Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sawiro+Dhageysi: Madaxda dowladda KMG oo ka hadlay wajigii kowaad ee Shirka lagu ansixinayo Dastuurka cusub

Dugsiga tababarka Booliska Jen. Kaahiye oo ku yaala degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga furmay maanta shirkii ansixinta dastuurka cusub ee Somalia.

Munaasabadii furitaanka shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda ugu sareysa dowlada KMG Somalia oo ay ka mid yihiin madaxweynaha, raisul wasaaraha iyo gudoomiyaha Baarlamanka Somalia, wasiiro ka tirsan xukuumada, xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir, masuuliyiin ka socota QM iyo beesha caalamka, safiirada dalalka caalamka qaarkood u jooga Somalia, iyo ku dhowaad 800 oo xubnood oo ka mid ah ergooyinka ka qeyb galaya shirkaas ee loogu talo galay iney asixiyaan dastuurka.

Kooxda Baambeyda Booliska ayaa halkaas ka garaacayay muusikada astaanta Qaranka Soomaliyeed iyo muusik kale oo wadani ah, waxaana amaanka goobta sugayay ciidamada AMISOM, kuwa nabad sugida iyo booliska dowlada oo si weyn u feejigan, iyadoo caasimada guud ahaan ciidamo fara badan lagu daadiyey.

Waxaa xusid mudan in shirka ay soo gaareen ergooyin 100 ku dhow oo ka yimid saaka degaanada Puntland, waxaana horkacayey raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka ganacsiga C/wahaab Ugaas Khaliif oo shalay gaaray magaalada Garowe.

Shirka oo socon doono muddo sagaal cisho ah ayaa waxaa khudbado ka jeedinayay madaxda ugu sarreysa dowladda KMG ah ee Somalia, iyo wakiilada beesha caalamka waxaana shirka lagu furay aayadaha Quraanka kariimka ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo shirkaas ka jeediyey khudbadii ugu horeysay ayaa kula dardaarmay ergooyinka ansixinaya dastuurka iney turxaan bixiyaan dastuurka kuna dedaalaan sidii ummada Soomaaliyed ay codkooda u meteli lahaayeen.

Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramaya marxalidihii uu soo maray dastuurka, isagoo xusay in shaqo badan laga soo qabtay taasoo socotay muddo sanado ah, ayna ku faraxsan yihiin in howshaas ay maanta gebegebo ku dhow tahay.

“Dastuur waa heshiis dad ay ku wada gaaraan sidii ay wada noolaan lahaayeen, Somalia maa laheyn dastuur 43 sano, taasina waxay keentay burburka dalka ku dhacay inaan is leyno, ansixinta dastuurka ee maanta loo fadhiyana waa guul u soo hoyatay umada Soomaaliyed oo taariikhi ah” ayuu yiri wasiirka oo u mahad celiyey guddiga madaxa banaan ee dastuurka iyo guddiga khubarada ah isagoo madaxda DKMG ah ugu baaqay in gudiyadaas la abaal mariyo.

Sidoo kale waxaa ka mid ah xubnaha beesha caalamka ee ka hadlay shirkaas Jamal Axmed Ibraahim oo ka socday urur goboleedka IGAD, wakiilka jaamacada Carabta ee Somalia, Maxamed Cabdalla Idiris iyo wakiil ka socday ergeyga Midowga Afrika oo lagu magacaabo Mr Kigota kuwaasoo dhamaantood sheegay iney taageersan yihiin ansixinta dastuurka.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay wakiilka QM ee Somalia danjire Agoustino Mahiga oo sheegay nin maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo la qaaday talaabadii ugu horeysay ee dowlad rasmi ah loogu soo dhisayo Somalia.

Danjire Mahiga ayaa intaa ku daray in 1-da bisha soo socota la arki doono Baarlaman Soomaaliyed oo cusub isagoo sheegay in isbedelada socda dedaal dheer loo soo galay, wuxuuna u mahad celiyey saxiixeyaasha roadmabka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada oo iyana dedaal u soo galay natiijada maanta la taagan yahay ee wax ku oolka ah sida uu yiri.

Sidoo kale, waxaa Mahiga uu u mahad celiyey ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ah oo uu sheegay iney amni la isku haleyn karo ka dhaliyeen caasimada iyo qaar ka mid ah gobolada dalka, sidoo kale Mahiga ayaa mahad gaar ah u celiyey guddiga madaxa banaan ee datuurka oo uu sheegay iney muddo todoba sanadood ah ka shaqeynayeen arintaas, isagoo sheegay in dastuurka uu qabyo ahaan doono inta shacabka Soomaaliyeed afti rasmi ah uu u qaadayo, ansixinta hadda socotana ay tahay mid aan rasmi aheyn.

“Qaswadeyaasha waxaan ugu baaqayaa iney fursad siiyaan ergooyinka ansixinaya dastuurka oo aysan khash-khashaad la soo doonanin” ayuu yiri wakiilka QM ee Somalia danjire Agoustino Mahiga.

Xubnaha saxiixeyasha road-mabka ayaa goobta ka hadlay waxaana ugu horeeyey Shiikh C/qaadir Macalin Nuur oo ku hadlayey magaca ahlu suna waljameeca, Xasan Maxamed oo ka socday maamulka Galmudug.

Intaas ka dib waxaa hadalkii qaatay Raisul wasaaraha xukuumada Somalia C/weli Maxamed Cali Gaas oo u mahad celiyey intii ka soo shaqeysay xafladaas gaar ahaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay iney suuragaliyeen naftoodana u hureen amniga sababay inuu shirkaas qabsoomo.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Dr Gaas

“Maanta waa maalin qiimo weyn ugu fadhida shacabka maxaa yeelay dastuur horseedi doona in KMG-nimada laga baxo 21 sano ka dibna dowlad rasmi ah uu dalku yeesho, waxaa mudadaas uu dalku ku soo jiray abaaro dowlado KMG ah oo aan damaanad qaadi karin xuquuqda umada Soomaaliyed waxaana ergada leeyahay mid kastaba 13 oo kun oo qof ayuu metelaa waa muhiim inaad ogaataan masuuliyad culus inaad heysaan” ayuu yiri raisul wasaaraha oo u mahad celiyey golaha wasiirada xukuumada oo uu sheegay iney ahaayeen kuwii dalka ka xoreeyey Al-shabaab, dalkana ka saaraya KMG nimada.

Sidoo kale waxaa munaasabadaas ka hadlay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegay wax badan ka sheekeeyey dhibaatooyinkii uu dalku soo maray isagoo xusay in howlaha ansixinta dastuurka ee hadda socda muddo dheer laga soo shaqeynayey, loona baahan yahay in la taageero, isagoo dadka mucaaradsan howlahan ugu baaqay iney fursad siiyaan.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Shariif Xasan Sh Aadan 

Madaxweynaha Somalia Shariif Shiikh Axmed oo isna halkaas ka jeediyey khudBaadii gebagebada ayaa ku tilmaamay maanta iney tahay maalin taariikhi ah oo la soo gaaray meel geeddi dheer loo soo galay sidii loo soo gaari lahaa.

“Dastuur waa dowladnimo halka ay ka bilaabato, la’aantiis dowlad lama noqon karo wixii aan ku soo dhaqmeynay waxay ahaayeen Axdi KMG ah, kama hadleyno waa xun yahay iyo waa fiican yahay ee waxaan ka hadleynaa dastuur ma u fadhinaa” ayuu yiri madaxweynaha oo u mahad celiyey wasiiradii iyo gudiyadii ka soo shaqeeyey dastuurka cusub iyo beesha caalamka oo uu sheegay iney gacan ka geysatay.

“Waxaan ku soo jirnay muddo dheer fowdo iyo nidaam la’aan, dastuurka ayaa inoo horseedi doona nabad iyo nolol, cilad kasta oo uu leeyahay waqti aan ku saxno ayaan u heysanaaa odayaasha waxaan uga mahad celineynaa talada Soomaaliyeed ee ay galeen, kuna soo xuleen ergada dastuurka waa talaabo laga filaayey” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

“Halkan aan joogno waa caasimadii Somalia maanta waa maalin Ramadaan ah oo barakeysan, waxaan u fadhino waa talo Qaran waa taariikh cusub oo ay galayso dowlada Somaliyed, waa taariikh aan ku dhayeyno dhaawacii gaaray qaranmadii ummadda Soomaaliyed, waa Taariiikh u horseedeysa Umadda dowladnimo iyo nabad” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa u sheegay inaan lagu xad gudbi doonin saamiga haweenka looga qoondeeyey xildhibaanada oo ah iney leeyihiin %30, isagoo xusay in odaygii soo gudbiya liis xildhibaano ah oo aysan haween ku jirin in lagu celin doono magaciisana la sheegi doono, wuxuuna ugu baaqay odayaasha dhaqanka iney ilaaliyaan saamiga dumarka marka ay soo xulayaan xildhibaanada.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Madaxweynaha dowlada KMG

“Wixii maanta ka dambeeya waxaan sugeynaa xildhibaanadii cusub ee baarlamanka, waxaan sugeynaa gudoomiye Baarlamaan iyo ku-xigeeno cusub, waxaan sugeynaa, madaxweyne cusub, waxaan sugeynaa raisul iyo wasaare iyo xukuumad cusub oo rasmi ah, waxaan sugeynaa Al-shabaab oo dalka laga tirtiray, waxaan sugeynaa umada soomaaliyed oo gacmaha is qabsatay, waxaan sugeynaa garsoorkii iyo maxkamadihii oo shaqeynaya, waxaan sugeynaa nabad iyo barwaaqo, waxaan sugeynaa ciidamada qalabka sida oo waajibaadkoda ilaalinaya” ayuu yiri madaxweynaha Somalia, waxaana xafladii furitaanka shirweynaha ansixinta dastuurka ay oo soo gebagebowday abaarihii 5:00-tii galabnimo ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.


8 Responses to Sawiro+Dhageysi: Madaxda dowladda KMG oo ka hadlay wajigii kowaad ee Shirka lagu ansixinayo Dastuurka cusub

  1. Puntland dhalad ah says:

    Manta waamalin tarikhi ah oon kaga gudbayno qabiil dawlad la aan halatageero walalayal waxan ubaahanahay dawlad rasmiya umad somaliyed 21sano ayan isdilaynay manta waxa lagaray heerki ankuheli laheen dadlad rasmiya hargaysa naqbaa kada ay dalba xamar iiga baxay dibaa loonoqonaya diba lonoqonaya waxa noobaaqday nabad xumashihi wuunaga baxay gacmaha halais qabsado qabiilka halaiska fogeeya nin ragay dardaran utahay doqoni yeelkeed

  2. maxamed says:

    Manta waa malinti aya odayaasha daqanka aya saxixen gaalnimo

  3. Yibline says:

    لعنة الله عليكم حتى يتوأبو ‏wlh pkm ba inaga dhexeeya inta ay naf iimaan leh nagu jirto

  4. mulla cumar says:

    runtiii waxaas waa gaalnimo cad qofkii dastuur dajiya waaa gaaal bitifaaqil culamaa, waxaan leenahay waxaad dadka haka fogadaan asc

  5. mulla cumar says:

    waxan ma,ahan wax somaliya isku keeni kara ee waxaa somaliya isku keenikara kitabka alle ee munazalka ah marka asaga halaga dhigto dastuur walalayaaa alle kacabsade wxaas iska daaya oo diida asc

  6. Fani fomas says:

    Ilahay ba talo kuflilan
    rabina waxan kabaryena in 21 sano kadib una nasinin dowlad galo ah

  7. Cabdala says:

    As run ahantii marka aan aqriyay waxan daremayaa qiirad wadaninimo ee allahayoy sida qerka ku jiro nawaa faji

  8. Mowliid+ says:

    Ilaahow noo gargaar wallee meeshaan qas waaka jiraa rag iyo dumar ayaa la isku qasayaa inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII