Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shirkii lagu ansixin lahaa dastuurka qabyada ah oo mar kale dib udhacay iyo sababta oo..

Faah faahin ayaa kasoo baxaysa baaqashada kulankii lagu ansixin lahaa dastuurka qabyada ah ee dalka iyadoona ay tahay markii sedexaad oo uu dib udhac ku yimaado.

Isagoo lahadlayay qaar kamid ah saxaafadda Wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka C/kariin Xaaji Buux ayaa waxaa uu sheegay in uu baaqday kulankii lagu ansixin lahaa dastuurka qabyada ah.

Baaqashada kulanka ayaa ka danbeeyay kadib markii odayaasha dhaqanka beelaha qaar ay ku guul daraysteen in ay soo xulaan ergadii ka qeyb gali lahaa ansixinta dastuurka qabyada ah.

Waxaa uu tilmaamay in hada inta badan xal laga gaaray khilaafkii taagnaa ayna odayaasha soo dhamaystirayaan ergadii ansixin lahaa dastuurka qabyada ah.

25-ka Bishan ayuu sgheegay Wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka C/kariin Xaaji Buux in la ansixin doono dastuurka qabyada ah.

Khilaafka ugu xoogan ayaa ka taagan qaar kamid ah qodobada dastuurka taas oo keentay in odayaasha dhaqanka ay ka dhega adeegaan soo dhamaystirka dastuurka.

Faah Faahin kale dib kala soco Insha Allah Warqaad.com

One Response to Shirkii lagu ansixin lahaa dastuurka qabyada ah oo mar kale dib udhacay iyo sababta oo..

  1. Cabdala says:

    As maxoo qabsamaa Ellaah ba rali kama ahan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII