Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa maanta booqday Fanaanada weyn Saado Cali Warsame oo shalay galab ku dhaawacantay Shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garoowe.
Fanaanada oo shilka kadib la dhigay Isbitaalka ayaa iminka xaaladeeda caafimaad soo hagaagaya,waxaana laga saaray Isbitaalka iyadoo la dhigay Guriga Wasiirka Haweenka Puntland.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Fanaanada caafimaad buuxda oo deg deg ah isagoo sidoo kale tacsi u direy dhamaan dadkii ku waxyeeloobay Shilka.
Fanaanada ayaa laga kabay gacanteeda bidix oo ay ka jabtay,waxaana jirey warar iskhilaafsan oo kasoo baxayay xaaladeeda caafimaad markii uu shilka dhacay.
Dhinaca kale waxaa saaka aas qaran loo sameeyay Allahu naxriiste Labo Wariye oo la socday fanaanada kuwaas oo ku geeriyooday Shilka,waxaana kamid ahaa Jaamac Maxamed Nuur (Jeelle) oo isagu xalay Isbitaalka ku geeriyooday.
Aaska waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo Wariyaal kaloo oo badan.
Fanaanada Saado Cali Warsame oo shalay markii u horeysay mudo 22-sano kusoo laabtay dalka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado wadanka,waxayna ugu baaqday Soomaali meel kasta ay joogaan in ay midowdo.
Masha alah wan kufarax sanahay walashena somaliyet sado cali warsame cafimat keda
Alla hacafiyo sado ali amin amin amin
saada Ali.yey alle Mar unbuu ku qaban doonaa hadaad badbaaday haday tallo kulla gud boontahaye illaahey towbad weydiiso. oomar danbe masrax haka niikinin waa tussaalle waxa hada kugu dhacay haad muslimtahy kabax xumaanta
Allaha siiyo caafimaad taam ah fanaanada caanka ah ee saado cali warsame inta dhimatayna janada allaha ka waraabiyo aamiin aamiin
ilahy ha caafiyo sahro amin
Saado alaha cafiyo wana sax boqashada madaxwaynaha
Waa wax lagu farxo inay Saado Cali nooshahay oo caafimaad qabto
Waa wax lagu farxo booqashada madaxweynaha oo waa taageero weyn
Asc dhaman musliminta midakale saado waxan ujedinlahaa in ay ka towba kento xeesaha hadi kale arinteda wali way xuntahay asc
Saado adoo hada dhaawac ah ayad ilahey ka baqonin oo nimanka ajaaniibta ah gacmaha ku salaameysaaa wale hadaad markaan towbad keenin oo nikiska iska dhaafin ogow ilaahey qawashadiisa wa mid daran
Allaha waxaan gabaryaya inuu caafiyo fananada qadro cali warsame amiin amiin amiin amiin