Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

10 dhalanyaro reer Muqdisho ah oo lagu xiray degmada Wajeer ee G/Waqooyi Bari Kenya xilli Hoteel ay ku jireen

Wararka ka imaanaya degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhowaad Tobanaan dhalanyaro reer Muqdisho ah lagu xiray degmadaasi Xalay xilli ay doonayeen Nairobi.

Wararka Wajeer ka imaanaya ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in ciidamada Booliska Kenya oo hawlgalo ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay 10 dhalanyaro oo sida la sheegay ay ka yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wariyaha Shabakadda Warbaahinta Warqaad.com ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa uu soo sheegayaa in Dhalanyaradaasi laga qabtay Hotel lagu xareeyo dhalanyarada rabta in ay gaaraan magaalada Nairobi ee aan Sharciga haba yaraatee heysan.

Dhanka kale Qof ku sugan gudaha degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in Dhalanyarada ka timid magaalada Muqdisho ee laga soo qabtay Hotelada Gawaariyaasha Basaska leeyihiin lasoo farmuuqay.

Taliyaha degmada Wajeer oo qadka Telefonka aan kula xariirnay ayaa waxa uu inoo sheegay in Dhalanyaradaasi ay iminka ku jiraan Xabsiga Wajeer qeybtiisa dambi baarista, islamarkaana Su’aalo la weydiin doono.

Ma’aha markii ugu horeeysay Dhalanyaro Muqdisho ka timid lagu xiro Gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyadoo mararka qaarna ay dhacdo in lasoo farmuuqo.

Warqaad.com-Wajeer

3 Responses to 10 dhalanyaro reer Muqdisho ah oo lagu xiray degmada Wajeer ee G/Waqooyi Bari Kenya xilli Hoteel ay ku jireen

  1. Wadani says:

    Wariye waxatahay shacabka somaliyed kala socayo kenya kuwa somalida ah ee ku dhashey xitaa lalush aya laga qaada mad shegtit

  2. Xas0 says:

    Waraya hoteladha mxad kadoonten war musqusha ya lagalaa kkkk

  3. abdikadir says:

    nin ala nikii soo galaa wadaka waxaa laga qadi tilaabo sharci ah
    dalka umarabno wax dhibha waa wadal wanaagsa majiro waa wanaagsan dalka by good lucky kenya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII