Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxay Gabdhaha ula wadaagaan Ragga Xirashada Dharka qaarkood?

Waxaa hubaal ah in gabdho badan ay qaataan darees lagu yaqaano Ragga taasi oo dhaqan ay ka dhigteen kadib noloshoodii ku dabara.

Xirashada Saraawiisha Jeans-ka iyo Shaararka ragga ay xirtaan ayaa waxa ubatay in gabdho badan wadaagaan.

Gabdho badan oo ku nool Somalia iyo meelo kale oo qurbaha ah ayaa la arkaa iyagoo xidhan jeansyo iyo shaar raggeed taasi oo dad badana ka yaabisay.

Culimada Somaliyeed qaarkood oo arintaan ay wax ka weydiisay Www.warqaad.com ayaa waxay ku sheegeen mid ay ihaano ugeysanayaan gabdhaha falkaasi sameynaya diinta islaamka kana codsadeen inay ka fogaadaan xirashada dharka Ragga lagu yaqaano.

Gabdho badan oo somali ah ayaa aaminsan in ay jiraan jeans-yo iyo shaarar gabdheed hayeeshee inagu waxaan ka hadleyno waa mida ku saabsan ragga dharka lagu yaqaano ee gabdhaha qaarkood xirtaan.

Qaaradaha Yurub iyo America wakiilada ujooga Www.Warqaad.com ayaa sidoo kale waxay daba gal ku sameeyeen arintaan iyo xadiga ay la eg tahay isticmaalka gabdhaha dharka ragga lagu yaqaana xirta.

Hadaba Akhristayaasheena iyo fikirkooda ku aadan arintaan….ka qeyb qaado fikirkaagana ka dhiibo:

W/D:Xasan Cabdullaahi

Xafiiska Wararka

Www.Warqaad.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

42 Responses to Maxay Gabdhaha ula wadaagaan Ragga Xirashada Dharka qaarkood?

  1. DEEQOW CADE says:

    dumarka danta kuqasabtey marki raga qaar ay lasameeyey sida farta cilaanka lasarto iyo wxm markasey iyagina jeemis gashtey

  2. احمد طاهر says:

    asc horta aniga waan arkay gabdhaha surweelada ragga xirta misana aad arkeyso surwaalkeeda oo muuqda welibi iyada oo goono wadato ayay surwaalkeeda banaanka u soo bixinin meesha aan ku noolahay gabdhaha waa u caado ma arkeysa gabadh ha yaraato ama ha weynaate aan surwaalkeeda la arkeynin
    diinta ma qabto in dumarka ay qaataan dharka ragga ama tan caksigeeda waxa ku soo arooray goodi mutashaabihinta midda kale waxaan waxa ay kaga daydaan reer galbeedka.
    si xun ayay u il baxeen diinta ilbaxnimo kama soo horjedo ayada ayaa laga qaatay ee gabdhaha illaah haka baqaan naftooda ha u naxaan

  3. x-man says:

    culamada qaar ayaaba qaba in raga u ficneyn surwalada qaar ayagoo ku sababeyo in uu jirkooda muqda ama sawirma ayna ku tukani karin,….. Marka hablahii halkey joogan….. Fadlan gabdhaha islamka ahow ka fogaada dhaqanka reer galbeedka ee ah camal sheydhan oo ah wadada naarta lugu tago…… Allah haalaga cabsado ,waadna aragtaan sida ay u koobantahay noolasheen wayo malin walbo waxan maqalnaa qof dhintay mana soo laabtan,

  4. Xasan muxumad says:

    Aniga waxey ilatahay Ilbaxnimo ayey kawadaan gabdhaha gashanayo dharka dumarka

  5. Mustafe says:

    Aniga ahaanteyda ma jirto wax ku kaliftey dumarka in ay qaatan dharka raga hadi ay ka tagi weyso wa ku deyasho reer galbeedka mooyan waxaas wa xaaran e ka waantoowa walaaleyga muslimiinta aheediyey

  6. Osman mohamed noor says:

    Asc magaceygu wa osman waan salamaya bahda warqaad marka xigta waxa xadith ah Man shabaha qoomun fahwa minhum Rasuulkana saw wu lacnaday raga isku shabaha naagaha ama dharkooda xorto iyo naagaha dharka raga xirto marka waxaan gabdhaha islaamka kuleeyahay iskadhaafa xirashada dharka raga lagu yaqaano

  7. Farxaan says:

    Wa wax jira arinkasi inay gabdhuhu xidhaan dharka ragga marka wxn gabdhaha xasusin lahaa xadiiski (nabiga s.c.w.) macnihisu ahaa naclad haku dhacdo dumarka isu ekaysiya raga iyo ragga isu ekaysiya dumarka

  8. Zayid says:

    Sxb waa dhaqan xun gabadhi caadeysatana wuxu u horseedi karaa cadaab

  9. Qoolif says:

    Gabdheheena Somaaliyeed qaarkood way halaabeen ee Ilaahay hasoohanunsho

  10. Mr sheene says:

    Kkkkkkk wlh waa wax aad ufool xun gbr muslimad ah iney qaadato sarwal jems ah oo diinta islamkana ay ka mamnucday gabdhaha iney qaataan dharka raga ragana sidoo kale iney qaataan dharka gabdhuhu marka fikirkeyga waxan dhihi lahaay waliwa fikir ma ahan waa sharci ahaan gabdhuhu iney ka fogaadaan dharka wilasha wiilashana sidoo kale walow ay ubadanyihin gabdhaha siiba kuwa qurbaha ku nool aniga waxan ka mid ahay qurba jogtada somaliyeed marka waa xad gudub weyn taasi markaad aragto gabdhaha qurbaha jogo

  11. Cali c/laahi warsme says:

    Waaxaaraan ingabar muslim ah ayshabahdo raga

  12. abdi somali says:

    gabdhaha da ha xirtan jeanska maxa yelay wilasha aya hurur noqden jeanska waqti ayu qata inti laga sipayo

  13. daahir says:

    wayaab ido hameenah iney surwal gashtan wafol xumo waxan ugubaqa gab dhaha inay katana sulan raga qar na waxhy sameyan iney cilan marsadan kalexdha

  14. Saadaq yare says:

    Waa gabdho dhaqan gelinayaan dhaqanka reer galbeydka waxaay ku raali noqdeyn diimaha karishtanka waxay carogelinayaan rabi waxay raaligelinayaan yahuuda ale lacnadiisa haku dhacdee alle ka cabsada gabdhooy

  15. Sanka says:

    Walaal waa caariyaad waa hawaynka jirkooda banaanka dhiga ilaa haka baqaan wixi dhalayna waa labo qayru masuul caruurta ku adbiya guriga

  16. TAW-TAW says:

    Akhristow majirto wax sababi kara in dumarka guud ahaan ey xirtaan dharka ragga,gaar ahaana dumar muslinimada u nasab sheegta waa kamam-nuuc xita iney meelyar isaga ekeysiiso Ragga,sida timaha ey jartan,iskaba daa dharka ragga ooy xirtaane!!
    >Aqoon la’ida ama Barasho la’ida diinta islaamka ayase sabab u ah-waxa dhacaya Akhristow”
    >umad aan Baran, kudhaqmin,qaadan diinta ay heysatey dhibaato aduun & Halaag aakhiro baa udanbeyn”
    >Nabi Muxammad (C.S.W)wuu habarey dumarka qaata dharka raga isuna ekeysiiya ama Raga qaata dharka dumarka isuna ekeysiiya, isagoo yiri:-Alle halacanado wuu Nacaladaye kuwa (dumarka) raga isu ekeysiiya ama kuwa(raga) Dumarka isu ekeysiiya,NAXARIISTA ALLE WUU KAFOGEEYEY”
    bal ufiirsada walalayal arintaa!!

  17. Baaquli says:

    Runti waa wax laga xumado arinta dharka raga in lalaqato shareecada islamka kamaso aroran

  18. Suldanka says:

    Lama doneyn in ay xirtaan dhar rageed lakin danta ayaa ku qasabtay waxeyna sheegen in ay uxirteen kufsika shaatiga waa maxaay

  19. jamaal says:

    runtii arintaan wa arin xad gudub ah diinta islaaamkuna ma opgola in rag qaato dharka dumarka sidoo du,markan wa xaraan inay qaatan dhar rag hadii diinta loo noqdo dhamaan dhaqanda ay samaynyaan rag iyo dumar umada somliyeed haba u badnaadeen dumar a eaa arin xaaran ah nacalada yaan ku soo degsayo qofkii falkaas ku dhex jira waxaan odhanlahaa diinta ha loo noqdo allah swc aan raali gelino taas ayaa liibaanteena aakhiro iyo tan duunba ku jirtaa e wscw

  20. Marxalada cusub says:

    Nabiga(scw)wulacnaday nagaha nimanka iskuekeysiya ama nimanka nagaha iskuekeysiiya waxan lenahay lacanad alah hakurido sidi nabiga uyiri (scw)

  21. C/risaq says:

    Aniga oofikirkeyga dhiwanayo waxan leyahay gabdhaha danta aya ugeysay inay xirtn jenisyada lkn waxan leyahay iskaxirta dharki alle idinku tala galay sharafta ha isaga ciyarina gabdho hada so baxayo aya tihin

  22. Ahmed says:

    Asc gabdhaha 100/98 aya qaata jeans-yada raga lugu yaqaan balse waxay arken raga o ku qurxan arinta markasey dhahen idina wad ku qurxantihin gashta waxase hubal inay ka arken tv-yada naga gala ah o kulabisan qaar baa uxirta kacsi darti….by

  23. Raaxeye says:

    Fikir keyga hadii an ka dhibto waxaa weye in gubdhuhu ay xirtaan sarawisha raga waa dani kubiday o micnehedu yahay dad dal iyo dhaqan sojirena an haysan cilmi ku fulana an haysan wu xuu dono ayuu samaynaya kow midakale kuwo ayaa u arka her lagaray oo ilbax nimadoda ayaa halkas garsisan wax walbana waridka ayaa u sababa rag dhagaha du leel sadayba waa jiraan timahana tidcaday iyo kuwo lagursaday marka gabdha ha ha kayabina

  24. Warsame cadde says:

    Runti arintaas waa wax lala yaabo in ay gabadh xidhato labiska raga arintaasna wayahan dambe gabdhaha way ku so badatay nabigena (nkh) wuxuu leyahay cidi cid isku shabahda ayaga ayey ka mid tahay marka gabdhaha musliminta ah waxan u shegayaa in ay iska ilaaliyaan arintas o aysan naga mid noqon cawradodana asturtan dhexdana aysan dhuqsan asc

  25. Shaakir yare says:

    Arintani wa arin lala yabo in gabdhaha anaga ay ku daydan gabdhaha galada ah

  26. shaakir says:

    runtii waa arin layaayo in gabdhaha ay ku daydaan dhaqamada gaalada

  27. Said says:

    Runti waxan dhihi kara arintas wa dhaqan xumo iyo xishod la.aan iyo diin la.aan e ragaw iska ilaliya dumarkas dhaqan xun

  28. Dr calasow says:

    Sabbtu waxa weye jirkoda iney sosaran dabaded raga ay jecladan, ogeysis: gabdhaha somaliye ee musliminta ah waxn udardarmaa alle kacbsi wayo adunyadan inta lajogayo wey gabantahy waxa macqule adigo lalabatada caloshada banantahy ama aymuqato sida gabdhaha qaar lagu ofsado dabaded laguxawalo dhamanten alle ankabaqno wabilahi towfiq.

  29. cambulagat says:

    waxaan oronlahaa haweenka haka jogaano hirishadha darka raga ugarka ah waayo tii xirata waxaay mudhandoontaa ciqaab alle xagiisa katimid,,,,quraan ayaa eenoo cadeeyaey????

  30. Fani fomas says:

    Haa waasax dumarka wey qatan darka raga lkn qarkod dan ba ogeysay.
    1:kuwa somali jogo:
    gabadha waxay jogta wadan coladled waxana laga yaba iney gabadhi iyado iska soco habad wifta ah ay ku dacdo misa ladilo
    kuwa qurba jogta ah:
    role wadanka digayo in ay gabadha schoolka iyo shaqada ku so ada dharka raga
    3. Kuwa kalena wexay raba iney waregan sas oged bey oqatan

  31. Sadack says:

    Waa wax aad loola yaabo ahna dhaqan ka duwan kan islaamka iyo somaalidaba, hase ahaatee gabdhuhu ku dhiiradeen ra’yi ahaana waxaan leeyahay gabdhaha walaalaheey ah haka fogaadaan wixii diinta iyo dhqankaba wax u dhimaya raguna waa ka mid gabdhaha oo qura maaha. Mahadsanidiin..

  32. Adan cade says:

    Ani waxan qaba in arintan ay tahay fikir Galada ku sulineyso xirashada oo lagu yaqano gabdhaha muslimadka ah ayada o lo fasiran karo arimo kale o bada lkn ani tasan qaba wad mahad santihin

  33. maxamed yare says:

    waxan leeyahay dumarka ha iska dhaafaan dharka raga

  34. Babur says:

    Way qumanyihin gabdaha melkasto walaga xirta ee somalia umba rabta sifa ay isu dagalan waxan dihi laha gabdow xirta jemiska wa asturade

  35. Sharma.arke says:

    Aniga waxan jogaa south africa haa wan ku arkaa inta badan hablaha somaliyed balse markad weydiso wexe ku jwban beshan ma.ahan somalia marka ha igu mashqulin sxb waa wax lala yaabo run ahanti waxan dhahno ma naqaano run ahanti ilaah haso hanuuniyo amin

  36. Mr pharmacy says:

    Arintas waaqalad gabdhaha musliminta ahow iskadaya dharka nimanka

  37. hagadhera gentle man says:

    gabdhaha soomaliyeed waxan dhihi laha inay iska dayaan laqadashada dharka raga logu tala galay, dinta islamka mashegeso in gawar muslin ah ay xirato dhar munaasib u eheen. Wa xaraam jirkeda maro sosarayso inaday qadato gawar muslim ah

  38. somali says:

    gabdhaha markii ay gaalada kabadisay in ay yihiin dad liita taas oon ahayn mid xaq ah ayey jecleyseen in ay kor iisu soo qaadaan iyagoo xiranaya darka ragga. ragu waa uu kafaanaa in uu xidho sabatoo ah waxaa uu u arkaa dad aan lagaraad ahayn.
    waxaan dhihi lahaa waxaa waxba kama jiro jinsiwalbo siduu rabigga oogu talagalay madhhafayo ee hakuqanacsanaado.

  39. mohameh hassan says:

    asc plz hakafogadeen haweenka muslimiinta ah xirashada dharka raga ah qasatan haweynka somaliyed coz dhaqn keena ma ahan tanka waxey la mitahay ayadoo zineyztay coz cowradeeda ayey raga umuujisay

  40. Maxamud says:

    Asc walaalayaal arintan waa arin xun marki loo eego arinta dinta wayna ku cadaabtagayaan dadka sameyo sida rasulkena c.s.w noogu shega xadiiska raga iyo naagaha isla xidho dharka. Tankale gabdhaha xidho waa jaahilin aan fahan saneyn jeans ka caafimaad daradisa sida kalye xanuunka u leyahay kadibna ay marmarsin ka dhigtan in u ukenay f.G.M. {gudninka firconiga} gabdhena mulsim ka ah waxan oga digayaa xidhashada jeanska iyo indha shareerka dhibaato cafimad darteet haday tii alle faray qadarin wayen

  41. Xas0 says:

    Gabdaha wxan usheegi lahaa jeaniska in uu bikradha jibiyo?

  42. Farxaan says:

    Runtii waa wax laga yexyaxo ama laga xumada in gabdhaha soomaliyeed ay u dhaqman sidii reer galbeedka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII