Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AL-Shabaab: Gaal Males Zanawi Boqolkiiba 99 inuu u baqtiyo Cudurka Kansarka ayuu ku dhow yahay

Xoogagga xarakada AL Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in Boqolkii 99 Males Zanawi Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku dhow yahay inuu u geeriyoodo cudurka Kansarka ah, waa sida ay hadalka u dhigeen’e.

Tan iyo Maalinta Sabtidii hore Shirka Midowga Afrika laga waayay 21 sano kadib Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa ay Shaki badan ku abuurtay Aduun weynaha, waxaase markii dambe la ogaaday in Xanuun awadii uu Yurub u aaday.

AL SHABAAB waxa ay sheegtay in ay jeclaan lahaayeen iyagoo ah Males Zanawi oo u baqtiyay Cudurka Kansarka ee gala maskaxda, iyagoo sidoo kale xaqiijiyay in Males uu u dhaxeeyo nolol iyo geeri.

Sheekh Xasan Maxamud Takar oo kamid ah Shabaab qeybta maktabadda Dacwada oo Muxaadaro soconeeysay (HAL SAAC, LIX IYO TOBAN DAQIIQO IYO KONTON IYO LIX ILBIRIQSI) ka jeediyay masjid ku yaal Marko.

” Ninkaan Zanawi la leeyahay waa nin Farsamo badan, Waad ogtihiin in Soomaalida waxa ay tahay uu hal hal u yaqaan, maadaama uu Dhigan jiray Jaamacada Lafoole ee duleedka Muqdisho”.

” Xilligii Males uu Xamar joogay aniga waan aqiinay, marar badanna waan is aragnay, Markuu Muqdisho joogi jiray Wuxuu watay magaca Yuusuf, waxaan kaloo ku xasuustaa inuu ahaa ruux jecel inuu Kaligii taliyo sida hadaba uu Kaligii taliye ugu noqday dalkiisa”.

” Run ahaantii Gaal Males Zanawi abaalka Somaliya u gashay wali ma uusan iloobin, waayo Jaamacadii Lafoole Free ayuu ku dhiganaayay, Soo dhoweyn ayuu Xamar ka helay lakin maanta muxuu abaalkeena ka dhigay in Xabashi uu Soomaaliya u soo diro”.

” Sida Wararka aan ku heleeyno baryahan Waxaa la leeyahay Caafimaadkiisu ma wanaagsana lakin sida Caalamku ogtahay oo anaguna(Shabaab) ka warqabno Boqolkiiba 99 inuu baqtiyo ayuu u dhow yahay” ayuu yiri Xasan Maxamud Takar oo ka tirsan Shabaab.

Warqaad.com-AFGOOYE

11 Responses to AL-Shabaab: Gaal Males Zanawi Boqolkiiba 99 inuu u baqtiyo Cudurka Kansarka ayuu ku dhow yahay

  1. Xusen muxumad ali says:

    Shalay ayuu bakhtiyey malez zanawi . Amiin amiin amiin

  2. galmudug says:

    Waqti buu leeyahay hadii u hada tago malaayiin males ah baa joogta mid ka daran inuu xukunka qabto soo ma dhickato

  3. Shekh cali dhere says:

    Baqti alaah idan kis oodhimo aammiinn

  4. Citizen says:

    Wuu nool yahay caafimad kiisana waa 100% zinawi waa ninkii shabaab meel saarey zinawi madaxiis kor

    • Fred says:

      Like the crappiest ally csonett bit. I wonder, if we learned that OBL for whatever Captain Insane-o on the Wackadoo Express reason was hiding out in Tel Aviv, would we have sent the SEALs after him? Diplomacy is hard, it’s made harder by stupid people, and I get that. But the Israel question is one that needs to be answered with some degree of consistency, with consistency meaning something other than Israel is always right.

  5. galmudug says:

    Waa ku farxasanah ru sul wasaarah oo caafimaad kiisu fiican yahay oo mar kiiba ku dhawaaqa intilaamo laga qaado kismaayo bu aale baraawe jilib ilaa haaway hadodka lagu galo al shabaab

  6. Husenabdiahmad10@hotmail.com says:

    Malaswanabadqaba ha dudhintanaboqolmalas ahayajoto

  7. Mr.dhooroos says:

    Asc dhaman ramdan wanagsan inta kadib labadan qof e lmagc baxay citizen and galmudug horta alle ka cabsada waxad ku farxeysan ninka gaalka gaalku dhalay ah e somalia kadegi ladahy inad ka dor bidan al shabab midkan dhahayo madaxisa kor war adinka hadi al shabab manta ad ku faraxdan in laga saro somalia wlh waxa noqoneysan afarti sacod e somalida so dalishato ma jahilnimo e idinka tahy mise wixi somalia ka dhacy 2007-2009 aya hilmaten ilahey u tobad kena

  8. Mr.daariq says:

    Asc dhaman ramdan wanagsan inta kadib labadan qof e lmagc baxay citizen and galmudug horta alle ka cabsada waxad ku farxeysan ninka gaalka gaalku dhalay ah e somalia kadegi ladahy inad ka dor bidan al shabab midkan dhahayo madaxisa kor war adinka hadi al shabab manta ad ku faraxdan in laga saro somalia wlh waxa noqoneysan afarti sacod e somalida so dalishato ma jahilnimo e idinka tahy mise wixi somalia ka dhacy 2007-2009 aya hilmaten ilahey u tobad kena

  9. Roohani says:

    Guusha Somaliya iyo guuldarada Somaliya midna kuma xidhna nolosha ama Geerida Malez, waxay ku xidhantahay Damiirka Somalida sida uu u noolaado ama udhinto. Beentay miyaa?

  10. Mahad says:

    Alahu akbar. Males wuu baqtiyay. Jahanamo ayan u rajenaa . Wixii males zanawi unacam leeyaa waa munaafiq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII