Waa Barnaamij Cusub oo aan ugu magac darnay BARNAAMIJKA DHACDO oo had iyo jeer aan idinkugu soo gudbin doonno hadba Qodobka ugu layaabka badan ee ka dhaca dunidan aynu ku wada nool-nahay.
BARNAAMIJKAN CUSUB EE LA MAGAC BAXAY DHACDO ayaa waxaa idin soo gudbin doona Wariye kasta oo ka hawl-gala Shabakadda Warbaahinta Warqaad.com, waxaana Qodobka layaabka leh ee maanta Istuudiyaha Washington idinka soo tabinaya Wariyaheena Maxamed Xaaji Yaasir.
DHACDO layaab leh ayey ahayd markii Wargeys-yada ugu magac dheer wadankan Mareykanka ah ay qoreen kuwooda arimaha Bulshada ka faalooda in Haweeney ay mindi kala daashay Seygeeda Hinaase awadeed.
Rhonda Rosshel oo ku magac dheer Miss Washington waa Haweeney 33 jir ah, waxa ay kasoo jeedaa magaalada Bryan ee Gobolka baaxadda leh ee Texas, xilli habeen ah ayey toorrey kala daashay odeygii qabay.
Rhonda Rosshel Washington waxaa ay eegtay Laptopka Seygeeda mar uu ninka cabitaan gaar ah ka doontay qeybta hoose ee guriga, kadib waxa ay aragtay FACE BOOK ONLINE, gudaha ayey usii gashay, waxa ayna aragtay…….. Miss Washington ayaa aragtay Ninkeeda iyo Naag kale oo Sheeko jacayl jilayay, iyadoo ka aragtay qoraal xaga ONLINE-ka ah xilli ninkeeda uu maqnaa, haweeneyda aad ayey u carootay, wexey sameeyso ayey garan weyday lakin Go’aan maskaxdeeda durba kusoo dhacay ayey qaadatay.
Rhonda Rosshel ayaa soo qaadatay Mindi af leh, ninkeeda oo Guriga ilbaabkiisa soo galaya ayey inta dhulka ku riday ayey Mindida kala daashay ilaa iyo intii ay meel walbo oo jirkiisa ah kaga muday Mindida.
Booliska magaalada Bryan ee Gobolka Texas ayaa guriga soo gaaray, iyagoo aad ula yaabay sida Rhonda Rosshel Washington ay midida u gal-galisay Seygeeda oo magaciisa aan la sheegin wali.
Dhanka kale Su’aalo Booliska ay weydiyeen oo ahayd Miyaadan Ninka ku qabay aad Hinaase dartii mindi u galin ayey Miss Washington ku jawaabtay” Aniga Hinaase awgeed odayga aan jeclahay Toorrey uma galin ee isaga ayaa isoo weeraray xilli uu damacsanaa inuu i dilo, wuuna cabsanaa markaa”.
Ugu dambeyntiina Dhaawaca ninka qaba Rhonda Rosshel ayaa loo cararay Isbitaal isagoo nafta kusii dambeeysa balse Dhaqaatiirta magalada Bryan waxaa laga soo xigtay in ay la tacaalayaan bukaanka.
FIIRO GAAR AH: Barnaamijkeena Cusub ee DHACDO wuxuu gaar u yahay Wabsite-ka Warqaad.com, amar la’aan lama qaadan karo, dibna looma daabici karo.
Masha Allah Allaha idin barakeya warqaad dhan walbo Oo Aad bulshada uqanicinsan wadna kumahad Rantihin,RAYIHANTEDA,
Wan kahumahay wax an ficnay ayay samaysay nagtas
bashuug
Waaa waxa dhici karaaa oo markastan dhaca layaaab ma lahaaan xageega
Waa mahad santihin dhaman asxaabta warqaad midakalena naagtana fal xun ayay ku dhaqaaqday
A.s.c. Guud ahaan waan inkaga mahadcelinaya barnaamijkaan
Ramadaan wax thawaab lagahelo sooqora waad mahad santihiin reer warqaad
Wan ku faraxsanahay hadeysan muslim aheyn
Nin la,an baa ka racday
Wa arin la yab leh ani mugo facebook wan u badanahay nagna wan qawa e mugo ama sas igu dhacda
Waa y aab cusub? Maxeey kawaad
Faa iidada ninka ayayna waxba ka aqoon taas ayaa kusababtaya inay ficilkan xun samayso kkk
Kkkk waaaaaaw
Masha alaah shabakada warqaad com wad mahasantihiin wad inoo dadashan wax kastoo dhaco wan lasoconaa hadan nahay qurba jogta soomaaliya wan idin mahad celineeynaa
Pu
Waa layaab wallaahi
15 ka danbe ramadaan maxaa kala qabsan doona dowlada iyo alshabaab jwb wcn warqaad
Toori aaaaa oo xagey utaalay maser waye ogoow huuuh!
ma aheyn in ay sameyso arintaas haweyney das
ma,aha wax layaab ah, wayo maseerka wa wax jira aduunka!
Hubsiinyo halbaa lasiista
Hubsiinyo halbaa lasiista k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.
Ramlan karim shabakada warqaad xiqiqdi wa arin layableh goanka miss washigton wuxu ahaa mid aysan kafikirin lakin waxaan ku bararujin dhamaan dumarka wa iskumid e fadlan ka fikira arimaha nocaas ah
Waa ok wayo muxuw sida usameyay in ay qashey ahed
Asc dhaman ok nin ka aya qaldamay
weyku saxsantahay asigaa gardan
Wey hagaajisay waa naag nool…