Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO:Gen Dhaga-badan oo si adag ubeeniyay in uu iscasilay sheegayna in bisha Ramadaan ay…

Dhawaan qaar kamid ah Warbaahinta ayaa warisay in uu xilkii iska casilay abaanduulaha ciidamada xooga dalka Gen C.Kariim Dhaga-badan.

General C/kariim Yuusuf Aadan Dhagabadan  ayaa sheegay in laga been abuurtay isla markaana aysan jirin meel uu isku casilay.

“Waa warar borobogaando ah, waana mid ay soo qaban qaabiyeen kooxaha nabad diidka ah”ayuu sheegay Dhaga-badan.

Riix Halkan si aad udhagaysato

General C/kariim Yuusuf Aadan Dhagabadan  ayaa carabka ku adkeeyay in qorshihiisa ay tahay kaliya in ay Shabaab si deg deg ah uga saaraan guud ahaan goboladda dalka.

“Waxa hnaga go’an waa sidii kooxaha nabad diidka ah dalka looga saari lahaa kadib ama kahor dhamaadka Ramadaanka”.

Qaar kamid ah Warbaahinta Qoraalka Soomaaliya ayaa daabacday warar sheegaya in uu iscasilay Dhaga-badan kadib markii uu ka carooday bixin la’aanta dowlada ee mushaarka ciidamadiisa.

General C/kariim Yuusuf Aadan Dhagabadan  ayaa ahaa hogaamiyahii Shabaab kala wareegay Afgooye waliba si dhiig badan uusan ku daadan.

Warqaad.com
Muqdisho

6 Responses to DHAGAYSO:Gen Dhaga-badan oo si adag ubeeniyay in uu iscasilay sheegayna in bisha Ramadaan ay…

  1. Shekale says:

    Waan ku farax sanahay eriyada ka soo yeeray jananka

  2. Somalia says:

    Murdatyow lacag la.aan aya ku haysee ii mow ana ku siina hadii tfg lacag ku weyday ma is casileysa iyada aya waqtikeda dhamaday

  3. Seyful cadli says:

    Murtad qamriya cab dhega badan adigo cabsan miyad is cazishay marki darogada kabaxday miyad maqashay is caziladada mida kale wargaal.com dagalki af goye waxa hugaminayay tangiyada kufriga dhega badan waa ey kaliya wadoyinka kaliya tusinayay salibiyinta murtad qamriya cab afku urbadan

  4. Bakar yare says:

    Asc waa sarkaal geesi gutayna shaqadisa ha is casilin ilaa shabaab ay ka baxayan ciida somalia

  5. galmudug says:

    Ha caayin shiiqa shayyadiin yahay afka duuban waa geesiga duurka idiin saaray oo howdka idin hariyey

  6. cumar maxamd says:

    murtadintu markey ogatay in xld adag soo fod saartay ayey cabaadan allah waxan ka rajeyna malcun been badan in lagu bireyn doono taangiga galada amisom korkisa takbiiir! allaahu akbar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII