Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Muqdisho oo 22 sano kadib dib habeenkii uga bilaabmeen Gaadiidka Bl-ka ah

Wariye katirsan Www.Warqaad.com oo xalay ku socdaalay magaalada muqdisho meelo kamid ah ayaa soo arkay in magaalada dib uga shaqo bilaabeen gaadiidka Bl-ka ah ee dadweynaha xambaara.

Xasan Cabdullaahi ayaa ku lugeeyey wadada maka Al mukarama isagoo markaasi ka hor gaadiid ku maray isla wadadaasi waxaana uu sheegay in Is badal ballaaran la dareemayey.

Wariyuhu waxa u tilmaamay in gaadiidka ay badi ahaayeen kuwa caadi ku shaqeynayey iyadoo dadka rakaabka ahna iskaga kala gooshayey degmooyinka qaarkood.

Ciidamo katirsan Dkmg Somalia ayaa lagu arkayaa xilliga habeenkii ah Isgoysyada Dabka,Taallada Sayidka iyo Agagaarka Wadada Shaqaalaha kuwaasi oo dhamaan amaanka xaqiijinaya.

Wadada Maka Al mukarama ee magaalada Muqdisho oo si weyn loo iftiimiyey labaatan sano kadib gaadiidka Bl-ka ah ay ka shaqeynaya.

Dhawaan ayey ahayd markii Maamulka Gobolka Banaadir ee Dkmg Somalia ay ka hirgeliyeen Wadadaasi ilaa iyo 50 baalle oo iftiinka maalintii ku shaqeya lagana helay dawlada Norway si weyn billicdii wadadaasi usoo celisay.

Dad Rakaab ah oo saarnaa Baabuurka uu wariye Xasan Cabdullaahi waxay usheegeen in muqdisho dib usoo noolaaneyso waxaana dhinaca kale wadada maka al mukarama ka soconaya dhismayaal ballaaran oo ubadan kuwa ganacsi iyo Hoteelo waa weyn.

Xafiiska Wararka

Www.Warqaad.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

10 Responses to Muqdisho oo 22 sano kadib dib habeenkii uga bilaabmeen Gaadiidka Bl-ka ah

  1. Ducaysane says:

    Ham balyo hambal rer mugdisho waxa iigu dambey mugdisho oo boholaga leen ah

  2. Jaamac yare says:

    Masha allah waan ku faraxsanahay in wadankena is badal weyn laga daremayo

  3. Abdullahi qanciye says:

    Ilahay hano siyadiyo inta hada an heysano ana ku shukrino si ilahay noogu siyadiyo intan yar an heysano hada mida kale dad ayey dhibe nabad inay dhacdo waxa ugu horey shabab o nabada u arko nolol inaysan jirin amni daradana u arko nolol wayo waxay wadanka ku hayan dad danbilayala ah iyagana ilahay iyo umadaba hortoda wax u yalo ma lahan nin walba qofka ugu horeyo u cadowga ka dhigtay wa ina aderkis ya cafinayo yase so dhawenayo waxan le yahay ilahay ha idinka qabto umada islamka meel ad u socotin lama yaqane

  4. Xasan furdug says:

    Maaasha allah allow usaa ido

  5. Yibline says:

    Hadal wa hadba dhinacad la jeceshahay qufkaan ogeen xaalka xamar talow maxad been ugu shegaysan

  6. m.dhago says:

    wow waa sida hada meelkaste mugdisho waad u tagi karta jacaylkaga waayo bas ayaa shaqaynaya

  7. yukey says:

    mahad sanidiin

  8. Abdisalan mohamed says:

    Masha alaah tan mogadisho miya alxm ilaah aya mahad iska le Weriye Xasan aad iyo aad ayad umahadsantahay bilicdii mogadisho hada natusisey walal

  9. Nuur says:

    Muqdisho iyo sucuudiga maxaaa iska galay walabo dar lkn islan ah muqdisho miya sucuudigu kadin badanya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  10. ismail says:

    muqdooy nuurkaaga habaxo ee yaa keenay nuurk ma shariif mase shacabka shiiq shariifoow joogoo jir waligaa……….

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII