley waa mid tan kale xaga ganacsiga qofba suurabo hauu ganacsade ee waxey ila tahay sacadaha in lakala duwo si dadka ku nol soomalia ay u la socdaan aduunka dacaladiisa dadka joogana lan losme

  7. Yash says:

    K.k.k.k.k.k wa midkale warqad wa nawali rabtan

  8. Ali abdi says:

    Ramadhan karim. dhamaam akhristiyaasha warqaad maisweydiisaan 3da dersan oo wargeysyada ah oo wada af-somaliga ah oo isku warna qora.

    • xasan says:

      mudane cali abdi hada lamid mahan iskumana dhawa hada muqdisho waxaa ka soo baxa 3 waregeys oo qura mahan sadex darsin mid waa sport labana waa siyaasad wargeys na saameyn uma alaha sida idaacadaha

  9. Ibnu lamuun caanoos says:

    K.k.k.k ramadaanul kariim

  10. Aadan qoriyow says:

    Asc dhamaan umada somaliyeed waa wx lagu farxo in idaacada bataan insha,allaah magaalooyinka ayaa looqeybin doonaa marka ay gacanta dowlada soo galaan inta ka horeyso muqdisho ayey ku meel gaaraan si lo tijaabiyo tayada idaca walba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII